War Deg Deg Ah : Kooxda Fc Barcelona oo qaaday Koobka Qaaradaha Aduunka oo maalmihii ugu dambeeyey si xiiso leh uga socday dalka Japan (War Bixin+Muuqaal Daawasho ah)
Magaalada Barcelona iyo goobaha Ciyaaraha lagu daawado ee Caalamka waxaa ka socda Dabaaldeg ay dhigayaan Taageerayaasha kooxda Fc Barcelona oo wax yar ka hor qaaday Koobka qaaliga ah ee aalaaba loo dhigo Kooxaha soo qaada Koobabka Qaaradaha ay matalayaan.
Ciyaartii Fiinaalka koobkaan oo ka dhacday magaalada Yokohama oo ku taal dalka Japan waxaa 4-0 lagu suul daaray kooxda Fc Santos oo xili ciyaareedkaan mataleeysay kooxaha Laatiin America.
Waa markii 5-aad oo xiriir ah inta Taariikhda la ogyahay oo Koobkaan Qaaradaha Aduunka uu u gacan galo koox ka socota Qaarada Yurub waana markii 2-aad oo ay qaado Catalonia Fc Barcelona oo horay u soo qaaday Sanadkii 2009-ka. Dhanka kooxda Fc Santos koobkaan wexeey ku Guuleeysatay ama heeysataa Sanadkii 1963-kii xiligaas oo uu qabqable u ahaa Laacib Pele.
Kooxda Fc Barcelona waxaa Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Lionel Messi Daqiiqadii 17-aad & 82-aad, Xavi Hernandez Daqiiqadii 24-aad waxaana Goolka ugu dambeeyey raacsaday Laacibkii hore ee kooxda Fc Arsenal Cesc Fabregas Daqiiqadii 45-aad.
Kooxda Fc Santos oo xili ciyaareedkaan uu watay Xiddiga heeysta Laacibka sanadka ee dalka Brazil waa Neymar wuxuu kooxdiisa ka qasaariyey Fursad qaali ah oo Gool lagu dhalin karay daqiiqadii 7-aad ee Ciyaarta qeeybteedii 2-aad.
Macalin Josep Guardioala oo u yimid kooxda Fc Barcelona xagaagii sanadkii 2008 wuxuu la qaaday ilaa hada kooxdiisa koobkii 13-aad , waa marka lagu daro koobkaan Club World Cup 2011 oo ay maanta qaaday Fc Barcelona. Tababare Josep Guardioala ayaa Koobabka uu kooxdiisa la qaaday wexeey kala yihiin sidan >> 3-Jeer oo Horyaalka La Liga ah , 2-Jeer oo koobka Champions League ah , 2-mar oo Club World Cup ah, 1-Jeer oo koobka Spain ah, 2-Jeer oo UEFA-Super Cup ah iyo 3-jeer oo Spanian Super Cup ah.
Ciyaarta markii ay dhamaatay ka dib Neymar Da Silva oo la wareesanayey wuxuu yiri sidan " Barcelona wexeey naga gashay kaalinta 1-aad ee Kooxda ugu wanaagsan Caalamka laakiin anaga waxaanu xiranay kaalinta 2-aad ee Team-ka ugu qatarsan Dunida,,
Kaalinta 3-aad ee Club World Cup waxaa xaqiijisay kooxda Al Sadd oo heeysata koobka Qaarada dalalka Asia kana socotay xili ciyaareedkaan dalka Qadar wexeeyna Rigooreyaal 5 iyo 3 ah kaga qaaday kooxda Kashiwa Reysol oo ka dhisan dalka Japan .