Frederic Omar Kanoute " Waan la socdaa inaan France ku dhashay laakiin Dhiigeeyga waa Maali ifkana waxaan ugu Jeclaan lahaa Falastiin oo Xor noqota (Wareeysi Top ah By Canal Plus),,* Weeraryahan Kanoute oo Jaceylkiisa Falstiin Qarsan waayey kana sheekeeyey laacibiinta Caalamka kuwii uu Xajka kula kulmay (Daawo muqaalo badan oo Xiriiriye.com uu soo aruuriyey) !!
Barnaamishka Xiisaha badan ee Today And Player oo Isbuuc walba ka baxa Tv-ga dhanka Sportiga ugu caansan dalka Faransiiska waa Canal Plus ayaa Isbuucaan waxa uu noqday mid xiiso gooni ah xambaarsan .
Canal Plus oo Isbuuc kasta Laacibiinta ugu caansan Caalamka wareeysiyo kala duwan la yeesha waxaa markaan wareeysi Top ah in la la yeesho Nasiib u yeeshay Weeraryahanka Qaranka Maali iyo Kooxda FC Sevilla ee Horyaalka Spain Frederic Omar Kanoute .
Tv-ga Canal Plus ayaa waxa uu sheegay sababta eey Wareeysiga Ciyaaryahan Kanoute u soo dadajiyeen ineey tahay Xiddigaan oo kooxdiisa Isbuucaan Guul muhiim ah u horseeday iyo isaga oo ah Laacib jecel ama ku dabaal dega marka uu Gool dhaliyo Funaanad uu hoos kala soo baxo taas oo eey ku qoran tahay (Falastiin Ha Xoroowda) oo afka English-ka iyo Carabiga ah. Halkaan ka Daawo Kanoute oo markii 3-aad la xaqiijiyey inuu Funaanada Falastiin ku dabaal degay inkastoo xiriirka dalka Spain eey ka hor istaageen http://www.youtube.com/watch?v=h41tHSlyNTw .
Arinta ugu yaabka iyo qosolka badan wexeey tahay Weeraryahanka Qaranka Reer Brazil Luis Fabiano oo mar kasta ku dhega xiliga uu Kanoute Goolka dhaliyo laakiin ma oga inuu Kanoute Falstiin iyo Qoraal rabo inuu Saxaafada ama Kaamariistayaasha tuso.
Su´aasha ugu horeeysay ee uu Canal Plus weey diiyey Weeraryahan Frederic Omar Kanoute wexeey eheed sababta uu ugu Ciyaari waayey isaga oo ku dhashay dalka Faransiiska maadaama Ciyaartooyda kale ee Qaarada Afrika kuwooda ku dhasha dalka France eey intooda badan u saftaan Qaranka France wuxuuna ku Jawaabay ama wareeysiga oo dhameeystiran u dhacay sidan :
Frederic Omar Kanoute" Waan la socdaa inaan France ku dhashay dhiigeeygana waa Maali laakiin taas badalkeeda ma ahan inaan France necbahay (Respect) ,,
Canal Plus " Imisa sano ayaad u ciyaareeysay Fc Sevilla, wax ma nooga sheegi kartaa inta Gool ee aad u dhalisay?
Frederic Omar Kanoute" Haa, 2005 ayaan ku soo biiray anoo xiligaas ka imid dhanka kooxda Tottenham waxaana 154 kulan oo aan u saftay u saxiixay 72-gool,,
Canal Plus " Waxaad mararka qaar la soo baxdaa ama ku Dabaal degtaa Funaanad eey ku qoran tahay Free Falastiin, waa maxay sababtaas maadaama aad u dhalatay France iyo Maali?
Frederic Omar Kanoute" Qof kasta oo Dunidaan ku nool Fikrad qaas u ah wuu qaadan karaa laakiin aniga Shaqsi ahaan Ifka waxaan ugu jeclaan lahaa inaan Indhaheeyga ku arko Shacabka reer Falastiin oo Xor ah,,
Canal Plus " Xiriirka Kubada cagta ee dalka Spain ma kala kulantay wax cadaadis ah oo arintaan kaaga yimaada maadaama Siyaasada iyo Sportiga la kala mabnuucay?
Frederic Omar Kanoute" Markii 1-aad maya laakiin markii 2-aad ayeey Ganaax iigu hanjabeen waxaana arintaas igala hadlay Tababaraha iyo Maamulka Fc Sevilla,,
Canal Plus " Intii aad Fc Seville u ciyaareeysay wax Lacag ah ma ugu yaboohday dadka Falastiiniyiinta?
Frederic Omar Kanoute "Haa ,Lacagata qaaraanka ah ee Xajka loogu aruuriyo Sanad walba ayaan qeeybteeda ka dhiibtaa,,
Canal Plus " Xajka weli ma tagtay Shaqsi ahaan ?
Frederic Omar Kanoute " Ka soo biloow 2003 ilaa hada oo 2011 lagu jiro Sanad kaste ayaan tagaa,,
Canal Plus " Ciyaartooyda Caalamka ma jiraan qaar aad ku aragtay ama kula kulantay Xajka?
Frederic Omar Kanoute " Haa Laacibiin badan oo aan inta lagu soo koobi karin,,
Canal Plus " Wax ma nooga sheegi kartaa?
Frederic Omar Kanoute " Dabcan, Kaptanka Masar Ahmed Hassan,Frank Bilal Ribery (Fc Bayer Munchen) Hamit Altintop (Real Madrid) Nicolas Anelka (Fc Chelsea) Mohamed Sissoko (Paris Saint Germain) Eric Bilal Abidal (Fc Barcelona) iyo kuwo kale oo fara badan,,
Canal Plus " Horyaalka Spain kaalintee ayaad hada kaga jirtaan?
Frederic Omar Kanoute " Waxaan uga jirnaa kaalinta 4-aad,,
Canal Plus " Malaga yaabaa inaad qaadaan?
Frederic Omar Kanoute " Wax kaste waa suurto gal, hadii uu Alle idmo waxaan rajeeneeynaa inaan boos wanaagsan ka galno kaalimaha ugu horeeya,,
Canal Plus " Aad ayaad ugu mahad santahay Qadarinta aad na siisay waxaana kuu rajeeneeynaa guul iyo horumar dhanka Gooldhalinta ah.
Frederic Omar Kanoute " Mahadsanidiin , Adinka ayaa mudan,, .
(Fiiro Gaar ah : Sawirada Mucjisooyinka Laacib Kanoute iyo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa ka Daawo boga hore ee Xiriiriye.com)
Ciyaaryahan Frederic Omar Kanoute wuxuu ku dhashay 2. Septembr 1977-kii Magaalada Sainte-Foy-les oo daris la ah ama ku dhegan magaalada caanka ah ee Lyon wuxuuna horay ugu soo ciyaaray kooxaha kala ah Lyon,West Ham Utd,Tottenham iyo hada oo dhanka weerarka uu kaga Ciyaaro kooxda Fc Sevilla oo ka dhisan Horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Kanoute waxa uu ku jiraa Laacibiinta Caalamka kuwooda mar kasta Cibaadeeysta oo xitaa mararka qaar goobaha Tababarka kooxda uu ka socda Salaada iska dhex xirta sida Laacibiinta kala ah Bilal Ribery,Mesut Özil iyo Eric Abidal.
Weeraryahan Frederic Omar Kanoute xili eey Qaranka Faransiiska aad ugu baahnaayeen waxa uu ka doortay inuu u Ciyaaro Qarankiisa hooyo oo ah dalka Maali wuxuuna 40-kulan oo uu saftay u saxiixay Qaranka Maali 25-Gool. Halkaan ka Daawo Goolashii ugu badnaa uguna Wanaagsanee ee uu Kanoute Shabaqa kooxaha ka soo horjeedo ku luxo http://www.youtube.com/watch?v=zNnf-6kHflc
Kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka Spain oo dhacay shalay wexeey kooxda Fc Seville 1-0 ku suuldaartay kooxda Real Sociedad waxaana Goolkaas Guusha u saxiixay Weeraryahan Frederic Omar Kanoute oo inta badan aan Garoonka ka bixin Gool la´aan.
Arinta Dabaal dega Funaanada Falastiin waxaa ilaa iyo hada si toos ah Kanoute ugu dayday oo Al.Jazeera laga soo daayey Laacibka Qaranka Masar ee ku taqsuusay gamista Bilisioonka waa Mohamed Aboutareka oo xagaaga soo socda ku soo jeeda kooxda Fulham Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=53ju11p4Y18&feature=related .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com