La Yaab : Faqri waa Cudur Falan,* Maxaad kala socotaa Taariikh Nololeedka Ciyaaryahan Messi?, * Ku biiri Aqoontaada Sport,* (Halkaan ka Daawo xiligii uu yaraa Lionel Messi & Qaabkii eey Fc Barcelona ugu hagar baxday+War bixin dheer)
Waxaa Xaqiiqo ah in Cudurka Faqrigu yahay wax Falan oo adiga iyo Familkaaga idin kala foogeeya ama dalkaaga Hooyo wadan aad uga Fog Farta kuugu fiiqo si aad Fadhi iyo Nolol uga heshid Faqiirnimadana uga baxdid.
Faqriga iyo abaarta looga cararo dalkaaga hooyo ayaa waxaa uu noqdaa mid lagu Faaido mararka qaar maadaama Ubadkaaga halkii aad ula guurtay uu ka helo Aqoon guud, Iskuulaad iyo Waxbarasho Lacag la´aan ah oo Mustaqbalka dambe Shaqsi ahaan anfici doonta halka Faqriga lagu Qasaaray uu yahay midka eey Ubadkaagii halkii aad ula guurtay ku dhaqan badalmaan kuna noqdaan kuwo har iyo jeer Dhibaatooyin kala duwan ku nool ama kuu soo jiida.
Dadyoowga Qaaradaha Africa, Asia iyo Laatiin Amerika wexeey inta badan Nolal ka wanaagsan mida eey dalalkooda Hooyo ku heeystaan u raad sadaan Wadamada Qaarada Yurub oo inta badan dhanka Shaqada iyo Nolosha kaga wanaagsan Qaaradahaas aanu soo sheegnay. Hadaba Faalada Maanta iyo Barnaamishka La Yaab Sportiga waxaanu ku soo qaadaneeynaa (Maxaad kala socotaa Taariikh nololeedka Ciyaaryahan Leo Messi?? ).
Ciyaaryahan Messi Magaciisa oo sadexan waa Lionel Andrés Messi , wuxuu ku dhashay 24-kii bishii Juun 1987 Magaalada Rosario oo ku taal dalka Argentina. Messi waa Ciyaaryahan gaaban dhirirkiisa waa kaliyah 169 cm.
Leo Messi waxa uu ka soo jeedaa Famil Beer yar oo Goof ah leh wuxuuna Aabaha dhalay sheegay inuusan waligiis ku riyoonin in ama ku fakarin in Wiilkiisa uu noqon doono mid ka mid ah Laacibiinta ugu Qaalisan Dunida. Hooyada Ciyaaryahan Messi dhashay wexeey sheegtay in Wiilkeeda oo 4-sano jir ilaa 6 sano jir ah eey ku aragtay waxa loo yaqaan Kubad Jaceeylka wexeeyna intaas sii raacisay Hooyada dhashay Laacib Leo Messi oo lagu magacaabo Celia in Wiilkeeda xiliyada loo diido inuu banaanka kula soo ciyaaro Caruurta dariskooda ah inuu Kubad yar qaadan jiray ka dibna Jikada Alaabta kaga ja jabin jiray si banaanka loogu diro ayeey tiri Celia.
Leo Messi intii uu ku noolaa Goofkii Dhiiqada badnaa ee eey degnaayeen oo ku yaalay Magaalada Rosario ee dalka Argentina waxaa la geeyey Sanadihii 1992-1995 koox Tuuleed lagu magacaabo Grandoli FC wuxuuna 1995 ilaa 2000 ku biiray kooxda Newells Old Boys. Intaas ka dib Aabaha dhalay Laacib Leo Messi Mr. Andrés Messi ayaa waxaa uu talo muhiim ah ka helay Nin eey Daris ahaan jireen oo Magaalada Barcelona ee dalka Spain kaga shaqeeysta dhanka Guryo dhisida ama waxa eey Soomaalida u taqaan (Fuundiga) .
Aabaha dhalay Ciyaaryahan Messi iyo dhamaan familkiisa ayaa wexeey u soo wada guureen Dalka Spain gaar ahaan Magaalada Barcelona wuxuuna Ciyaaryahan Messi xiligaas ahaa 13-jir eey la socdeen 3-Caruur ah oo la dhalatay.
Xiligii uu Messi yimid magaalada Barcelona oo eheed Dabayaaqadii sanadkii 2000-kii Aabaha dhalay waxa uu helay Shaqadii uu raajicinaayey oo eheed Dhismaha Guryaha & Wadida Wiishash-ka lagu dhiso Dabaqyada dhaadheer wuxuuna Mushaar ahaan xiligaas ku muteeystay ama u qaadan jiray Lacag sheegay 900 oo Dollar taas oo aad uga badan midii eey ku noolaayeen xiligii uu degnaa dalka Argentina. Aabaha dhalay Leo Messi isla Sanadkii 2000 waxaa uu Wiilkiisa ka soo qoray kuna biiriyey Ciyaalka eey tababari jirtay kooxda Fc Barcelona .
Leo Messi oo Xiligaas aad Caato u ahaa isaga oo dhirirkiisu uu ahaa 1,40 m waxaa Mudadii u dhaxeeysay 2000 ilaa 2003 si toos ah loogu biiriyey Xerada Le Masia oo ah halka eey Ciyaartooyda ka soo saarto kooxda Fc Barcelona wuxuuna mudadaas oo uu weli yaraa qaadan jiray mushaar lagu sheegay Nolol maal meedka dharkiisa iyo iwm ah oo ahaa 600 oo Euro .
Sanadihii 2003-2004 oo Leo Messi lagu soo daray Waxa loo yaqaan Fc Barcelana B oo Juunyarka Barca ah waxa uu 22 kulan oo uu Ciyaaray ama u saftay u dhaliyey 6-Gool oo kaliyah. Dhamaadkii 2004 oo la bilaabay in Ciyaaryahan Leo Messi si tar tartiib ah loogu soo biiriyo Ciyaartooyda Waa weeynka Fc Barcelona ilaa Maanta oo uu (Tutulaare) ama Laf dhabar u yahay Kooxda Catalonia Fc Barcelona oo Qaaday Horyaalka La Liga ee dalka Spain hadane taagan Finaalka Koobka Champions League 2010/2011 waxa uu Leo Messi oo saftay 177-kulan u saxiixay Kooxdiisa 119-Gool.
Su´aashu wexeey Tahay Fc Barcelona Leo Messi iyo Waalidiintiisa wexeey u gashay Abaal weeyn oo eeysan waligood ku riyoon wexeeyna sidoo kale Daris la noqdeen Malyuumaad Hilmaam siiyey Faqrigii eey kaga soo carareen Tuulada ama Magaaladii yareed ee Rosario oo ku taalay dalka Argentina ! (Leo Messi Mustaqbalka dhaw Fc Ma kaga dhaqaaqi doonaa meel Cidlo ah maadaama eey ugaarsi balaaran ku hayaan Kooxda Dunida ugu Taajirsan? )
KA BOGO ISBUUC WALBA TAARIIKH NOLOLEEDKA CIYAARTOOYDA CAALAMKA KUWOODA UGU CAANSAN OO MUUQAAL AH.
Filo Goor dhaw Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport & Barnaamish qaas ah oo ku saabsan Saadaasha cida qaadi doonto Koobka Champions League oo Finaalkiisa eey si weeyn Maalinta Sabtida ah Cagaha iskaga tumi doonaan ManU Vs Fc Barca !!
Halkaan ka Daawo Xiligii uu Lionel Messi yaraa & Abaalkii Fc Barcelona : >>>
http://www.youtube.com/watch?v=kve9rJu8T0o&feature=related
Halkaan ka Daawo Messi oo 9-Sano jir ah iyo Xiligii uu Garoonkii Dhiiqada Tuuladii uu ka yimid ku ciyaari jiray :>>> http://www.youtube.com/watch?v=Bvs7dvR9gos&NR=1
Halkaan ka Daawo Messi oo 5-sano jir ah >>> http://www.youtube.com/watch?v=fzH8S3QK82k&feature=related .
Halkaan ka Daawo Leo Messi oo lagu sheegay 3-sano Jir Jikada dhexdeeda kubada ku ciyaaraya >>> http://www.youtube.com/watch?v=mdJTANjcZkQ&feature=related
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com