Jawaabta hal Xiraalaha: Murugada Ivan Klasnic Khabiiradii Sport ee saxay Bilad Dahab ah ayey mudan yihiin, Qisadiisa oo noqotay mid Tiiraanyo xambaarsan. iyo Warar kii ugu dambeeyey ee Horyaalada. (Halkaan ka Daawo Qisada Ivan Klasnic iyo sida uu Dhimashada uga cabsaday) !!
Waxaa Hubaal ah in Akhristayaashii soo saxay Su´aasha ..waa kuma Ciyaaryahanka Laga badalay kelidiisa loona geliyey kali kale oo uusan laheyn?? ineey mudan yihiin ugu yaraan Bilad Sport oo Dahab ah. Sababtoo ah waxa eey ogyihiin in Ivan Klasnic uu yahay ciyaaryahan Murugo, Xanuun iyo Isbitaal soo maray laakiin kuwa aan ogeeyn in Ivan Klasnic ku ciyaaro keli falsho ah oo uusan laheeyn ayeey hada u tahay Mucjiso iyo fakar maadaama uu markii hore u ahaa ciyaaryahan caafimaad qaba oo la mid ah ciyaartooyda kale.
hadaba Jawaabta oo sax ah & Taariikhda Laacibkaan waa tan: Ivan Klasnic waxa uu dhashay 1980-kii, wuxuu ku dhashay magaalada Hambrug ee dalka Germany. Waa weerar, Dhirirkiisa waa 186 cm. Qaranka Croatia/Karoweeshiya waxa uu u saftay 40-kulan wuxuuna u saxiixay 12-Gool. ..St.Pauli 95-kulan ayuu u saftay 26-Gool ayuu u saxiixay. Bremen 151-kulan ayuu u saftay 49-Gool ayuu u dhaliyey. Kooxda Nantes ee Horyaalka Faransiiska 33-kulan ayuu u ciyaaray 10-Gool ayuu u dhaliyey. Ugu dambeentii kooxda Bolton oo uu hada u ciyaaro waxa uu u saftay 27-kulan wuxuuna u dhaliyey 8-Gool.
11-Bilood ayaa waxaa hayey xanuunka Kelidiisa wuuna diiday inuu isqalo, waxaana uu yiri dhimasho ayaa ii dhaanto inaan kelideeyda waayo oo aan gashto mid bug ah . Intaas ka dib Dhaqtarkiisii ayaa tusay in wax walba eey Ok ku dhamaan doonaan lagana doonayo inuu iska daayo Fulaynimadaan 11-ka bilood jirada ku sii siyaadisay.
Markaan waxa uu yeelay Taladii dhaqtarka waana la suuxiyey oo la Qalay , 8-Bilood oo Xiriir ah ayaa ciyaarahana laga mamnuucay.
8-bilood ka dib Garoomada ayuu ku soo laabtay isaga oo fireesh ah qabina wax la yiraahdo Xanuun.
Laakiin ilaa hada ma jirto kulamo uu wada dhameeystay ciyaarihiisa caalamiga ah mana loo ogolo inuu ciyaar dhan wada dhameysto.
Halkaan ka Daawo Cajal Video-ah oo muujinaayo qaabkiisa xiligii uu qaliinka ku soo fool lahaa waxaana uu u maleeyn jiray inuu ku dhiman doono Qaliinkaas: Video-ga Luuqada uu ka bilaabanaayo (Vom Killer zum Phaenomen) waxaa loo la jeeday Kelidii Dilaaga eheed, waxaa eraygaas ku xigi doono 2-maalin kahor markii la qali lahaa Goolkiisii ugu dambeeyey ee uu ka dhaliyey kooxda Cottbus waxaana loo wada maleeyn jiray inuu goolkaas ugu dambeeyn doono uuna ciyaaryahankaan dhiman doono gool dambana dhalin doonin maadaama uu sugaayo Qaliin adag hal mid oo ka mid ah Kelyihiisana eey bur burtay oo Digadaas noqotay.
Nasiib wanaag waa lagu guuleeystay waxaana qorneed inuu maanta Bolton iskaga ciyaaro. Halkaan ka Daawo >>: http://www.youtube.com/watch?v=rwJ5kp2Qy8c.
Hadaba Khabiiradii Sport ee ka soo jawaabay Murugadaan lana socda mar walba dhaq dhaqaaqyada Sport ha ahaadeen Murugo ama ha noqdeen mid Farxadeed ayaa waxa eey magacyadooda kala yihiin sidan:
1-Zakariye Ali Osman (Amiir Zaki)
2-Sharif Hashi Ali (Bolton)
3-C/risaaq Macallin Aadan.
4-Said Hassan Hersi (Khabiir Sport)
5-Qadar Ahmet Mohamed (Qadar Barca)
6-Nuur Shire Rooble (Gunners)
7-Siciid Muuse Cabdi (Anas)
8-C/maalik Yuusuf Macallin (yaaska)
9-Nuur Maxamed Warsame (Jeenyo)
10-Saalax Cabdi Danan (Torres)
11-Raage Nuur Ugaas.(Tevez)
12-Sucaado Cali Kediye (Fabrigas Fan)
13-C/xafiid C/zamad Zaciimka.
14-Nuurdeeq C/kariin Muxudiin (Del Piero)
15-Cadnaan Xassan Xussen (Drogba)
16-Salmaan Bahdoon Faarax (Nani)
17-Raxmo Dirir Cawaale (Raaxo)
18-Cabdi Nageeye Ayaanle (Shoombe)
19-Cabdi Rashiid Rashka.
20-Warsame Nuur Abtidoon (Messi)
21-Maxamed Deeq Cali Cumar (Deeqsom)
22-Liibaan Ereg Qalabxoor (Cr7)
23-Bootaan Cabdi Kaarshe.
24-Fitaax Cabdi Danan(Dalnuurshe)
Fiiro Gaar ah: Seefta Xiriiriye.com waxa eey qaaday 71-Qof oo qaladay Jawaabta. Waxaa liiska laga waayey oo markii ugu horeeysay ku wareeray ciyaaryahankaan kelida laga baday abeeyoow yuu noqon karaa Akhiyaar badan oo hor boodi jirtay Jawaabaha Hal Xiraalaha.. Wexeeyna qaar ka mid ah noo soo direen inuu Kanu yahay halka qaar badan eey ku adkeeysteen inuu Dimitry Berbatov-ka Man Utd u ciyaaro yahay maadaama uu ka yimid dhanka Horyaalka Germany. Raali gelin Ragii uu Xiriiriye.com beerta geliyey ee uu ku adkeeyey Su´aasha Hal Xiraalaha kuwii qalday ee isku dayey ineey ka Jawaaban ama aan si fudud isku dhiibin aad ayaan ugu mahad celineeynaa maxaa yeelay Geesi waa Ma Hare Sport.
Qaar ka mid ah Horyaalada oo la ciyaaray ayaa waxa eey kooxuhu ku kala baxeen qaabkaan.
Kooxda Man Utd oo ilaa daqiiqadii 90-aad wax ka badan 1-1 kaga badin weeysay kooxda Wolverhampton ayaa waxaa halyeey u noqday xiddigooda Qaranka South Korea Park oo daqiiqadii 91-aad ee ciyaarta goolkiisii 2-aad u saxiixay kooxda Man Utd oo tartan weeyn kula jirto sanadkaan kooxaha Walaalaha ah ee ka wada socda Caasimada London waa Fc Chelsea iyo Fc Arsenal. Chelsea ayaa beri waxaa sugaayo kooxda Liverpool oo soo rogaal celisay weliba wada badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeysay.
| Horyaalka: England Premier League |
|
| Bolton - Tottenham |
4:2 |
| Fulham - Villa |
1:1 |
| Birmingham - West Ham |
2:2 |
| Blackburn - Wigan |
2:1 |
| Blackpool - FC Everton |
2:2 |
| Sunderland - Stoke City |
2:0 |
| Man United - Wolves |
2:1
|
| Arsenal - Newcastle |
-:- |
| West Brom - Man City |
-:- |
| 1 |
FC Chelsea |
10 |
8 |
1 |
1 |
27:3 |
24 |
25 |
| 2 |
Manchester United |
11 |
6 |
5 |
0 |
24:13 |
11 |
23 |
| 3 |
FC Arsenal |
10 |
6 |
2 |
2 |
22:10 |
12 |
20 |
| 4 |
Manchester City |
10 |
5 |
2 |
3 |
13:10 |
3 |
17 |
| 5 |
Bolton Wanderers |
11 |
3 |
6 |
2 |
17:16 |
1 |
15 |
| 6 |
Tottenham Hotspur |
11 |
4 |
3 |
4 |
13:14 |
-1 |
15 |
| 7 |
AFC Sunderland |
11 |
3 |
6 |
2 |
11:12 |
-1 |
15 |
| 8 |
West Bromwich |
10 |
4 |
3 |
3 |
14:17 |
-3 |
15 |
| 9 |
Newcastle United |
10 |
4 |
2 |
4 |
19:14 |
5 |
14 |
| 10 |
FC Everton |
11 |
3 |
5 |
3 |
12:10 |
2 |
14 |
| 11 |
FC Blackpool |
11 |
4 |
2 |
5 |
17:23 |
-6 |
14 |
| 12 |
FC Fulham |
11 |
2 |
7 |
2 |
13:12 |
1 |
13 |
| 13 |
Aston Villa |
11 |
3 |
4 |
4 |
10:14 |
-4 |
13 |
| 14 |
Birmingham City |
11 |
2 |
6 |
3 |
12:14 |
-2 |
12 |
| 15 |
Blackburn Rovers |
11 |
3 |
3 |
5 |
11:13 |
-2 |
12 |
| 16 |
FC Liverpool |
10 |
3 |
3 |
4 |
10:14 |
-4 |
12 |
| 17 |
Stoke City |
11 |
3 |
1 |
7 |
10:16 |
-6 |
10 |
| 18 |
Wigan Athletic |
11 |
2 |
4 |
5 |
8:20 |
-12 |
10 |
| 19 |
Wolverhampton |
11 |
2 |
3 |
6 |
11:18 |
-7 |
9 |
| 20 |
West Ham United |
11 |
1 |
4 |
6 |
9:20 |
-11 |
7 |
Horyaalka budesligaha Germany oo la ciyaaray inta badan ayaa kooxuhu waxa eey galabta isku macsalaameeyen sidan:
| Freiburg |
Mainz |
1:0 |
| Mönchengladbach |
Bayern München |
3:3 |
| Hamburger SV |
Hoffenheim |
2:1 |
| Frankfurt |
Wolfsburg |
3:1 |
| Nürnberg |
Köln |
3:1 |
Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da ayaa waxa eey kooxuhu isku arkayaan beri sidan: waxaana ugu kulul Kulanka kooxaha Ifka Dunida iskugu neceb ee Lazio vs Roma. As Roma waxaa ka maqnaan doona Kaptankooda Mr.Totti oo ayaamahan dambe isku badalay Van Damme & Rambo, wuxuuna ka bixi la´yahay Haraanti iyo Rosso.
| 06.11. |
18:00 |
FC Bologna |
2:0 |
US Lecce |
| 06.11. |
20:45 |
Inter Milan |
-:- |
Brescia Calcio |
| 07.11. |
12:30 |
AC Florenz |
-:- |
AC Chievo |
| 07.11. |
15:00 |
Sampdoria Genua |
-:- |
Catania Calcio |
| 07.11. |
15:00 |
Udinese Calcio |
-:- |
Cagliari Calcio |
| 07.11. |
15:00 |
Juventus |
-:- |
AC Cesena |
| 07.11. |
15:00 |
SSC Napoli |
-:- |
FC Parma |
| 07.11. |
15:00 |
Lazio Roma |
|
AS Roma |
| 07.11. |
15:00 |
AS Bari |
-:- |
AC Milan |
| 07.11. |
20:45 |
US Palermo |
-:- |
CFC Genua |
Horyaalka Spain ee La Liga waxaa la ciyaari doonaa kulankiisii 10-aad waxaana Gambar gaaban iskugu fadhiyo oo weliba aad isku neceb kooxaha eey Garoomadooda isku muuqdaan oo markasta Taageerayaashooda is tuuryeeyaan waa Real Madrid Vs Atl.Madrid. Sidoo kale waxaa kulan adag isku arki doono kooxaha waa weyn ee Fc Sevilla Vs Valencia: Kulamada kale ayaa sidaan lagu wadaa in lagu kalo boxo beri.
| 06.11. |
20:00 |
Real Sociedad |
-:- |
Racing Santander |
| 06.11. |
22:00 |
Espanyol Barcelona |
-:- |
FC Malaga |
| 07.11. |
17:00 |
Real Zaragoza |
-:- |
RCD Mallorca |
| 07.11. |
17:00 |
CA Osasuna |
-:- |
Hercules Alicante |
| 07.11. |
17:00 |
UD Levante |
-:- |
Deportivo La Coruna |
| 07.11. |
17:00 |
UD Almeria |
-:- |
Sporting Gijon |
| 07.11. |
17:00 |
FC Villarreal |
-:- |
Athletic Bilbao |
| 07.11. |
19:00 |
FC Getafe |
-:- |
FC Barcelona |
| 07.11. |
21:00 |
Real Madrid |
|
Atletico Madrid |
| 08.11. |
21:30 |
FC Sevilla |
-:- |
FC Valencia |
Filo goor dhaw Barnaamishka La Yaab oo ku saabsan maanta Weeraryahan caan ah oo lagu daray liisa Ciyaartooyda Sigaarka cabta, halka uu arinkaas ka inkiray, wariyihii sawirayna hawada u soo mariyey haduu mar dambe agtiisa ku arko in uu dhulka ku jiidi doono..... iyo Barnaamishka Ku biiri aqoontaada Sport oo ku saabsan Jaraaidkii dhanka quruxda u qaaday 44-ka ciyaaryahan tan ugu qurxoon gabdhaha la saaxiibada ah oo guusha siiyey ciyaaryahan caan ah oo ka ciyaara horyaalka Ingiriiska . Guushaas ayaa ah mid eey u qalantay in la siiyo Gabadhaas wuxuuna Xiriiriye.com ku raacsan yahay Natiijadaas saxda ah..Filo wax yar ka dib Sawiro & Video-yaal Daawasho ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com