La Yaab : Wariye soo bandhigay weeraryahan Miroslav Klose oo Sigaar cabaayo gacantana ku heeysto iyo Klose oo sheegay in waxa gacanta uu ku heeystay eey tahay Qalinka wax lagu qoro. Yaa saxan Wariyaha Vs klose?? (halkaan ka daawo goolashiisa)
Barnaamishka La Yaab waxa uu maanta soo helay buuq iyo qeeylo ka dhex aloosan wariye u shaqeeyo Tv-ga Sportiga ee caanka ah laguna magacaabo Sport1. www.sport1.de iyo weeraryahanka kooxda Fc Bayern München & Qaranka Germany Miroslav Klose.
Wariyaha ayaa waxa uu soo sawiray Klose oo Sigaar gacanta ku heeysto wuxuuna warkiisa ku sheegay inuu indhihiisa ku arkay Klose oo dhuuqaayo Sigaarkaas xili eey isla taagnaayeen Jaceylkiisa.
Miroslav Klose oo arinkaan ka xanaaqay ayaa sheegay in waxaas eey tahay been la dhoob dhoobay waxa uu gacanta ku heeystayna eey ahaayeen Qalin uu doonayey in uu wax ku qorto wuxuuna hawada u soo mariyey wariyehaas in mar dambe uusan imaan karin meel uu Klose xaflad ama marti qaad ku leeyahay hadiiba uu sidaas oo dhan Ruufiyaan u yahay.
Arinka Wariye Martin Vs Kolse waxaanu Xiriiriye ahaan u deenay Akhristayaasha oo laga doonayo ineey ogaadaan cida saxsan labadaan shaqsi.
www.xiriiriye.com waxa uu horay u soo bandhigay Ciyaartooy fara badan oo qarsata cabista Sigaarka waxaana ugu waa weeynaa Luca Toni iyo Dimitry Berbatov. Waxaa sidoo kale xusid weeyn mudan ma jiro ciyaaryahan inta sidaan oo kale cabista Sigaarka lagu qabtay hadana qiranaayo Fadeexadaas iyaga oo ka cabsanaayo in eey hoos u dhacdo Shacbiyadooda Sport ayey wexeey isku dayaan in eey daboolaan ama inkiraan (Tuug la Qabtay Talo Ma leh)
OGEEYSIIN: Filo goor dhaw warar Sport oo Top News ah iyo weliba Qiso 2-ciyaaryahan oo caan ah dhex martay taas oo ku saabsan ciyaartooydaan mid ka mid ah oo Aroosi lahaa ayaa waxa uu Arooskiisa u baajiyey in uu sugo Saaxiibkiisa kale si eey labada ciyaaryahan hal habeen u wada Aroosaan filo wax yar ka dib warkaas oo wato Video daawasho ah iyo Sawiro Top ah waxaana hada ku socoto Tarjumis.