 |
|
 |
Laliga18 |
 |

La Yaab : Dacwadii u socotay Jose Morinho & Saxafi Sawir qalad ah ka qaaday oo heerkii ugu sareeysay gaartay, Morinho oo Jaanis muhiim ah iska dhumiyey ka dib markii uu xanaaq ka tan badiyey. & India oo Sanooyin badan ka dib Ciyaaraha kubada cagta dib ugu soo laabtay halka horay looga ganaaxay laguna eedeeyey ineey Ciyaartooyda ka soo horjeedo Sixraan oo Caag ka dhigaan + Warar kii ugu dambeeyey ee Koobka Qaramada Asia + Naatiijooyinkii Horyaalka Spain oo weli Faraqa la isku dhegan yahay (Halkaan ka Daawo Dhamaan wararkaan News-ka ah). Barnaamishka La Yaab ayaa maanta Xambaarsan 2 Arimood oo dhanka Saxaafada Caalamka ugu xiiso badanaa maalmihii ugu dambeeyey wexeeyna noqdeen labadaan Arimood kuwa dadka ciyaaraha kubada cagta xiiseeya eey si weeyn u hadal hayeen. Dhacdada 1-aad ayaa ah Arin uu qoray Jaraaidka dhanka Sportiga ugu caansan dalka Spain ee lagu magacaabo Sports Newspapers Marca wexeeyna ku saabsaneed Sawir uu Nin Joornaaliiste ah ka qaaday Macalinka Kooxda faca weeyn ee Real Madrid Jose Mario dos Santos Felix Mourinho xili uu Laami wado ah goonayey isaga oo gacanta heeystay Gabar uu dhalay. Jose Morinho oo aad uga xumaaday Sawirka uu ka qaaday Joornaaliistahaas ayaa waxa uu ku sheegay in eey tahay arin laga xumaado maadaama uusan xili Shaqo ku jirin Ninka Sawirka la raadsanaayo xiligaasna uu yahay Shaqsi dhibaato kale raadinaayo. Jose Morinho oo la hadlaayey Jaraaidka Sports Newspapers Marca ayaa waxa uu si caro leh u yiri sidan: Saxafiga Sawirkaas iga qaaday faro cidiyo leh ayuu iiga baxsaday maxaa yeelay waxa uu ku baxsaday oo uu horay ka Raacay Mootto meesha ugu diyaarsaneed, hadaan qaban lahaa Kamerada xun ee uu sida qaldan u isticmaalo mar dambe indho ma saareen waana Shaqsi eey shaqo la ´aantii ka badatay ninka iigu imaan waayey Garoonka weeyn ee kooxda Real Madrid oo raadsanaayo inuu i sawirto ama Lacag ku helo anoo Labisneeyn ama Qooyskeeyga ku mashquulsan. Jose Morinho oo Saxafigaan Ciidamada Booliska ku dacweeyey ayaa waxaa ugu Yaab badneed markii eey Booliska ugu soo Jawaabeen Jose Morinho ineey hada u arkaan isaga inuu qaldan yahay maadaama Warqadii uu ciidamada Booliiska u qoray laga dhex helay eray uu ku sheegay Saxafiga Sawiray inuu yahay Nin Xayawaan ah oo mudan in la ganaaxo. Dacwada Morinho oo Jaraaidku sheegay in la tix gelin lahaa oo weliba Lacag badan la ganaaxi lahaa Joornaaliistahaas ayaa waxaa Jaanis kaas Isbaaro u dhigatay Fudeedka Jose Morinho oo aan ka fiirsan Hadaladii iyo Warqadii uu Ciidamada Amniga u qoray maadaama inta badan Qaarada Yurub la qadariyo Qofka aan ceeytamin ee sida wanaagsan wax u fahamsiiya Booliska si eey uga caawiyaan waxa uu xilagaas doonaayo iyo dhibaatada uu ka tabanaayo shaqsi kale. Jaraaidka ayaa sheegay in Morinho uu arinkaas ka raali galiyey Ciidamada Amniga balse waxaa mar labaad La Yaab noqotay Markii eey Ciidamada Booliska ka aqristeen Joornaalada Morinho oo Joornaaliistahaas ugu hanjabay sidan : " hadii uusan Mootto ku baxsan laheeyn waxaan ka qaadi lahaa oo ka Ja jabin lahaa Kaamerada xunta ah ee uu dadka ku sawirto. ugu dambeentii Macalinka kooxda Real Madrid Jose Mario dos Santos Felix Mourinho ayaa waxa uu u dhashay dalka Portugal waana Tababare aad u qibrad wanaagsan dhanka ciyaaraha kubada cagta inkastoo inta badan lagu eedeeyo inuu yahay nin Kulul oo Seeflabood ah. Dhacdada 2-aad ee La Yaab ayaa ah hadal heeynta Xulka Qaranka India oo mar kale ka soo dhex muuqday ciyaaraha caalamiga ah ee kubada cagta. India oo ku wanaagsan Cricket-ka oo kaliyah ayaa waxaa mudo aad u fog laga mabnuucay ciyaaraha kubada cagta ka dib markii lagu eedeey ineey waxyaalo ka baxsan dhaqanka Sportiga garoomada la soo kaleen (Sixir). India ayaa ciyaar eey xili hore la dheeleen Qaranka Indonesia wexeey Boortaha dalkaas kubada uga dhigeen 2 wuxuuna waayey mid uu qabto taas oo ka yaabisay Caalamka waxaana xiligaas laga joojiyey ciyaaraha caalamiga ah. Sidoo kale dalka Chinaha ayaa isna xiliyadaas waxa uu Sixir iyo Indha sarcaad uga yaabsaday dalka Saudi Arabia ka dib ciyaar dhex martay labada dal oo Shiinaha uu garoonka soo dhex galiyey ciyaarta qeeybteedii 2-aad ciyaartooy cusub oo ug kuwii horay u dheelay ciyaarta qeeybteedii 1-aad taas oo isna Shiinaha laga ganaaxay ciyaaraha caalamiga ah. Labadaan dal ayaa sanadkaan ku wada jira Tartanka koobka Qaramada Asia oo si xiiso leh uga socda dalka Qatar . Halkaan ka Daawo Ciyaartii ugu dambeeysay ee Qaranka Australia dalka India uga badiyey >>> http://www.youtube.com/watch?v=b_kad7YQOQw&feature=related Halkaan ka Daawo Ciyaartii ugu dambeeysay ee dhexmartay kooxaha South Korea Vs Bahrein >>> http://www.youtube.com/watch?v=kBuR3TpCDG8. Natiijooyinkii kulamadii kale ee koobka Qaramada Asia ka Daawo kana fiiri warar kii hore ee www.xiriiriye.com ku soobaxay doraad. HORYAALKA DALKA SPAIN EE LA LIGA AYAA SANADKAAN WAXAA TACBAAN TAAGAN BULSHADA CIYAARAHA CAALAMIGA AH KU XIRAN EE KU NOOL DHAMAAN CAALAMKA OO IDIL. Weli waxaa Faraqa isku dhegan kooxaha caalamiga ah ee sanadkaad sida weeyn isku soo qalabeeyey waa Catalonia Fc Barcelona iyo Galactikos Real Madrid. Isbuucaan oo Horyaalka La Liga la ciyaaray kulankiisii 18-aad ayaa waxa uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa ee la isl lahaa waxaa la qaban doonaa mid ka mid ah labadaan kooxood ee dadka wareeriyey wexeeyna la kala ciyaareen laba kooxood oo waa weeyn sida Barcelona oo aaday Guriga Deportivo La Coruna oo xiliyadii hore loogu yeeri jiray Gurigii Ciqaabta inkatoo xiliyadii ugu dambeeyey eey si weeyn u Tacbaantay. Real Madrid ayaa iyada wexeey qaabishay kooxda sanadkaan kacsan ee Villarreal oo horyaalka Spain uga jirto kaalinta 3-aad waxaana ka horeeya Barca & Real oo kaliyah. Kulankii Deportivo La Coruna vs Fc Barcelona oo 0-4 ku dhamaaday ayaa waxaa goolasha kooxda Barcelona ku raaxeeysatay Laacibiinta kala ah Iniesta, Messi, David Villa & Xiddiga kacsan isbuucyadaan ee Petro Rodriguez . Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=mKOf1pmxa04. Kooxda Villarreal oo isku dayday ineey Real Madrid ka reebto Barcelona kuna Qaarajiso gurigeeda ka dib markii eey ciyaarta ka dhigtay 1-2 ayaa waxaa ugu dambeentii dhacday in iyadii la qaarajiyo oo laga Taqluuso. Halyeeygii Garoonka waxaa noqday C.Ronaldo oo sanadkaan dhimasho ka xigo ineey Barcelona qaado Horyaalka Spain si aan Messi mar 3-aad FIFA ugu aqoonsan Hogaamiye kooxeedka ka taliya La Liga una qaadin Ciyaaryahanka sanadka. Real Madrid oo FC Villarreal 4-2 isaga reebtay qash qashaadeeda ayaa waxaa goolashaas 3 ka mid ah ku raaxeeystay CR7 oo dhaliyey 3 ka mid ah goolashaas halka midka 4-aad uu si xushmad leh ku raacsaday xiddiga dhwaan dhaawaca ka soo laabtay ee Ricardo Kaka. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=VV-PMPpMgDo Weeraryahankii hore ee kooxda Juventus & Qaranka Diiqa France David Trezeguet iyo Weeraryahanka Qaranka Paraguay Naldo Valdez ayaa u tashtay ineey beerta galiyaan kooxda heeysata Koobka Europa League ee Atletico Madrid. Trezeguet & Valdez ayaa wexeey iskugu tageen oo bur buriyeen difaaca kooxda At.Madrid wexeeyna labada weeraryahan u saftaan naadiga Hercules . Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=NthhGaZRJMw Ciyaartooyda kala ah Luis Fabiano & Kanoute ayaa wexeey soo rafaadiyeen kuna soo raaxeeysteen kooxda Real Sociedad . Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=tWoBzShTO-0.
Kooxaha ayaa wexeey ku kala baxeen Natiijadaan .
| 08.01. |
18:00 |
FC Malaga |
1:1 |
Athletic Bilbao |
| 08.01. |
20:00 |
Real Sociedad |
2:3 |
FC Sevilla |
| 08.01. |
22:00 |
Deportivo La Coruna |
0:4 |
FC Barcelona |
| 09.01. |
17:00 |
RCD Mallorca |
4:1 |
UD Almeria |
| 09.01. |
17:00 |
CA Osasuna |
0:0 |
FC Getafe |
| 09.01. |
17:00 |
Espanyol Barcelona |
4:0 |
Real Zaragoza |
| 09.01. |
17:00 |
Racing Santander |
1:1 |
Sporting Gijon |
| 09.01. |
19:00 |
Real Madrid |
|
FC Villarreal |
| 09.01. |
21:00 |
UD Levante |
0:1 |
FC Valencia |
| 10.01. |
21:00 |
Hercules Alicante |
4:1 |
Atletico Madrid |
Kooxaha ayaa wexeey u kala horeeyaan sidan:
| 1 |
FC Barcelona |
18 |
16 |
1 |
1 |
57:10 |
47 |
49 |
| 2 |
Real Madrid |
18 |
15 |
2 |
1 |
46:16 |
30 |
47 |
| 3 |
FC Villarreal |
18 |
11 |
3 |
4 |
34:18 |
16 |
36 |
| 4 |
FC Valencia |
18 |
10 |
4 |
4 |
27:20 |
7 |
34 |
| 5 |
Espanyol Barcelona |
18 |
10 |
1 |
7 |
23:24 |
-1 |
31 |
| 6 |
Atletico Madrid |
18 |
8 |
3 |
7 |
28:23 |
5 |
27 |
| 7 |
FC Getafe |
18 |
8 |
3 |
7 |
28:25 |
3 |
27 |
| 8 |
RCD Mallorca |
18 |
8 |
3 |
7 |
23:21 |
2 |
27 |
| 9 |
Athletic Bilbao |
18 |
8 |
2 |
8 |
27:30 |
-3 |
26 |
| 10 |
FC Sevilla |
18 |
8 |
2 |
8 |
25:29 |
-4 |
26 |
| 11 |
Hercules Alicante |
18 |
6 |
4 |
8 |
22:26 |
-4 |
22 |
| 12 |
Real Sociedad |
18 |
7 |
1 |
10 |
25:31 |
-6 |
22 |
| 13 |
Deportivo La Coruna |
18 |
5 |
6 |
7 |
15:24 |
-9 |
21 |
| 14 |
Racing Santander |
18 |
5 |
5 |
8 |
14:24 |
-10 |
20 |
| 15 |
CA Osasuna |
18 |
4 |
6 |
8 |
15:21 |
-6 |
18 |
| 16 |
FC Malaga |
18 |
5 |
2 |
11 |
23:37 |
-14 |
17 |
| 17 |
UD Levante |
18 |
4 |
3 |
11 |
19:29 |
-10 |
15 |
| 18 |
Sporting Gijon |
18 |
2 |
7 |
9 |
15:27 |
-12 |
13 |
| 19 |
UD Almeria |
18 |
2 |
7 |
9 |
16:31 |
-15 |
13 |
| 20 |
Real Zaragoza |
18 |
2 |
7 |
9 |
16:32 |
-16 |
13 |
Ogeeysiis Muhiim ah: Caawa waxaa dhamaatay tarjumistii www.Xiriiriye.com wuxuuna idiin hayaa oo uu soo bandhigi doonaa 10-kii Ciyaartooy ee sankadkii la soo dhaafay 2010 lacagtii ugu badneed ebid u soo xarootay. Liiska ciyaartooydaan noqotay kuwa dunida ugu qaalisan uguna Qarash badan ayaa waxaa dhanka kale laga waayey Ciyaartooy kale oo caan ah. Filo caawa war bixintaan oo wadato Cadeeymo muhiim ah.!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|