 |
|
 |
laroja |
 |

Faalo, Yaa celin kara xulka qaranka Spain? & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News. (Faalo & Taariikh kooban, ku biiri Aqoontaada Sport ! Xulka Qaranka Spain waa Team-ka heeysta labada koob ee dunida ugu qaalisan kuwaas oo kala ah Koobka Addunka 2010 & Koobka Qaramada Yurub 2008. Qaranka Spain waxaa dunida looga yaqaan La Furia Roja oo macnaheedu yahay (The Red Fury) ama La Roja (The Red One). waxaa kaloo inta badan qaarada Yurub loogu yeeraa ama looga yaqaan Iberer . Xulka Spain ciyaartiisii ugu horeeysay oo caalami ah waxa uu la yeeshay qaranka Denmark oo eey uga badiyeen 1-0 wexeeyna ka dhacday magaalada Brussels ee dalka Belgium 28 August 1920. Spain guusha eeysan waligood iloobeen oo Taariikhda eey ku faanaan ayaa ah kulan eey 13-0 ku garaaceen xulka Bulgaria 21 May 1933. Taariikh madoow iyo guul daradii ebid eey ka naxaan ama sahal eeysan ku iloobi doonin ayaa waxa eey kala kulmeen xulka qaranka Talyaaniga oo ku garaacay 7-1 ciyaar ka dhacday magaalada Amsterdam ee dalka Holland 4 June 1928. Taariikhdaas madoow kuma eeysan waano qaadan xulka Spain ee xiligaas jiray ee waxaa 3-sano ka dib guuldaradii eey kala kulmeen xulka Italy mid la mid ah faraqa u geliyey xulka Ingiriiska oo uga badiyey 7-1 ciyaar ka dhacday London 9 December 1931. Xulka Spain Koobka Addunka waxa eey heeystaan hal mar oo kaliyah waana 2010 oo ka dhacay dalka South Africa, dhanka Koobka Qaramada Yurub waxa eey heestaan 2-jeer waana 1964-tii & 2008-kii. Qaranka Spain waxa eey gurigooda ku dheelaan mar walba Funaanada gaduudan ee garbaha jaalaha dahabiga ah ku leh, guri kale ama (Away) waxa eey ku dheelaan midab buluug iyo Madoow isku jira ah oo sidoo kale garbaha ku leh Jaale & gaduud dahabi ah. Dhanka gool dhalinta qaranka waxaa Record ku hogaaminaayo xiddiga Barcelona eey ku soo iibsatay xili ciyaareedkaan 40-ka-Milyan ee Euro David Villa oo qarankiisa ilaa iyo hada u saxiixay 45 goal .Spain waxa eey Taariikhda kubada cagta ka cabsataa wadamada Talyaaniga, Faransiiska & Nigeria wexeeyna ifka ugu jecel yihiin oo dhibcaha eey ka tirsadaan dalalka Scadanevian-ka iyo Jarmalka. Spain xiligaan hada la joogo is reeb reebka Koobka Qaramada Yurub waxa eey ku hogaamineeysaa 3 kulan oo eey ciyaartay 9-dhibcood wexeena isku Guruub yihiin dalalka Czech Republic, Scotland, Liechtenstein, iyo Lithunia. Laacibiinta Spain ku tashato ee loo yaqaan (Gumi-Abwehr) difaaca Xanjada ee weeraryahanada ku dheg dhega ayaa waxa eey kala yihiin Gerard Piqué, oo FC Barcelona u ciyaara, Sergio Ramos oo Real Madrid u ciyaara iyo Carles Puyol oo isna Fc Barcelona u dheela. Qadka dhexe ayaa waxaa Spain Isbaaro u taalaa oo loogu magac daray Qarshooyinkii mudaca ahaa ee dhexda Xiddigaha kala ah Xavi Hernandez, Cesc Fabrigas, Xavi Alonso & Andreas Iniesta. Dhanka Weerarka ayaa waxaa horboodeyaal ka ah David Villa, Fernando Torres, iyo Fernando Loriente halka macalinka qaranka Spain uu yahay Vicente de Bosque oo saxaafada Sportiga ee caalamka eey ugu yeeraan Maqosle. Ugu dambeentii qaranka sidaas oo dhan u adag yaa celin kara xiligaan?? La soco Qeeybta 2-aad ee Qormadaan oo maalinta Axada ah soo bixi doonta haduu alle idmo waxaana ku soo qaadan doonaa Qaranka Germany oo isna 4-kulan oo uu saftay is reeb reebka Koobka Qaramada Yurub dhamaan wada badiyey. WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN SIDA TAN: ** Kooxda kubada cagta ee Fc Chelsea ayaa waxa eey soo iibsatay Wiil yar oo 11-jir ah laguna sheegay mucjiso cusub iyo Nasiibloowgii sanadka. Xiddigaan oo eey kooxo badan toosh ku hayeen ayaa waxa u dhuumatay oo si deg deg ah ula soo wareegtay FC Chelsea. Ciyaaryahankaan da´da yar ayaa waxaa lagu magacaabaa Michael Gyasi waxaana laga soo iibsaday naadiga heerka 3-aad ee Northampton. Masuulka kooxda Fc Chelsea u qaabilsan Junyarka iyo Ciyaalka yar yar Trevor Gould ayaa sheegay in uu hubo Michael Gyasi in uu noqon doono mid wacdaro gooni ah ku soo gordhiya garoomada iyo kooxda Fc Chelsea. ** Kooxda hogaanka u heeysa Horyaalka Serie A ee Talyaaniga Lazio ayaa qarka u saaran ineey la soo wareegto Emmanuel Adebayor. Weeraryahanka Qaranka Togo iyo kooxda Man City Emmanuel Adebayor ayaa waxa heshiiska uu kooxda Man city u saxiixay ku eg yahay ilaa sanadka 2014 balse in la beeciyo Adebayor oo 26-sano jir ah ayaa waxaa u sabab ah isaga oo diiday in Binji la geliyo wexeeyna taas sii abuurtay qilaafka u dhexeeya isaga iyo Tababaraha Manchester City Roberto Mancini oo ka doortay in uu safo laacibiinta kale ee Man City xiisadaan ayaa waxaa qormo dheer ka qoray wargeeyska La Repubblica.
** Hooligan Gangster Ivan Bogdanov oo hada raali geliyey Dawlada Talyaaniga iyo Shacabkeedaba. Ivan Bogdanov oo ah ninkii ka dambeeyey ineey qanad iyo rabsho ku dhamaato ciyaartii dhex mari leheed maalintii Talaadada eheed xulalka Talyaaniga vs Serbia ayaa raali gelin raqiis ah u soo jeediyey Shacabka Talyaaniga iyo Dawladiisa. Ninkaan oo hogaamiye u ah guruub dhan oo ciyaal suuqeen ah (Hooligans) ayaa hada waxa uu ku jiraa gacanta ciidamada waxaana arintiisa eey fadeexo iyo naceeb caay xambaarsan dhex dhigtay dalalka Talyaaniga iyo Serbiya. Ninkaan ayaa sidoo kale dhibaatooyin badan horay uga geestay horyaalka dalka Serbia isaga oo Taageero u ah kooxda Roter Stern Belgered . ** Jose Morinho oo Liiskiisa ciyaartooyda uu doonayo xili qaboobaha soo socda oo suuqa kawaanka ciyaartoyda uu dib furmaayo ku daray Luis Fabiano. Luis Fabiano oo xili ciyaaredkii la soo dhaafay kooxo badan aad u doonayeen ayaa waxaa diiday ineey iska iibiso kooxda uu dhanka weerarka uga ciyaaro ee FC Sevilla. Warka Morinho ee ku aadan doonista Weerayahanka qaranka Brazil & kooxda FC Seville ayaa waxaa lagu shaaciyey Jaraaidyada ka soo baxa dalka Spain balse qaar ayaa wexeey u arkaan Sheekada Jose Morinho midii uu iskaga mashquulin jiray Saxaafada ineeysan daba dhigan ama warar badan ka qorin. jose Morinho ayaa ah Tababaraha ugu gor gortanka badan oo maalin kasta soo bandhiga in uu ciyaaryahan hebel uu doonaayo kaas oo inta badan uusan ka dhabeeyn marka laga reebo in uu ciyaartooyda Iimaanyook geliyo ama ku diro kooxohooda ma ahanee. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|