Weeraryahanka Qaranka Holland & kooxda Fc Schalke Klaas Jan Huntelaar oo Xaflaad heer sare ah la dhigtay Ciyaartooyda Qarankiisa iyo kuw kooxdiisa ka dib markii uu si Sharaf leh ku soo qaaday Gooldhalinta Isreebreebkii Euro 2012-ka ,*Akhri Taariikhdiisa oo kooban & Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa Daawo (Halkaan kala soco Liiska Sideedii Ciyaaryahan ee ugu Goolasha batay EURO-Quali 2012 & Dalalka eey u dhasheen) .
Weeraryahanka Qaranka Holland & kooxda Fc Schalke Klaas Jan Huntelaar ayaa waxa uu noqday Xiddigii ugu Nasiibka badnaa Isreebreebkii Qaramada dalalka Yurub eey ugu soo baxayeen Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2012 oo sanadka dambe bisha Juun ilaa bisha Juulay lagu qaban doono dalalka Poland iyo Ukrain oo si wada jir ah u marti galiyey.
Klaas Jan Huntelaar wuxuu Gooldhalintaan ku qaaday 12-Gool wuxuuna Xaflad heer sare ah la soo dhigtay Qarankiisa Oranjiga Holland halka Taageerayaasha kooxda Fc Schalke eey ku soo dhaweeyeen Dabaaldeg xambaarsanaa waxa loo yaqaan (Partiga).
Weeraryahan Klaas Jan Huntelaar wuxuu ku dhashay 12-kii bishii Agoosto sanadkii 1983-kii Magaalada Voor-Drempt oo ku taal dalka Holland. Klaas Jan Huntelaar Neenaasta qaaska ah ee dalka Holland/Niederland looga yaqaan waa (The Hunter) Magaciisa oo buuxana waa Dirk Klaas-Jan Huntelaar .
Xiddigaan kooxaha uu u soo ciyaaray wexeey kala yihiin AC Milan, Real Madrid, Ajax Amsterdam , SC Heerenveen, AGOVV, De Graafschap, PSV Eindhoven iyo Fc Schalke oo uu hada Weerarka kala Ciyaaro Laacib Raul Gonzales Blanco (Ex-Real Madrid iyo Spain Player) Halkaan ka Daawo Qaar ka mid ah goolashii Hunterlaar kuwii ugu wanaagsanaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=2PMi5emuuXs.
LIISKA 11-Ciyaaryahan oo ku tartamayey Gooldhalinta ama Xiddigaha ugu qatarsanaa Isreebreebka Euro 2012-ka wexeey Qaramadooda goolasha ugu kala dhaliyeen sidan :
1-Klaas Jan Huntelaar (Qaranka Holland 12-Gool). 2-Miroslav Klose (Qaranka Germany 9-Gool). 3-David Villa (Qaranka Spain 7-Gool). 4-Mikael Forsell (Qaranka Finland 7-Gool). 5-Antonio Cassano Qaranka Italy 6-Gool). 6-Mario Gomez Qaranka Germany 6-Gool) 7-Dirk Kuyt Qaranka Holland 6-Gool). 8-Henrikh Mkhtariyan (Qaranka Armenia 6-Gool) 9-Gergery Rudolf (Qaranka Hungary 6-Gool). 10-Robin Van Persia (Qaranka Holland 6-Gool). 11-Cristiano Ronaldo (Qaranka Portugal 5-Gool).
WARGELIN MUHIIM AH : Fadeexo lagu dhigay Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo dad badan ka yaabsatay ka filo Warar keena ugu soo horeeya haduu alle idmo.