Kooxda Koplenz oo ka dhisneed Magaaladii dadka laga qaxiyey ee Banbaanooyinka laga helay ayaa kulamadii ay leheed la hakiyey & Qaar ka mid ah Gantaaladii Mareeykanka & Ingiriiska ku garaaceen dalka Jarmalka oo la soo saaray (Halkaan ka Daawo)
Kooxda Koplenz oo ka Ciyaarta Serie B-da Jarmalka wexeey nasiib u yeelatay in kulankeedii la baajiyo maadaama magaalada ay ka dhisneed ee Koplenz laga helay Sawaariiq halis ah oo lagu duqeeyey dalka Jarmalka dagaalkii 2-aad ee Dunida. (Fiiri Sawirka kore ee Beejkaan waa Goobihii Ganacsiga oo Booliisku ku hor gooyeen calaamad ay ku qoran tahay lama soo gali karo)
Halkaan ka Daawo Mucjisada iyo dhibka ka taagan magaalada Koplenz iyo Dadkii oo goobtaas laga qaxiyey >>> http://www.youtube.com/watch?v=NMPrk8UjLRE
" Intii ay Shaqada socotay mudo dhoor saacadood ah aniga iyo Wariyaal fara badan oo ka kala socday Dunida dacaladeeda waxaa na loo diiday inaan si toos ah ku gaarno magaalada Koplenz oo ku taal koonfurta dalka Jarmalka.
Markeeygii hore waxaan Duhurnimadii maanta ka dhaqaajiyey Magaalada Frankfurt laakiin markii aan gaarnay Naxaawiga Koplenz waxaa naga soo hor baxayey Daqiiqad kasta Gawaari lagu siday dad aad u fara badan oo laga soo saaray magaalada Koplenz.
Gudaha magaalada iyo goobihii Ganacsiga dhamaan Albaabada ayaa la iskugu dhuftay waxaana goobahaas ku arkeeysaa Ciidamada Booliiska oo sugaya Aminiga Hantida dadkii halkaas laga qaxiyey.
Waa markii ugu horeeysay Nolasheeyda oo aan arko Wadan Nabad ah oo 45.000 oo Qof si Nabad ah oo aan Dhiig ku daadan looga saaro deegaa saaro halkii ay degnaayeen. Wariyaasha waxaa loo qabtay mudo kooban oo Saacad ah ineey wax Sawiran karaan ka dibna dib u laabtaan .
Dadkii Waayeelka ahaa iyo Bukaankii kale ee jiifay Isbitaalada waxaa qaadayey oo ka soo saaray Magaaladaas Gawaarida Aampalaasta looyaqaan waxaana qaar ka mid ah lagu daabulay diyaarado Helikobtaro ah.
Gantaaladaan ama Sawaariiqdaan Halista ah dalka Jarmalka waxaa Dagaalkii 2-aad ee Dunida ku garaacay Diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareeykanka iyo Ingiriiska waxaana ilaa iyo hada la soo saaray qaar badan oo aad u Miisaan cuslaa.
Arintaan mucjisada xambaarsan iyo sida ay ku dhamaato kala soco wararkeena dambe hadii uu alle idmo,,
W/D C/fitaax Shirwac Yaasiin (Fitaax Fanax)
Magaalada Koplenz dalka Jarmalka