Sergio Aguero & Andrea Pirlo oo kooxda Juventus ku sii jeeda, Alessandro Nesta iyo Filippo Inzaghi oo Qandaraaskii Ac Milan loo kordhiyey & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News. ( Maxaa cusub Kawaanka Ciyaartooyda) .
*** Kooxda kubada Cagta ee Juventus ayaa halmar oo qura wexeey soo wadataa Laacibiinta kala ah Weeraryahanka Qaranka Argentina & Kooxda Atletico Madrid Sergio Leonel Aguero del Castillo iyo Xiddiga Qaranka Italy & Ac Milan Andrea Pirlo .
Hadaanu ku hormarno dhanka beeca Andrea Pirlo waxaa lagu wadaa inuu kooxda Juventus 3-sano u saxiixo wuxuuna Mushaar ahaan u qaadan doonaa Sanad walba Adduun lagu sheegay 4-Milyan oo Euro. Dhanka Ciyaaryahan Sergio Leonel Aguero del Castillo oo kooxo badan eey aad u doonayaan waxaa qiimaha laga soo baxshay isna lagu sheegay 30-milyan oo Euro.
Ciyaaryahan Andrea Pirlo wuxuu aad ugu wanaagsan yahay waxa loo yaqaan Bilisionka ama free kick balse waxaa kooxda Juventus mudo dheer u gami jiray oo kooxdaas ku ag Ciroobay Laacib Alessandro Del Piero. Dhanka Sergio Aguero waxa uu ka mid yahay Ciyaartooyda Caalamka kuwooda ugu dheereeya ama ugu oradka badan waxaana mararka qaar Gacan ka taagay ineey Weeraryahankaas kubada ka dhigaan qaar ka mid ah Difaacyada Caalamka.
Sida ku qoran Boga eey kooxda Juventus ku leedahay Aaalada Internet-ka wexeey kooxdaas Qandaraaskii u kordhisay oo ilaa 2016 uga dhigtay Ciyaaryahan Claudio Marchisio oo 25-sano jir ah.
*** Kooxda heeysata Horyaalka Talyaaniga ee Ac Milan ayaa Qandaraaskii u kordhisay Laacibiinta loo yaqaan Weekiyada ee kala ah Alessandro Nesta iyo Filippo Inzaghi . Ac Milan ayaa Xiddigahaan wexeey Qandaraaska ugu dartay ineey kooxda Rossoneri (Ac Milan) la sii joogi karaan ilaa Sanadka 2012-ka.
*** Kooxda heeysata Horyaalka England ee Red Devils Man Utd wexeey si La yaab ah kooxo badan kaga hormartay ama Gacanta ugu dhigtay Xiddig aad u da´yar oo la sheegay inuu dhanka Difaaca Mintid ku yahay waxaana adag ineey Weeraryahanada si sahal ah ku dhaafaan Mudaafacaan cusub ee Mucjisada lagu sheegay.
Ciyaaryahankaan oo 18-Sano jir ah waxaa lagu magacaabaa Raphael Varane wuxuuna u ciyaaraa kooxda RC Lens oo ka dhisan Horyaalka dalka Faransiiska. Xiddigaan waxaa soo iibsashadiisa feel ama Saf dheer ugu jiray kooxo waa weeyn oo eey ka mid yihiin Borussia Dortmund, Juventus, FC Barcelona & kooxda Tottenham balse waxaa hada iska cad ineey ManU Laacibkaan dhegta wax ugu sheegtay.
*** Kooxda Fc Bayern Munchen wexeey qarka u saaran tahay ineey soo xero geliso Xiddiga Qaranka Chille & Kooxda Bayer Liverkusen waa Arturo Vidal . Ciyaaryahankaan oo dhexda aad ugu wanaagsan waxaa uu dhanka kale noqday Xiddigii ugu Jaale Qaasashada badnaa Horyaalka Budesligaha dalka Germany wuxuuna sidoo kale Arturo Vidal buuq & Jilaafo caan kaga soo noqday Koobkii Adduunka World Cup 2010-kii in South Africa.
*** Macalinka kooxda Wolfsbrug Ex Tababarihii hore ee kooxaha Fc Bayern Munchen iyo Schalke Felix Magath ayaa kooxdiisa gebi ahaanba ka ceeyriyey oo dibada uga saaray Ciyaaryahan Diego. Diego oo kooxda Wolfsbrug eey 20-Milyan oo euro kaga soo iibsatay kooxda Juventus hada waxa uu macalin Felix Magath kooxaha kale ee caalamka kaga baryey in xiddigaan eey ku iibsadaan wax ka yar 10-Milyan oo Euro. Ciyaaryahan Diego oo Laacib aad u gembis badan ahaan jiray waxaa Bilihii ugu dambeeyey maaro looga waayey xanaaq fara badan wexeeyna Isbuuc kaste is daaqilaan ama isku dhacaan Ciyaartooyda kooxdiisa.
Diego oo ilaa iyo hada eeysan wax koox ah iibsan kooxdiisii-ne laga ceeyriyey waxa uu hada ku biiray Juunyarka kooxda Wolfsbrug .
OGEEYSIIN: Fadeexadii ku saabsaneed Sidii loo gaaday ama Sawirada looga qaaday Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo la baashaalaayo Haweeyneey aan Lamaanihiisa aheeyn ayaa Goor dhaw soo bixi doonta. Warkaan waxa uu wataa Cadeeymo buuxo waxaana hada ku socoto tarjumis. Filo Goor dhaw War bixintaas, Sport News kale iyo Barnaamishka La yaab Sport!!