Manchester City oo la qaban la yahay,*Van Persie oo Hogaanka u qabtay Gooldhalinta Horyaalka Ingiriiska,* Chlesea oo Difaacii Newcastle iskoorkii ka jabisay soona dardartay & Udinese oo u dhameeysay Inter Milan (Halkaan ka Daawo)
*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League oo la ciyaaray kulankiisii 14-aad waxaa weli la celin la yahay kooxda Manchester City oo horyaalka dardar ku wada. Man City wexeey 5-1 ku qaarajisay kooxda Norwich waxaana goolashaas u kala saxiixay Weeraryahanka reer Argentina Sergio Agüero (Daqiiqadii 32-aad.), Samir Nasri oo Bilisiyoon Cajiib ah ka dhaliyey meel goosha u jirta 30-Mitir (Daqiiqadii 51-aad.), Xiddiga Ivory Coast Yaya Toure oo raacsaday goolka sadexaad (Daqiiqadii 68-aad.), Mario Balotelli oo maalmahan kacsan wuxuu isna dhaliyey Gool (Daqiiqadii 88-aad.) Sheekada Ciyaarta waxaa Gool ku soo afjaray Laacib Adam Johnson (Daqiiqadii 91-aad.)
Man City wexeey u egtahay inaan la celin karin xili Ciyaareedkaan maadaama ay dhinac kaste ka dhisan tahay weliba ka yaabsatay kooxaha waa weeyn ee Horyaalka Ingiriiska.
*** Kooxda Fc Chelsea wexeey Newcastle ka soo jabisay Iskoorkii ay ku faani jirtay xili ciyaareedkaan kaas oo ahaa dhanka kooxda ugu yar Goolasha laga dhaliyey Horyaalka Ingiriiska.
Chelsea oo 0-3 ku soo dardartay Newcastle United waxaa Goolashaas 2 ka mid ah u saxiixay Laacibiinta Qaranka Ivory Coast waa Didier Drogba (Daqiiqadii 38-aad) iyo Salomon Kalou (Daqiiqadii 89-aad.) Goolka 3-aad waxaa raacsaday Xiddiga ugu dhuumashada badan Horyaalka Ingiriiska waa Daniel Sturridge (Daqiiqadii 92-aad.) Halkaan ka Daawo Faanka Drogba iyo Fc Chelsea oo Nafta ku soo qotay >>> http://www.youtube.com/watch?v=cR_oTED_0dQ .
*** Kooxda Shayaadiinta Cas Cas oo xaaladeeda Caafimaad ay noqotay Allow i bixi iyo Allow sahal ayaa hal gool oo Agoon ahaa wexeey uga soo badisay Kooxda Aston Villa oo ay Taariikh ahaan ka adag yihiin waxaana Goolkaas Agoonka ahaa u saxiixay The Red Devils Ciyaaryahan Phil Jones oo ka ciyaara dhanka Difaaca balse dhawaan laga keenay Juunyarka Man Utd (Goolka wuxuu dhaliyey Jones Daqiiqadii 20-aad).
*** Laacibka Qaranka Holland iyo kooxda The Gunners Fc Arsenal Robin van Persie wuxuu noqday Warshada Goolasha iyo Xiddig ay si weeyn ugu tashtaan Naadiga Arsenal. Robin van Persie ayaa Gooldhalinta Horyaalka Ingiriiska waxa uu ku hogaaminayaa Darsin Goolal ah (14-Gool).
Xiddiga Xili Ciyaareedkaan ku heeysta Van Persie dhanka Gooldhalinta Horyaalka England waa Sergio Kun Aguero oo u safta Kooxda Man City wuxuu dhaliyey 11-Gool.
Fiiro Gaar ah : Robin van Persie 11-Gool ayuu dhaliyey Todobadii kulan ee ugu dambeeysay Horyaalka Premier League (Waa Awood Cusub) !! .
Kooxda Fc Arsenal wexeey 0-4 ku soo dardartay Naadiga Wigan waxaana Goolashaas u kala saxiixay marka Goolka Van Persie laga soo tago Laacibiinta kala ah Mikel Arteta (Daqiiqadii 28-aad.), Thomas Vermaelen (Daqiiqadii 29-aad.) iyo Gervinho (Daqiiqadii 61-aad.).
*** Kooxda Sundernad oo Isbuucii la soo dhaafay iska ceeyrisay Macalin Steve Bruce wexeey hada soo iibsadeen Macalinkii hore ee kooxda Aston Villa waa Qabiir sare Martin O'Neill oo sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka cusub ee loo magacaabay.
HORYAALKA INGIRIISKA AYAA KOOXAHA WEXEEY ISBUUCAAN KU KALA BEXEEN QAABKAAN :
| Newcastle |
Chelsea |
0:3 |
| Manchester City |
Norwich |
5:1 |
| Tottenham |
Bolton |
3:0 |
| Wigan |
Arsenal |
0:4 |
| Queens Park Rangers |
West Bromwich |
1:1 |
| Blackburn |
Swansea |
4:2 |
| Aston Villa |
Manchester United |
0:1 |
| Maanta wada kulmaya, |
| Everton |
Stoke |
16.00 |
| Wolverhampton |
Sunderland |
17.00 |
HORYAALKA ENGLAND WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN :
| 1. |
Manchester City |
14 |
12 |
2 |
0 |
48:13 |
38 |
| 2. |
Manchester United |
14 |
10 |
3 |
1 |
31:13 |
33 |
| 3. |
Tottenham Hotspur |
13 |
10 |
1 |
2 |
29:16 |
31 |
| 4. |
Chelsea |
14 |
9 |
1 |
4 |
31:17 |
28 |
| 5. |
Arsenal |
14 |
8 |
2 |
4 |
30:23 |
26 |
| 6. |
Newcastle United |
14 |
7 |
5 |
2 |
19:15 |
26 |
| 7. |
Liverpool |
13 |
6 |
5 |
2 |
17:12 |
23 |
| 8. |
Everton |
12 |
5 |
1 |
6 |
15:16 |
16 |
| 9. |
Aston Villa |
14 |
3 |
7 |
4 |
16:18 |
16 |
| 10. |
Norwich City |
14 |
4 |
4 |
6 |
20:26 |
16 |
| 11. |
Queens Park Rangers |
14 |
4 |
4 |
6 |
15:25 |
16 |
| 12. |
West Bromwich Albion |
14 |
4 |
3 |
7 |
13:21 |
15 |
| 13. |
Stoke City |
13 |
4 |
3 |
6 |
13:23 |
15 |
| 14. |
Swansea City |
14 |
3 |
5 |
6 |
14:20 |
14 |
| 15. |
Fulham |
13 |
2 |
6 |
5 |
15:16 |
12 |
| 16. |
Sunderland |
13 |
2 |
5 |
6 |
15:15 |
11 |
| 17. |
Wolverhampton Wanderers |
13 |
3 |
2 |
8 |
13:23 |
11 |
| 18. |
Blackburn Rovers |
14 |
2 |
4 |
8 |
21:32 |
10 |
| 19. |
Bolton Wanderers |
14 |
3 |
0 |
11 |
19:34 |
9 |
| 20. |
Wigan Athletic |
14 |
2 |
3 |
9 |
12:28 |
9 |
*** Dhanka Serie A ayaa kulan adag waxa uu dhex maray Kooxda Inter Milan oo u baahan in loo duceeyo maadaama ay aad u xanuunsaneeyso iyo kooxda kacsan xiliyadaan dambe ee Udinese Calcio .
Inter Milan oo ku ciyaareeysay Garoonkeeda waxaa lagu soo Dubtay 0-1 sababtay ineey Inter ka gasho Horyaalka Talyaaniga Kaalinta 15-aad.
Goolka Guusha kooxda Udinese waxaa u saxiixay Laacibka Qaranka Chile Mauricio Isla Daqiiqadii 73-aad.
Ciyaartaan oo eheed mid kulul ayaa waxaa Rooso loo taagay Kaptanka Inter Milan Javier Zanetti (Daqiiqadii 86-aad.) iyo Damiano Ferronetti (Daqiiqadii 89-aad.). Inter waxaa Rigoore ka qasaariyey dhamaadkii ciyaarta Weeraryahanka Qaranka Talyaaniga Giampaolo Pazzini halka kooxda Udinese uu iyagana Rigoore ka cunay Laacib Antonio Di Natale. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=YytxRKtqSxM
Kooxda Juventus ayaa galabta lagu wadaa ineey hogaanka Horyaalka Talyaaniga dib uga soo ceshato Ac Milan oo maalintii Jimcaha eheed kooxda Genoa 0-2 ku soo tuntay. Juventus oo aan weli laga badin Xili Ciyaareedkaan wexeey gurigeeda galabta kula ciyaareeysaa kooxda Cesena.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com