Lionel Messi iyo Gonzalo Higuain oo Ciilkii eey ka soo qaadeen Qaranka Venezuela kula dhacay kooxaha Betis Sevilla & Racing Santander,*Ac Milan oo wadadii Guulaha ku soo labatay,* Kooxda Inter Milan oo dhex dabaalaneeyso Masiibo Adduun & Fc Parma oo Napoli Garoonkii eey ku faani jirtay ku soo Qararamsatay (Halkaan ka Daawo World Sport News)
*** Maalintii Talaadada 11.10.2011 ayeey eheed markii Ceeb iyo Guuldaro dhabarka loo soo saaray Qaranka Angentina oo Venezuela ku soo garaacday 1-0. Intaas ka dib Xiddigaha Qaranka Argentina wexeey dhamaan u kala yaaceen dhanka kooxaha eey u ciyaaraan oo ka kala dhisan dalalka Spain, Italy,England ,France iyo Germany.
Gonzalo Gerardo Higuain weeraryahanka Qaranka Argentina ahna Xiddig afka hore uga ciyaara kooxda Galactikos Hala Real Madrid ayaa markii uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa Real Madrid waxa uu Ciilkii uu ka soo qaaday Qaranka Venezuela kula dhacay kooxda Betis Sevilla oo eey kaga badiyeen 4-1. Qeeybtii dambe ee Ciyaarta ayuu garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago-Bernabeu dar dar la soo galay ciyaaryahan Gonzalo Gerardo Higuain wuxuuna dhaliyey goolal xiriir ah Daqiiqadihii 46-aad, 70-aad iyo 73-aad. goolka kale Real Madrid waxaa u saxiixay Ricardo Kaka Daqiiqadii 59-aad Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=ziUaUZBsiCM.
Sidoo kale Darawalka kooxda Fc Barcelona iyo Qaranka Argentina Lionel Messi ayaa ciilkii uu ka soo qaaday venezuela waxa uu kula dhacay kooxda Racing Santander oo ka ciyaara Horyaalka La Liga. Leo Messi wuxuu kooxdiisa Fc Barcelona u saxiixay 2-gool Daqiiqadihii 11-aad iyo 68-aad waxaana goolka 3-aad kooxda Catalonia Fc Barcelona u saxiixay Qarshada Qadka dhexe Xavi Hernandez Daqiiqadii 28-aad Halkaan ka Daawo Ciyaarta Fc Barcelona Vs Racing Santander 3-0 >>> http://www.youtube.com/watch?v=l5WpByQZBjM
Goolasha uu dhaliyey Lionel Messi waa Goolashiisii 9-aad iyo 10-aad ee uu ka dhaliyo Horyaalka La Liga oo la ciyaaray 7-kulan oo kaliyah. kooxda Valencia waxaa Bareejo 1-1 ah ku qabatay ilbiriqsigii ugu dambeeyey ee ciyaarta Real Mallorca. Kooxaha La Liga ayaa lagu wadaa ineey maanta sidaan isku arkaan :
| 15.10. |
18:00 |
FC Getafe |
0:0 |
FC Villarreal |
| 15.10. |
18:00 |
Real Madrid |
4:1 |
Betis Sevilla |
| 15.10. |
18:00 |
RCD Mallorca |
1:1 |
FC Valencia |
| 15.10. |
20:00 |
FC Barcelona |
3:0 |
Racing Santander |
| 15.10. |
22:00 |
FC Granada |
0:0 |
Atletico Madrid |
| 16.10. |
12:00 |
Rayo Vallecano |
0:1 |
Espanyol Barcelona |
| 16.10. |
16:00 |
Real Zaragoza |
-:- |
Real Sociedad |
| 16.10. |
18:00 |
UD Levante |
-:- |
FC Malaga |
| 16.10. |
22:00 |
FC Sevilla |
-:- |
Sporting Gijon |
| 17.10. |
21:00 |
Athletic Bilbao |
-:- |
CA Osasuna |
*** Kooxda Inter Milan waa Sakaraad wexeeyna u baahan tahay in loo Duceeyo markaan maxaa yeelay wexeey hada ku jirtaa Liiska Serie B-da kooxaha u laabanaya ee ugu hooseeya Horyaalka Talyaaniga. Inter waxaa 2-1 ku soo garaacday kooxda Catania waxaana goolasha ka dhaliyey ciyaartooyda kala ah Sergio Almiron (47.) Francesco Lodi Rigoore (51) Goolka Inter waxaa ku tuurtay Cambiasso Daqiiqadii 6-aad Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=DFGGamruIJ8&feature=related
Kooxda Napoli oo ku faani jirtay Garoonka San Paolo oo ah halkii uu Wacdaraha ka soo dhigay Laacibkoodii hore Diego Armada Maradona waxaa 1-2 ku soo garaacday Fc Parma.
Kooxda Ac Milan wexeey ku soo laabatay Wadada guulaha ka dib markii eey maanta 3-0 ku Qaarajisay kooxda Palermo. Goolasha Ac Milan waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Antonio Nocerino (40.), Robinho (56.) iyo Antonio Cassano (63).
Kulanka ugu adag caawa waxa uu dhex mari doonaa Kooxaha is Neceb ee ka wada dhisan Caasimada Talyaaniga waa SS Lazio vs As Roma.
KOOXAHA KALE EE HORYAALKA TALYAANIGA AYAA GALABTA SIDAN ISKU ARKI DOONA :
| 15.10. |
18:00 |
Catania Calcio |
2:1 |
Inter Milan |
| 15.10. |
20:45 |
SSC Napoli |
1:2 |
FC Parma |
| 15.10. |
20:45 |
AC Milan |
3:0 |
US Palermo |
| 16.10. |
12:30 |
AC Cesena |
0:0 |
AC Fiorentina |
| 16.10. |
15:00 |
Atalanta Bergamo |
-:- |
Udinese Calcio |
| 16.10. |
15:00 |
CFC Genua |
-:- |
US Lecce |
| 16.10. |
15:00 |
AC Chievo |
-:- |
Juventus |
| 16.10. |
15:00 |
Cagliari Calcio |
-:- |
AC Siena |
| 16.10. |
15:00 |
Novara Calcio |
-:- |
FC Bologna |
| 16.10. |
20:45 |
Lazio |
-:- |
AS Roma |