MUCJISOOYINKA CAALAMKA: Halyey Keenaan oo booqday Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho,* Mucaaradkii Liibiya oo inta badan la wareegay Caasimada Tripoli iyo qaar ka tirsan Wiilashii Madaxweeyne Mucamar Al Qaddafi oo gacanta lagu dhigay ,Burcad badeeda Soomaalida oo sheegtay ineeysan afduubi doonin Maraakiibta gar gaarka u sida dadka Abaaraha marka laga reebo kuwa Kaluumeeysatada & Dalxiisayaasha !*! (Daawo Mucjisooyinka Caalamka)
*** Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame iyo fanaaniin kale oo u dhalatay dalka Canada. kuwaa oo kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Fanaanka Soomaaliyeed ee Keynaan Cabdi Warsame ayaa durba booqasho deg deg waxa uu ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir halkaas ay kujiraan caruur la ildaran xanuuno kala duwan iyo nafaqo daro.
Fanaanka ayaana Socdaalkiisa waxaa ku wehliya Fanaaniin kale oo Caan ah oo u dhashay Dalka Canada kuwa aoo iyana uyimid in ay u kuurgalaan Xaalada dhabta ah ee kusuganyihiin dadka Barakacayaasha iyo dhibaatooyinka ay qabaan.
Fananka Soomaaliyeed iyo Fanaaniitii kale ee Wehlineysay ayaa waxa ay sidoo kale booqdeen qaar kamid ah Xeryaha Qaxootiga ee kuyaala Magaalada Muqdisho iyaga oo soo eegay xaalada dhabta ah ee kajirta Caasimada.
***
Burcad badeeda Soomaalida oo sheegtay ineeysan afduubi doonin Maraakiibta gar gaarka u sida dadka Abaaraha marka laga reebo kuwa Kaluumeeysatada & Dalxiisayaasha !
Wakaaladaha wararka ee wadamada Faransiiska Beljemka iyo Jarmalka wexeey shaaciyeen hadalo eey ka soo duubeen qaar ka mid ah Burcad badeeda Soomalida oo sheegay ineeysan afduubi doonin Maraakiibta Gar gaarka u sida dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira dalka Somalia.
Nin magaciisa ku sheegay Cali Raage Gureey oo Burcad badeedaan u hadlay ayaa yiri sidaan " Maalin kasta waanu aragnaa Doomaha iyo maraakiibta Bagaashka u sida ganacsatada Soomaaliyeed wax dan ahna kama lihin doomahaas hadana kuwa Gar gaarka u soo daabula dadka Abaaraha wax ku noqday liiska nooguma jiraan inaan afduubno ee waxaanu dooneeynaa oo is heeynaa waa kuwa sida sharci darada ah Biyaha Soomaaliyeed uga kaluumeeysta iyo kuwa Dalxiisayaasha ah ee waayey meel eey Lacagta kala dhigaan"
Hadalkaan yaabka badan ee ka soo yeeray Burcad badeedka ayaa waxaad moodaa mid eey ku soo jiidanayaan Shacabka Soomaaliyeed maadaama eey ka mid yihiin dadka sababta looga dhigay caawin la aanta heeysta Shacabka Soomaaliyeed iyaga iyo Maleeshiyaadka Shabaab oo horay u diiday in la quudiyo ama la gar gaaro Gobolada eey ku sugnaayeen dadka Abaaraha daran eey asiibeen.
***
Mucaaradkii Liibiya oo inta badan la wareegay Caasimada Tripoli iyo qaar ka tirsan Wiilashii Madaxweeyne Mucamar Al Qaddafi oo gacanta lagu dhigay (Halkaan ka Daawo).
Inta badan magaalada Tripoli wexeey gacanta u gashay Ciidamadii ku kacsanaa Madaxweeynaha dalka Liibiya Mr.Mucamar Al.Qaddafi waxaana sidoo kale Gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah Wiilashii Madaxweeyne Qaddaafi sida Saif al-Islam iyo Al-Saadi waxaana taas cadeeyey Afhayeenka Mucaaradka ninka lagu magacaabo Abu Bakr al-Tarbulsi oo u waramayey Tv-ga Al Jazeera.
Wiilka Qaddafi ee lagu magacaabo Saif al-Islam waxaa si aad ah u doon dooneeysay Maxkamada Dambiyada Addunka ee Den Haag oo isaga iyo Aabihiis ku eedeeysay ineey masuul ka ahaayeen dhimashada kumanaan kun oo Shacabka reer Liibiya ah weliba Hub fara badan eey gacanta u galiyeen dad Shacab ah si eey Dagaalada ka socda dalka Liibiya uga qeeyb qaataan.
Warar kale oo ka imaanaya isla xiligaan magaalada Tripoli ayaa qaar wexeey sheegayaan in Mr Qaddafi iyo qaar kale oo ka tirsan Familkiisa ineey Diyaarad ula carartay dhanka Magaalada Pretoria ee dalka South Africa halkaas oo lagu wado ineey qaab Qaxootinimo iskaga dhiibaan.
Abdel Hafis Ghoga oo ka mid ah Madaxda ugu sareeysa Mucaaradka ku kacsan Madaxweeyne Qaddafi wuxuu Saxaafada u soo bandhigay gaar ahaan Tv-ga Sky-News cadeenta ineey gacanka ku dhigeen Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Tripoli iyo Garoonka Milatariga dalkaas oo lagu magacaabo Mitiga.
Xoogaga Mucaaradka oo Dagaalada ka soo kala qaaday Waqooyo galbeed Tripoli iyo dhanka Koonfureed ee Magaalada waxaa la sheegay ineey horay ugu baleen ama ugu baaqeen in maalinta Ciida ah eey Salaada ku tukan doonaan magaalada Tripoli taas oo hada rumoowday.
Tv-ga Qaddafi Xiligii uu qadka ka sii baxaayey wuxuu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay Magaalada Tripoli lagu dilay dad Shacab ah oo tiradooda uu ku sheegay 1.300 Qof kuwaas oo uu yiri wexeey ahaayeen dad aan waxba galabsan oo Fikradooda darteed loo dilay.
Wixii ku soo kordha wararka magaalada Tripoli kala soco Saacad walba Dayniile.com hadii uu rabi idmo.
Halkaan ka Daawo News-ka Liibiya http://www.youtube.com/watch?v=-5NrYH9Iqg8
Halkaan ka Mucaaradka oo ku Tukanaayo magaalooyinkii eey ka qabsadeen xoogaga Qadaafi iyada o Xabada socoto >>> http://www.youtube.com/watch?v=DShiVS8iBjs&feature=player_embedded