 |
|
 |
kalabax |
 |

Jawaabtii Hal xiraalihii toddobaadkii hore iyo intii Khabiir Sport ee kasoo jawaabtay, Ka faa'iideyso su'aasha Hal xiraalaha Cusub oo Khabiiro badan eey Daaqada ka bixi doonaan ama Rigooreyaal lagu reebi doono !! Waxaanu halkaan idinkugu heeynaa Magacyada Asxaabtii Ciyaaraha u jalbeeysneed ee sida deg dega ah uga soo jawaabtay Ciyaaryahankii dhulka jiifay ee aanu soo bandhignay cida uu yahay , kooxda uu u dheelo iyo qaranka uu u safto. Ugu horeentii waxaan ka xunahay E-mailo fara badan iyo Magacyo la isdaba mariyey ama qaldamay inaanu soo daabici weeyno maadaama qaladaad yar yar uu ku jiray Jawaabta, kaas oo u badnaa Ciyaaryahanka Qarankiisa dad iloobay ama Kooxda uu hada u dheelo qalday. Dadka ayaa inta badan waxa eey ku qaldameen Funaanadiisa oo Fc Liverpool eheed. Jawaabta oo sax ah ayaa waxa eey tahay sidan: Laaciibka magaciisa waa Javier Alejandro Mascherano, waxa uu u dheeli jiray Fc Liverpool, hada waxa uu u ciyaaraa Fc Barcelona. Qaranka uu u safto waa Argentina. (Hoos kala soco Hal Xiraalaha Cusub ee Maanta oo ah Only 1-Su´aal balse wax yar ka adag tii hore, waxaana Jawaabteeda soo bandhigeeynaa haduu alle idmo Maalinta Qamiista 21.10.10) Halkaan ku dir Jawaabtaada : xiriiriyesports@hotmail.com Hadaba Khabiiradii sida saxda ah uga soo wada Jawaabay Hal xiraalaha ee u maray qaabka Sharciyada Sportiga ee caalamka ayaa kala ah sidan: 1-Axmed Allaqaboow Cumar (Axmed Yare) 2-Yuusuf Xusseen Cismaan (Caga Cade) 3-Hanad Eric Contona. 4-Luul Yabaroow Wiish (Luuleey) 5-Zakariye Cali Cusmaan (Amiir Zaki) 6-Maxamed Jaceeloow Qeeys (Moo) 7-Abuukar Dirir Nuur (Rooboow) 8-Ismahaan C/Laahi Rooble (Iska) 9-Nuur Cabdi Macalin (Nuurkeey) 10-Guuleed Kamal Gacal (Del Piero) 11-Cabdull Barre Cirbad(Olympic) 12-Raage Axmed Naaleeye. 13-Saadaq Cali Abtidoon. 14-Nuurdeeq Muxyadiin C/kariin (Juve Boy) 15-Bootaan Raage Cali (Kaskeey) 16-Maxamed Deeq Wehliye Cabdi (Wiire) 17-Salmaan Bahdoon Faarax (Nani) 18-Cumar Aadan Kadiye (Madka) 19-Cadnaan Xassan Xussen (Drogba) 20-C/qani Isxaaq Fiidoow (Sneeijder) 21-Rooble Maxamed Kheeyre (Lampard) 22-Aniso Xassan Hiloowle. 23-Muudeey Deeroow Cabdi (Arsenal Boy) 24-C/Kariin Axmed Cali (Xuu Dheere) 25-Saxar Cabdi (Aaba Juure) 26-Ceydiid Cali Maxamed (Ceeyga) 27 Nuur Maxamed Cabdi. (Nuune) 28-Farxiyo Cabdi Liibaan (Pirlo) 29-Maxamuud Kaarshe Ceeblaawe. 30-Hanad Diirshe Maxamed (Rooneey) 31-Xussen Wehliye Odawaa. 32-Xaaji Fiidoow Cali (Buffon) 33-Liibaan Cabdi Iiman. 34-Anas Diirshe Cabdi (Chelsea Boy) 35-Faarax Xaaji Rooble (Niikiyoow) 36-Cabdi Xafiid Maxamed Ceeblaawe (Xiriirye Fan) 37-Zamzam Bootaan Hanuuniye. 38-Maxamed Cabdi Geelle. 39-Duraan Cali sheegoow (ManU) 40-Warsame Fiidoow Wardheere (Xavi) 41-Cabdi Kaafi Hiloowle Nuur (Forza Juve) 42-C/raxmaan Axmed Lugeey. 43-Saadaq Faarax Muumin (Beello) 44-Bashiir Cabdi Yaasiin (Duraan Yare) 45-Siciid Muuse Cabdi (Anas) 46-Rooble Cali Fiidoow (Alaska) 47-Haboon Maxamed Dayacoow. 48-Burhaan Cabdi Gaashaan (Totti) 49-C/rashiid Maxamed Shiikheey (Al.Faghi) 50-Anas Xussen Iimaan (Fabrigas) 51-Fitaax Kooshin Nuur ( Liverpool) 52-Bashiir Maamaa Baarigii Warta (Ac Milan) 53-Suufi Maxamed Isxaaq. 54-Shaafici Booroow Xassan (Boorka) 55-Naciimo Cabdi Kheeyre (Nacfi) 56-Haashim Cawaale Abdidoon (Haskey) 57-Cali Cabdi Barqadle (Messi) 58-Yoonis Awaare Cali (yuu) 59-C/nuur Cali Xussen (Taayoow) 60-Bootaan Nuuriye Maxamed (Nedved) 61-Maxamed Deeq Cali Cumar (Deeqsom) 62-Ceendaruus Cabdi Leex Leex (Xaayoow) 63-Jaamac Xassan Cabdale (Nasri) 64-Cabdi Maxamuud Ilka Casse. 65-Dayax Cabaas Nuuroow. 66-Asmo Maxamed Awreeye (Ronaldo) 67-Daud Abtidoon Weeroow. 68-Xussen Maxamed Cabdi. 69-Kaahin Aadan Diiriye (Real Boy) 70-Liibaan Ereg Qalabxoor (Cr7) 71-Bilaal Xasan Xussen (Baari) 72-Cali C/kariin Naaleeye. 73-Maxamed Amiin Iimaan Wardheere (Barcelona) 74-Shuceeyb Cali Xussen (Anelka) 75-Qadar Xussen Xagar (Ribery) Mar labaad aad iyo aad ayaan uga xunahay Akhristayaashii eey wax ka kala qaldameen ee aanu Magacyadooda soo bandhigi weeynay ! Hadaanu u gudo galno Hal Xiraalaha Maanta o laga yaabo qaar badan oo Ahristayaasha ka mid ah inuu la fududaado qaar kalena eey si fudud Daaqada uga baxaan oo Tartanka Tariinka eey ka haraan ayaa waxa uu yahay sidan : Waxaad Sheegtaa Ciyaaryahanka Dunida ugu Qaalisan? Iska jir haku qaldamin inuu yahay Laacib Cristiano Ronaldo. Laaciibkaan waa Ciyaaryahan caan ah oo dhoor kooxood isku soo maray marka la isku daro kooxaha uu soo maray iyo Cadeenta beeca Lacagihii lagu iibsaday ayaa waxa eey kor u dhaaftay Beeca iyo qiimaha uu ku fadhiyo Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo isna ilaa iyo hada 2-kooxood isku maray. Laacibkaan oo u dheelo Naadi caan ah ayaa waxa laga yaqaan dhamaan dunida oo idil. Qiimaha Lacagta uu ku fadhiyo marka la isku daro waa sidan: 128,86-Milyan oo Euro. Laacib Cristiano Ronaldo ayaa Beeciisa waxa uu yahay marka dhamaan la isku daro sidan: 111,5 oo ah 17,5-Milyan oo Man Utd uga soo iibsatay Kooxda Sporting Lisbon ee Horyaalka Portugal Sanadkii 2003 . Halka Man Utd eey Real Madrid uga sii iibsatay Laacib Cristiano Ronaldo 94-Milyan oo Cash ah. Akhristihii sheego Laacibka marka la isku daro kooxihii uu soo maray qiimihiisa uu ku fadhiyo 128,86 Euro waxaa iska cad inuu yahay Khabiir Sport oo Xaalada Ciyaaraha sida www.xiriiriye.com isha ku haya hadba meelaha eey wax marayaan, wuxuuna Xiriiriye siin doonaa xushmad gooni ah . Jawwaabta Hal Xiraalaha iyo Cadeenta Qiimaha Lacagtaan ee ciyaaryahankaan caanka ah waxaanu soo deen doonaa maalinta Qamiista 21.10.10 haduu alle Raali ka noqdo (Halkaan ku dir Jawaabtaada xiriiriyesports@hotmail.com) . Waad Mahadsantihiin dhamaantiin intii halganka Ciyaaraha ka qeeyb qaadatay. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|