Intii la socotay Barnaamishka Dhiibo Codkaaga waxaanu maanta idiin heeynaa Codsiyo fara badan ka dib in la kala saaro Labadaan Ciyaaryahan ee Arjen Robben & Cristiano Ronaldo oo labaduba wax weyn ku soo kordhiyeen Kooxihii eey ku soo biireen dhawaantan ee Horyaalkii tagay.
Arjen Robben waxa uu kooxda Bayer München keenay ilaa Fiinaalaha The Uefa Champions League, wuxuu kaloo la qaaday oo wacdaro ka muujiyey Horyaalka jarmalka & Koobka Germany inkastoo hada uu dhaawacan yahay.
Cristiano Ronaldo Real Madrid & Horyaalka Spain asaga oo cusub ayuu hadane wacdaro ka dhigay oo mar kasta gool u dhalin jiray inkastoo horyaalka eey kooxda Barcelona dirqi uga qaaday kooxdiisa Real Madrid.
Waxaa xusid mudan Ciyaaryahanadii kale ee isku waqti la soo gaday iyaga iyo Cristiano Ronaldo lama eeynan qabsan horyaalka Spain waxaana Ciyaartooydaas ka xusi karnaa Ricardo Kaka iyo karim Benzema halka C.Ronaldo uu ciyaar kasta cel celis ahaa.
Bahda Jecel ama la socotay (Barnaamishka dhiibo codkaaga adoo daacad ah ) ayaa waxaan ka cod saneynaa ineey si xaq iyo geesinimo ah u dhiibtaan codkooda adinka oo si wanaagsan u daawan doona Xirfadaha eey is dheer yihiin labadaan Laacib ee C.Ronaldo & Arjen Robben oo aan idiin diyaarinay.
Taageerayaal aad uga dambeeya Cristiano Ronaldo ayaa waxa eey na soo gaarsiiyeen E-mailo eey uga cabanayaan in Cod bixinta eeysan si daacad ah u dhici doonin oo sida eey qabaan sheegay in Taageerasha Lionel Messi iyo kuwa Franky Ribery eey Robben codka ugu shubi doonaan, wexeeyna taas kala jeedeen in Ribbery iyo Robben saaxiibo yihiin weliba isku koox ah halka Taageerayasha Leo Messi eey aad isku neceb yihiin kuwa Cristiano Ronaldo cabsan.
Cod bixinta & Doorashada oo aan horay u sii shaacinay ineey dhawaan dhici doonto ayaa Arinkaan eey dhibaatada ka sheegteen Taageerayasha C.Ronaldo waxaan rajeeneynaa inuusan dhicin haduu alle idmo bahda www.xiriiriye.com waxa eey mar labaad ka cod sanayaan Aqiyaarta ku xiran Barnaamish-kaan dhiibo codkaaga ineeysan wax Musuqmaasuq ah sameeyn oo Daacad ka ahaadaan ninka farsamo badan labadaan Laaciib ee Taageerada weeyn ku leh Maslaxa kubada cagta ee caalamka.
Doorashada waxa eey bilaabatay Jimce 3.9.2010, wexeeyna socon doontaa ilaa Jimcaha dambe 10.9.2010 haduu alle raali ka noqdo markaas ayaanu tirineynaa labada laacib sida eey codka u kala heleen ama u kala guuleeysteen.
OGEEYSIIS-Dhiibo codkaaga ayaa Ciyaartooyda kale ee dhiman sidan isku arki doonaan , Didier Drogba Vs Weyne Rooney, Luis Nani Vs Fernando Torres, Samuel Eto´o Vs David Villa, Lionel Meesi Vs Wesley Sneijder, Frank Ribery Vs Ricardo Kaka, Zlatan Ibrahimovic vs Diego Forlan, Frank Lampard vs Bastian Schweinsteger, iyo ugu dambeentii Robinho vs Sergio Aguero !! .
Bal Akhristoow waxaad Cod kaaga noogu soo dirtaa halkaan hoose adoo Daacadnimo iyo Geesinimo Sport xambaarsan