Ciyaaryahan Komo galay ka dib markii eey Ciyaaryahan kale isku dheceen(Daawo Qiso la yaab badan), Wararkii ugu dambeeyey ee Ciyaaraha & Ciyaartooyda+Kulamada Uefa Champions League ee beri furmaya.
Ciyaaryahanka u dhashay dalka Argentina una Ciyaara Kooxda kubada cagta ee Young Boys oo ka dhisan Horyaalka Switzerland Emiliano Dudar ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ka yaabiyey bahda Sportiga ku xiran ee Dunida ku nool.
Emiliano Dudar oo difaaca uga ciyaara kooxdiisa Young Boys ayaa shalay ciyaar kulul oo dhex martay kooxda eey sida aadka ah isku neceb yihiin ee Fc Basel oo 2-2 ku dhamaan doonto ayaa waxa eey Madaxa isku qaadeen Saaxiibkiisa kale ee kala ciyaara isla Difaaca Francois Affolter .
Ciyaaryahan-kaan oo Isbitaalka loola cararay ayaa ilaa iyo hada waxaa laga deeyrinayaa xaaladiisa Caafimaad ka dib markii dhaqaatiirta ku hoowlan dhaawiciisa eey sheegeen in Maskaxda isku duntay eeyna sabab u eheed in uu dhulka ka faniino xiligii laga soo qaadayey Garoonka dhexdiisa isaga oo aad moodid qof Meeyd ah.
Dadka daawanayey Ciyaartaas ama Maanta ka daawaday Telefishinada Sportiga ee Caalamka ayaa la yaaban qaabka eey iskugu dheceen labadaan Ciyaartooy oo doonayey ineey wada difaacaan gooshooda balse mid ka mid ah uu sabab u noqday in Saaxiibkiis Maskaxda isku dumiyo oo miyir la aan dhigo maadaama uu ka Madax adkaa. Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=FijfxboTj9A.
Halkaan ka aqri Webset-ka kooxda iyo Taageerayaasha oo Tacsi bilaabay maadaama war kii ugu dambeeyey ee Dhaqtarka uu sheegay wax eeysan ku farxin dadka ciyaaraha xiiseeya taas oo eheed in Ciyaaryahankaan hadii uu Caafimaado xitaa eey maskaxdiisa noqotay waxa eey Soomaalida u taqaan (Maskax Fuunto ama qof aan kala garan karin waxa uu yahay) Website. Kooxda uu u Ciyaaro Emiliano Dudar ee Young Boys ayaa waxa eey gurigooda ku garaaceen is aragii hore ee Champions League Kooxda Tottenham ee Horyaalka Ingiriiska balse wajigii labaad ee ka dhacay London ayaa goolal badan looga soo badiyey Young boys hadana waxa eey ku jiraan Koobka Europa League oo horay loogu aqoon jiray Uefa Cup.
** Saxaafada Talyaaniga oo waday maalmahaan isku dirka Kooxaha Inter iyo Milan ayaa markaan magac cusub u heshay Ciyaar yahan Zlatan Ibrahimovic.
Wargeeysyada Corriere della Sera iyo Tuttosport oo aad moodid ineey kala Taageerayaan Kooxaha AC Milan iyo Inter oo si weeyn iskugu kacsan tan iyo markii uu Laacib Ibrahimovic u yimd Milan ayaa Wareysi uu shalay Tuttosport la yeeshay Ibrahimovic waxa uu weydiiyey in Kooxda Inter soo wadato Laacib Kaka oo hada u safto kooxda Real Madrid. Zlatan Ibrahimovic oo looga bartay hadalo kul kulul ayaa waxa uu ku jawaabay sidan:
Fikradeeyda hadaan ka hadlo Kaka hadii uu Inter ku soo biiro wuu ku qasaari doona iyagana weey ku qasaari doonaan maxaa yeelay ninkaas waxaa hada ku qasaartay kooxda Real Madrid oo fahmi la dhaawiciisa faraha badan iyo wax qabadkiisa yar"
Intaas ka dib ayaa waxaa Maanta Corriere della Sera ciwaan looga soo dhigay Neenaas eey ula jeedeen Ibrahimovic magaciisa cusub ee Horyaalka Talyaaniga iyaga oo ku sheegay qaab u dhigma sidan( Haye-Raac) oo eey ula jeedaan qof wax walba oo loo sheego iska raaca ama u warama.
Wargeeyska Corriere della Sera ayaa sheegay in Laacib Zlatan Ibrahimovic hadii uu xitaa ku biiro kooxaha Napoli, Lecce iyo Brescia uu ugu dambeenta ceeyn doono kooxda Milan.
Corriere della Sera ayaa soo saaray Sawirka Ibrahimovic oo ciyaartii doraad Milan 2-0-ka looga badiyey isaga oo Rigoore ka qasaarinaayo oo leh (aniga Tababarihii Binji igeliyo saan ayaan u qasaarin doonaa). Jaraaidka ayaa loo qaatay in uu Inter Lacag ka soo qaatay oo uu doonayo sidii uu iskaga hor keeni lahaa Zlatan Ibrahimovic iyo Tababaraha Milan oo xiligaas ka xanaaqay Rigoorada uu birta ku dhuftay ee uu Cunay Laacib Ibrahimovic.
Difaaca eey ku dhaartaan Taageerayaasha Mannchester Utd Rio Ferdinandoo sheegay in uu Baahi weeyn qabo.
Difaaca Qaranka England iyo Kooxda Manchester Utd Rio Ferdinand oo maanta u waramayey Sky-Sport ayaa sheegay in uu qabo baahi aad weeyn oo uu ula jeeday kulanka kooxdiisa ManU beri kala hortagi doonta kooxda Ragers ee dalka Scotland.
Rio Ferdinand oo dhaawac uga maqnaa kooxda ManU ayaa beri safan doona taas oo ka farxisay Taageerayaasha Manchester Utd oo aaminsan in Rio Ferdinand uu yahay Gudoomiyaha Gudiga Difaacyada Man Utd.
Arjen Robben iyo Bayer München oo si weeyn iskugu kacsan.
Laacibka Qaranka Niederland iyo Kooxda Bayer München oo u waramayey Studio Voetbal ayaa sheegay in uu bogsaday oo uu dheeli karo 120-Daqiiqo.
Robben oo u xanaaqsan dhaqtarka iyo Maamulka Fc Bayern ayaa sheegay in uusan garananeyn sababta isaga oo reeystay weliba aan qabin wax xanuun ah loo dhoor dhooraayo. Arjen Robben ayaa ku rajo weeyn in uu Sanadkaan ku guuleeysto Gool dhalinta The Uefa Champions League in kastoo sanad kaan eey saas camal rajo uga qabaan ciyaartooy aad u faro badan oo aan la dhaleeysan karin.
Kooxda Bayer München ayaa ku eedeysay maamulka Qaranka Holland in eey Laacib Robben ku ciyaar siiyeen Koobkii Addunka isaga oo dhaawac weeyn qaba hadana eey doonayaan in uu si wanaagsan u bogsado.
Ciyaaryahan Karim Benzama iyo Macalin Jose Morinho oo xiriirkooda soo xumaaday iyo Juventus oo fursadaas ka faaideysatay.
La Gazzetta dello Sport ayaa Maanta soo bandhigay Dagaal hooseedka u dhexeeya Morinho iyo Benzama oo goor dhaw si weeyn u soo shaac bixi doona. Kooxda Juventus oo qilaaf kaas soo kala dhex galay Morinho iyo Karim Benzama u aragto fursad Dahab ah ayaa jaa waxa eey xiratay beeciisa Laacib Benzama oo eey xili dheer dooneeysay. Arinkaan ayaa waxaa cadeeyey Wakiila Juventus u soo iibiya Ciyaartooyda ninka lagu magacaabo Beppe Marotta.
Cod laga qaaday Taageerayaasha Real Madrid ayaa waxa eey 98% ka xumaadeen in la iibiiyo Rafael van der Vaart.
Taageerayaasha Real Madrid ayaa qalad weeyn ku tilmaamay in Lacag sidaas u yar looga iibiyo kooxda Tottenham Laacibkooda Rafael van der Vaart.
Taageerayaasha ayaa qaba in eey tahay qaladkii 2-aad oo Real qoorta la gasho wexeeyna qaladka kowaad ula jeedeen iska iibintii Arjen Robben oo kooxda Bayer München guulo aad u waa weeyn gaarsiiyey sida ciyaartii Fiinaalaha ee Champions Legue, Koobka Germany iyo Horyaalka Jarmalka.
Dhanka kale Saxaafada Sportiga ee caalamka ayaa maanta soo bandhigtay qaar ka tirsan Taageerayaasha kooxda Real Madrid oo ku orinaayo Laacib Cristiano Ronaldo iyaga oo leh ( Kubada si fiican u dheel Qaaaaaliyahoow) . waxeyna eheed ciyaartii doraad ee Kooxda Osasuna 1-0-ka eey uga badiyeen.
Koobka ugu xiisaha badan Dunida marka laga saaro Koobka Addunka waa The Uefa Champions League ayaa beri furmaya.
Kooxaha isku dhaarsan Maalinta Talaada oo beri ah ayaa kala ah sidan: