LA YAAB : Miroslav Marian Klose " Maamulka SS Lazio ma ogolo Telefoonada wakhti dhumiska ah ee lagu hadlo Xiliyada Tababarka iyo xiliga eey jiifaan Ciyaartooyda, Fc Bayern Munchen markaan la joogay Wakhtigaan rabo ayaan Telfoonka gacanta ku dal dalmi jiray (Wareeysi Tarjuman+Daawo Faanka Jarmalka oo Klose Balaayo ka dhigay kuna sheegay inuu qaadi doono Gooldhalinta horyaalka Talyaaniga) !!
Tv-ga SAT 1 ayaa waxa uu bilaabay Sheeko u ekeed mid faan iyo Xayeeysiin is daba socotay ah ka dib markii eey si weeyn u buun buuniyeen Weeraryahanka Qaranka Germany ee xili ciyaareedkaan ku biiray kooxda SS Lazio waa Miroslav Marian Klose .
Miroslav Marian Klose Furitaankii Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga waxa uu gool ka xareeyey kooxda Ac Milan ee heeysata Horyaalka Talyaaniga wuxuuna kulamo kale oo Ciyaaro saaxiibtinimo ahaa kooxda Lazio u soo dhaliyey Goolal.
Warkaas markeey maqleen ayeey Jarmalka wexeey bilaabeen faankii lagu yaqaay ka dib markii eey qadka Tv-ga SAT 1 soo galiyeen Klose iyaga oo leh cid ka xigto xili ciyaareedkaan dhanka gooldhalinta Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga ma jirto.( La Yaab!)
Miroslav Marian Klose hadii uu Ac Milan goolkii ugu horeeyey Horyaalka Talyaaniga ka dhaliyey, kooxo badan oo Serie B-da Talyaaniga ahna goolal ka soo dhaliyey xili eey SS Lazio Ciyaaro Saaxiibtinimo la soo yeelatay macnaheedu ma ahan inuu gooldhalinta Talyaaniga qaadi doono Mr Klose.
Fc Bayern Munchen oo barkato Barkimo Lacag ah hadii uu Klose sidii hore qatar u yahay iskama iibiseen waana la ogyahay ineey Bayern Munchen mudooyinkii dambe Klose Binji ku cabtay xili eey ka door bideen ineey ciyaarsiiyaan Mario Gomez iyo weeraryahanka cusub ee lagu magacaabo Nils Petersen oo dhawaan eey ka soo iibsadeen kooxda Cottbus.
Tv-ga SAT1 waxa uu horay u sheegay xiligii uu Michael Ballack kooxda Fc Chelsea u tagay inuu la qaadi doono koobab fara badan iyo ugu yaraan koobka Champions League. Mar dhexdaas ah wuxuu SAT1 wareeysi raaxada uga qaaday Laacibiinta Qaranka Germany ee u ciyaarta kooxda Real Madrid waa Mesut Mustafa Ozil iyo Sami Anis Khedira. Faanka iyo liishka Tv-ga SAT1 ee ku aadan Ciyaartooyda Qaranka Germany markaan wexeey saaran tahay Ciyaaryahan Miroslav Marian Klose oo eey leeyihiin cid ka xigto dhanka gooldhalinta Horyaalka Talyaaniga ma jrto halka Xiriiriye.com uu qabo in Difaayada dalka Talyaaniga eeysan eheen sida kuwa Jarmalka, Miroslav Marian Klose-na iska caabin xoogan uu la kumi doono. Miroslav Marian Klose ma ahan Jarmal dhalad ah oo waxa la keenay dalka Germany isaga oo 12-jir ah wuxuuna ku dhashay 09.06.1978 magaalada Opole oo ka tirsan dalka Poland. Su´aashii ugu xiisaha badneed ee uu Tv-ga SAT1 Mr.Klose weey diiyey wexeey eheed sidan : Mexeey ku kala duwan yihiin kooxdaada cusub ee SS Lazio iyo Fc bayern Munchen dhanka Dhaqamada maxaase Fc Bayer Munchen mabnuuc ka aheeyn oo Naadiga SS Lazio mabnuuc ama waxa afka Jarmalka loo yaqaan Verboten ka ah?? Miroslav Marian Klose waxa uu ku jawaabay sidan " Sharciyada labada kooxood inta badan waa isku mid laakiin mida iyaga yaabisay wexeey tahay xiligii aan Fc Bayern Munchen la joogay marka aan Tababarka leenahay hadii uu soo dhaco Telfoon muhiim ah oo dhanka Xaaska ama dhanka Familka ah Ciyaaryahan kasta waxa uu u fasaxnaa inuu ku hadli karo, sidoo kale xiliyada la jiifo Ciyaaryahanka marka uu Qolkiisa ku sugan yahay waxa uu si tartiib ah Telfoonka gacanta ugu sheeykeeysan karaa ama ula sheeykeeysan kara Asxaabtiisa balse dhanka SS Lazio xiliga Tababarka iyo Xiliga Jiifka waa mabnuuc daran oo qatar ah in Telfoon lagu hadlo waxaana Heshiiska kooxda marka Qandaraaska la saxiixaayo Qodobkiisa 8-aad ka mid ah Sharciyaadaas inaan la jabin oo weliba xiliyadaas eey densanaadaan Telfoonada gacanta ee dhamaan Ciyaartooyda marka laga reebo kan Tababaraha iyo kan Maamulka kooxda,, !!!! Halkaan ka Daawo Goolka eey Xayeeysiintiisa SAT1 dadka ka bad badiyeen ee uu Ac Milan ka dhaliyey Klose >>> http://www.youtube.com/watch?v=edsLHr8Zauo .