Dalka Jarmalka 45.000 oo Qof ayaa Guryahooda laga saaray waxaana sidoo kale la xiray Xabsi & Isbitaalo waa weeyn, Waa maxay Sababta ? (Halkaan ka Daawo )
(Mucjisooyinka Caalamka ) Waxaa aad u Cakiran xaalada isku socodka Magaalada Koplenz oo ku taal Koonfurta dalka Germany ka dib markii laga helay Wabiga biyo mareenka ah ee lagu magacaabo Rhein Sawaariiqa Gantaalada ah ee laga soo tuuro Diyaaradaha Dagaalka.
Bambaanooyinkaan oo lagu sheegay kuwo aad u Miisaan culus waxaa Dagaalkii Addunka goobtaas la dhacay Diyaaradihii Dagaalka ee dalalka Mareeykanka iyo & Ingiriiska wexeeyna Qubarada hada ku hoowlan sheegeen hadaan ilaa dhamaadka Sanadkaan laga hor tagin ay Qarxi karaan Saacad walba.
45.000 oo Qof ayaa Guryahooda laga saaray waxaana sidoo kale la xiray Isbitaalo halka Xabsi ku yaalay Goobtaas Maxaabiistii ku jirtay loo badalay gobol kale oo ku yaal isla gudaha dalka Jarmalka.
Sawaariiqdaan halista ah ayaa waxaa la doonayaa in lagu dhex Qarxiyo Kanaalka Biyo mareenka ah ee Rhein kaas oo mara dalal badan oo ku yaal Qaarada Yurub. Qarxinta iyo soo saarista Bambooyinkaan halista ah waxaa loo xilsaaray oo Shaqo ku haya 2500 oo Qabiiro dhanka Qaraxyada ku taqsuusay ah.
Qaar ka tirsan Magaalooyinka dalka Germany Sanad walba waxaa laga helaa Gantaalo halis ah oo laga soo tuuray Diyaaradihii Dagaalka ee dalalka Ingiriiska & Mareeykanka oo Dagaalkii Addunka Duqeeyn xoogan u geeystay Ciidamadii Naazigii dalka Germany ee lagu magacaabi jiray Adolf Hitler.
Waa markii ugu horeeysay oo Shacab sidaan u tira badan laga Qaxiyo Guryahooda inta uu socdo Hawgalka Qarxinta iyo soo saarista Gantaalada halista ah.
Halkaan ka Daawo Mucjisadaan http://www.youtube.com/watch?v=GCBY4omuuyM
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)