Horyaalka dalka Ingiriiska ee The Premier League oo la ciyaaray kulankii harsanaa ayaa waxaa uu yeeshay xiiso cusub maadaama ilaa hada aan la saadaalin karin cida ama kooxda Jeebka gashan doonta xili Ciyaareedkaan.
Kooxda Manchester City oo heeystay Iskoorka ah kooxda aan weli dhinaceeda dhulka la dhigin (15-Kulan) waxaa Iskoorkaas ka jabisay oo Horyaalka England xiiso u yeeshay The Blues Fc Chelsea oo awood cusub ku soo bandhigtay Garoonka ay ka taliso ee Stamford Bridge.
Ciyaarta mar ay socotay 2 Daqiiqo oo kaliyah ayuu Gool aad u qurux badan kooxdiisa u saxiixay Laacibka Qaranka Italy iyo kooxda Man City Mario Balotelli .
Intaas ka dib Xiddiga Qaranka Portugal Raul Meireles ayaa Taageerayaashii soo camiray Garoonka Buluuga ah ee Stamford Bridge ka farxiyay ka dib markii uu ciyaarta ka dhigay 1-1 Daqiiqadii 34-aad.
Labada kooxood oo weerer iyo Weerar celis isku hayey waxaa Jahwareeray oo Jawiga ka dhumay Difaacii hore ee kooxda Fc Arsenal Gael Clichy oo Jaalihii labaad lagu Asqeeyey Daqiiqadii 58-aad wuxuuna Jaalahaas sababay in ciyaarta laga saaro Ciyaaryahan Gael Clichy .
Intaas ka dib Fc Chelsea oo Fursad qaali ah heshay Weerar Cir & Dhul ah ayeey soo qaadeen wexeeyna Ciqaab Addunyo marsiiyeen Laacibiinta Qaaliga ah ee lagu soo iibiyey Dambiisha Doolarka ah (Man City).
Macalinka Fc Chelsea Andre Villas-Boas oo Kaarto cusub bilaabay wuxuu gadaal ka soo galiyey Qabiirka Qadka dhexe ee Qaranka England iyo kooxda Fc Chelsea Frank James Lampard oo badalay Raul Meireles.
Frank James Lampard oo aan 10 Daqiiqo ciyaarin wuxuu ka faaideeystay Rigoore laga dhigay Joleon Lescott oo u adkeeysan waayey Sawaariiq uu soo tuuray Daniel Sturridge. Daqiiqadii 82-aad ayuu si toos ah Iskoorka uga jabiyey Qabiir Lampard kooxda Manchester City oo Horyaalka Ingiriiska xili Ciyaareedkaan cel celis noqotay. Daawo Awooda Labada kooxood >>> http://www.youtube.com/watch?v=DjmTafJenFE .
Guushaan muhiimka ah wexeey sababtay in kooxda Fc Chelsea ay soo cago dhigato kaalinta 3-aad ee Horyaalka Ingiriiska wexeeyna ka kor martay dhanka Dhibcaha kooxaha ay isku magaalada yihiin ee Reer London waa Fc Arsenal iyo Tottenham.
KULAMADII HORYAALKA INGIRIISKA EE ISBUUCAAN DHACAY KOOXAHA WEXEEY KU KALA BEXEEN NATIIJADAAN :
| Manchester United |
Wolverhampton |
4:1 |
| Arsenal |
Everton |
1:0 |
| Liverpool |
Queens Park Rangers |
1:0 |
| West Bromwich |
Wigan |
1:2 |
| Norwich |
Newcastle |
4:2 |
| Bolton |
Aston Villa |
1:2 |
| Swansea |
Fulham |
2:0 |
| AXAD: |
| Sunderland |
Blackburn |
2:1 |
| Stoke |
Tottenham |
2:1 |
| ISNIIN : |
| Chelsea |
Manchester City |
2:1 |
HORYAALKA INGIRIISKA WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDAN :
| 1. |
Manchester City |
15 |
12 |
2 |
1 |
49:15 |
38 |
| 2. |
Manchester United |
15 |
11 |
3 |
1 |
35:14 |
36 |
| 3. |
Chelsea |
15 |
10 |
1 |
4 |
33:18 |
31 |
| 4. |
Tottenham Hotspur |
14 |
10 |
1 |
3 |
30:18 |
31 |
| 5. |
Arsenal |
15 |
9 |
2 |
4 |
31:23 |
29 |
| 6. |
Liverpool |
15 |
7 |
5 |
3 |
18:13 |
26 |
| 7. |
Newcastle United |
15 |
7 |
5 |
3 |
21:19 |
26 |
| 8. |
Stoke City |
15 |
6 |
3 |
6 |
16:24 |
21 |
| 9. |
Aston Villa |
15 |
4 |
7 |
4 |
18:19 |
19 |
| 10. |
Norwich City |
15 |
5 |
4 |
6 |
24:28 |
19 |
| 11. |
Swansea City |
15 |
4 |
5 |
6 |
16:20 |
17 |
| 12. |
Everton |
14 |
5 |
1 |
8 |
15:18 |
16 |
| 13. |
Queens Park Rangers |
15 |
4 |
4 |
7 |
15:26 |
16 |
| 14. |
Fulham |
15 |
3 |
6 |
6 |
16:18 |
15 |
| 15. |
West Bromwich Albion |
15 |
4 |
3 |
8 |
14:23 |
15 |
| 16. |
Sunderland |
15 |
3 |
5 |
7 |
18:18 |
14 |
| 17. |
Wolverhampton Wanderers |
15 |
4 |
2 |
9 |
16:28 |
14 |
| 18. |
Wigan Athletic |
15 |
3 |
3 |
9 |
14:29 |
12 |
| 19. |
Blackburn Rovers |
15 |
2 |
4 |
9 |
22:34 |
10 |
| 20. |
Bolton Wanderers |
15 |
3 |
0 |
12 |
20:36 |
9 |
FIIRO GAAR AH : Magaca oo sadexan mid ka mid ah Akhristayaashii ku guuleeystay Saadaashii kulankii El Clasico Real Madrid Vs Fc Barcelona 1-3 oo aanu horay u soo bandhigin waa sidan Maxamed Diiriye Gamadiid. Akhristahaan Magaciisa oo sadexan horay uma aanan helin waana ka cudur daaranay arinkaas.
*** Horyaalka Talyaaniga oo la ciyaaray kulankiisii 14-aad waxaa la qaban la´yahay oo weli laga badin la´yahay kooxda Bianconera (JUVENTUS) .
Juventus oo aaday Guriga As Roma ee Garoonka Stadio Olimpico waxaa Daqiiqadii 6-aad Gool ku iftaxay Ciyaaryahan Daniele de Rossi.
Qeeybtii 2-aad Ciyaarta waxaa kooxda Juventus Guuldaradii ugu horeeysay ee xili ciyaareedkaan ka bad baadiyey Difaaca Qaranka Italy Giorgio Chiellini oo Goolka bareejada dhaliyey Daqiiqadii 61-aad.
Daqiiqado yar ka dib As Roma ayaa Rigoore loo dhigay waxaana Rigooradaas cunay oo qal qalay Kaptanka kooxda As Roma Francesco Totti oo uu malag ku noqday Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon oo Rigooradii ka Tufay Totti Daqiiqadii 64-aad.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=gtupdAGXpqE&feature=related .
HORYAALKA TALYAANIGA KOOXAHA WEXEEY ISKU MACSALAAMEEYEEN ISBUUCAAN QAABKAAN :
| SABDI : |
| Lecce |
Lazio |
2:3 |
| Siena |
FC Genoa |
0:2 |
| Inter Milan |
Fiorentina |
2:0 |
| Palermo |
Cesena |
0:1 |
| AXAD : |
| Bologna |
AC Milan |
2:2 |
| Udinese |
Chievo Verona |
2:1 |
| Cagliari |
Parma |
0:0 |
| Atalanta |
Catania |
1:1 |
| Novara |
Napoli |
1:1 |
| ISNIIN : |
| AS Roma |
Juventus Torino |
1:1 |
HORYAALKA TALYAANIGA KOOXAHA WEXEEY U KALA HOREEYAAN SIDAN :
| 1. |
Juventus |
14 |
8 |
6 |
0 |
25:11 |
30 |
| 2. |
Udinese |
14 |
9 |
3 |
2 |
18:7 |
30 |
| 3. |
AC Milan |
14 |
8 |
4 |
2 |
31:16 |
28 |
| 4. |
Lazio |
14 |
8 |
4 |
2 |
22:11 |
28 |
| 5. |
SSC Napoli |
14 |
5 |
6 |
3 |
22:14 |
21 |
| 6. |
US Palermo |
14 |
6 |
2 |
6 |
16:16 |
20 |
| 7. |
FC Genoa |
13 |
5 |
3 |
5 |
16:16 |
18 |
| 8. |
Cagliari |
14 |
4 |
6 |
4 |
12:13 |
18 |
| 9. |
AS Roma |
14 |
5 |
3 |
6 |
16:18 |
18 |
| 10. |
Catania |
14 |
4 |
6 |
4 |
15:20 |
18 |
| 11. |
Inter Milan |
13 |
5 |
2 |
6 |
16:18 |
17 |
| 12. |
FC Parma |
14 |
5 |
2 |
7 |
15:20 |
17 |
| 13. |
Atalanta Bergamo * |
14 |
5 |
7 |
2 |
17:16 |
16 |
| 14. |
AC Fiorentina |
14 |
4 |
4 |
6 |
13:13 |
16 |
| 15. |
Chievo Verona |
14 |
4 |
4 |
6 |
11:18 |
16 |
| 16. |
Bologna |
14 |
4 |
3 |
7 |
13:20 |
15 |
| 17. |
AC Siena |
14 |
3 |
5 |
6 |
14:14 |
14 |
| 18. |
AC Cesena |
14 |
3 |
3 |
8 |
7:15 |
12 |
| 19. |
Novara |
14 |
2 |
5 |
7 |
15:25 |
11 |
| 20. |
US Lecce |
14 |
2 |
2 |
10 |
13:26 |
8 |
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)