Maxaad kala socotaa Taariikhda Horyaalka La Liga ee dalka Spain? Ku biiri Aqoontaada Sport (Halkaan ka Daawo Goolasha LA LIGA Kuwii ugu Wanaagsanaa) !!!
Intiina la socotay Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport waxaanu horay uga soo faaloonay Taariikhda Qaramo badan iyo weliba Horyaalada ugu caansan Caalamka sida kuwii ugu dambeeyey oo kala ahaa Horyaalada Ingiriiska iyo Talyaaniga. Su´aasha maanta ee Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport wexeey tahay Maxaad kala socotaa Taariikhda Horyaalka La Liga ??
Horyaalka La Liga waxaa la bilaabay 10-kii Bishii Febraayo Sanadkii 1929-kii. Horyaalka Spain gudaha dalka Spain waxaa looga yaqaan La Liga balse inta badan Dunida oo idil waxaa loogu yeeraa The Primera Division waa (First Division). Sharciga kooxaha ka Qeeyb gala Tartanka Horyaalka La Liga waa 20-Kooxood.
Xiriirka maamula Horyaalka Spain waxaa lagu magacaabaa Liga Nacional de Futbol Profesional ( LFP ). Iskoorka qaadista dhanka Horyaalnimada waxaa heeysata kooxda Faca weeyn ee Real Madrid wexeeyna qaaday oo Jeebka dambe gashatay 31-Jeer. Kooxda Xiligaan la joogo ama Horyaalkii ugu dambeeyey qaaday ee La Liga heeysata waa Fc Barcelona.
Xiddiga heeysta Iskoorka ugu badan ee dhanka Safashada La Liga waxaa lagu magacaabaa Andoni Zubizarreta wuxuuna Saftay 622-Kulan. Andoni Zubizarreta kooxaha uu u soo ciyaaray wexeey kala yihiin Diportivo Alaves, Athlatico Bilbao, Fc Barcelona iyo Fc Valencia.
Laacibka heeysta dhanka Iskoorka Gooldhalinta La Liga inta Taariikhda la ogyahay waxaa lagu magacaabaa Telmo Zarraonaindia wuxuuna ka dhaliyey Horyaalka Spain ama Iskoor ku heeystaa 251-Gool. Telmo Zarraonaindia oo loo yaqaanay Telmo Zarra kooxaha uu u soo ciyaaray wexeey kala yihiin SD Erandio, Athlatico Bilbao iyo Fc Barakaldo.