World Cup 2010 waa dhamaaday, KNaan & Caalamka Maxaa kala heeysta? Tifaatiraha iyo Heeso sameeyaha Xiriiriye.com oo Halyeey KNaan la kulmay kana wada hadlay arimo badan ( Halkaan ka Daawo wacdaraha Halyey Knaan oo aan daalin )
Tifaatiraha Bogaan www.xiriiriye.com Qoraa sare Omar Ali Oumar (Sii Sii) ahna Heesaa ku luuqeeyo oo Miraha u sameeyo Heesaha cusub ee xiliyadaan dambe loo batay ayaa waxaa uu la kulmay Halyeeyga Soomaaliyeed ee Dunida ka caan baxay Mr.Knaan Abdi Warsame .
Knaan ayaa amaanay oo la dhacay qaabka uu wararka u soo tabiyo Warsidaha Xiriiriye Sport oo inta badan eey ku xiran yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weeyn u xiiseeysa Ciyaaraha Kubada cagta.
Tifaatiraha xiriiriye iyo Knaan ayaa waxaa ugu muhiimsanaa oo eey ka wada hadleen labo arimood oo eey ka mid yihiin dhanka Heesaha iyo Musica & kor u qaadida Fanka iyo Ciyaararaha oo ah mida kaliyah ee maanta Soomaliya looga saari karo dhibaatada ku habsatay.
Knaan Abdi Warsame oo Dadweeynaha Dunida Madaale u yaqaanan madaama hal habeen uusan safar ka nasan oo laga wada casumo Dunida oo idil ayaa waxa uu la soo baxay wacdaro cusub ka dib markii uu heesihiisii sii kordhiyey kaas oo Cod kiisa macaan ku soo jiitay Taageerayaal kale oo cusub kana badan kuwii hore.
Knaan ayaa Isbuucaan ka tumayey Dalalka ku hadla Afka Jarmalka ee kala ah Germany ,Swezerland & Austria.
Wadani Knaan oo Malaayin qof soo xasuusiyey in Somaliya weli eey nooshahay dadkeena wax qabsan doonaan maadaama weli eey ku dhex jiraan kumanaan kale oo sida Knaan ah ayaa Heestii ka yaabisay Addunka ee uu sida weeyn ugu soo caan baxay (Wavin' Flag) ayaa hada waxa uu soo saaray heeso kale oo badan kuwaas oo ilaa iyo hada si weeyn u soo galay Suuqyada lagu kala iibsado Albunada cusub.
Halyeey Knaan ayaa waxa uu ka yaabiyey wixii ka dambeeyey world Cup 2010 dad badan oo Dunida ku nool ka dib markii dadkii u soo daawasho teki lahaa heesihiisa loo sheegay inta badan ineey iska xaadiriyaan Garoomada Ciyaaraha maadaama eey Buuxsamaan Tiyaaratarada .
KNaan Abdi Warsame ayaa sida uu soo xigtay Telefishinka ciyaaraha ka faalooda ee laga leeyahay dalka France (canal Plus) ayaa sheegay in Shirkada Coca Cola eey qandaraaskii u kordhisay halka eey u sii dheertahay Xayeeysiino kale oo ciidaan ka badan.
Taariikhda Wadani Halyeey Knaan Abdi Warsame ayaa Maanta waxaa ka bogan doontaan Qeybtiisa 1-aad halkaan, haduu alle idmo qeeybta 2-aad ayaan ku soo qaadaneynaa sidoo kale arimo la yaab badan oo wacdaraha Knaan ka mid ah sida Dad badan oo dunida ku nool eey iska ooyaan marka eey Live u arkaan ama Tiyaartar ku soo fiirsada codkiisa iyo heesihiisa iyaga oo uga imaanayaa ama ka kala imaanaya wadamo aad u kala fog oo ka tirsan Qaarada yurub.
Knaan ayaa waxaa dhacday in Heestiisa lagu bad baadiyey Kumanaan kun oo qof oo dhiman lahaa dhul gariirkii ku dhuftay ama ka dhacday wadanka Heiti. Bal halkaan ka daawo sida eey ula qaadayaan Fanaaniinta dunida ugu caansan oo Lacag in Heiti loo aruuriyo eey sabab u noqotay heesta Halyey Knaan: Daawo http://www.youtube.com/watch?v=nB7L1BIDELc&feature=related
Halkaan ka Daawa heesta oo laga qaaday Xaflad weeyn oo Milyineerada Addunka ka soo qeeyb galaan ama lagu kulan siiyo kuwasoo dadka eey u badnaayeen Germany halka Magaalada loo dalxiis tago ee Mallorca uu ka dhacay Showga oo loogu magaca daray Wetten Dass waxaana mar walba qabto Nin caan ah oo la yiraahdo Thomas Gottschall kaas oo marwalba isku keena fanaaniinta caalamka kuwooda ugu Tunka weeyn ee ugu magaca dheer...waxaa heesta Knaan la qaadaayo David Bisball oo isagu Af Isbaanish ku qaadaayo: http://www.youtube.com/watch?v=ctaxMkYHSbA
Qeeybta 2-aad ee qormadaan oo aad u xiiso badan filo waqtiyada soo socdo haduu alle idmo waxaana uga bogan doonto 30-ka Wadan ee Knaan loogu jecel yahay isaga oo mar kasta Show-yaal live ah ka dhiga.
W/Q Sharci ilaaliyaha Shabakada Sportiga ee Xiriiriye Kaafi Deeq Yacquub (Kaafi Yare) Norway Oslo xiriiriyesports@hotmail.com