LA YAAB : Ciyaaryahan Ricardo Izecson dos Santos Leite KAKA oo diiday inuu qaato ama dib ugu soo laabto Okiyaalka Caafimaadka Indhaha iyo Dhaqtarkiisa oo sheegay inuusan ka bixi doonin Madax xanuun iyo wareer joogta ah (+ & Warar kale World Sport News Halkaan ka Daawo).
(BARAAMISHKA LA YAAB SPORT & WAR BIXIN TARJUMAN) Xiddiga kubada cagta ee kooxda Real Madrid & Qaranka Brazil Ricardo Izecson dos Santos Leite KAKA ayaa si buuxdo u diiday in uu mar kale dib ugu soo laabto qaadashada Ookiyaalaha Caafimaadka Indhaha oo eey Soomaalidu u taqaan (Labo-indhoodka).
Ricardo Izecson dos Santos Leite KAKA wuxuu Ookiyaalahaan xiran jiray ama ku qasbanaa inuu qaato xiligii uu u ciyaari jiray kooxda Sao Paulo ee horyaalka dalka Brazil wexeeyna eheed laga soo bilaabo sanadkii 2001 ilaa 2003.
Dhamaadkii 2003 oo uu KAKA ku soo biiray naadiga AC Milan wuxuu bilaabay ama joojiyey qaadashada Ookiyaalaha Caafimaadka wuxuuna taas badalkeeda u is ticmaalay inuu qaato Kaniiniga ka hor taga Madax xanuunka & wareerka joogtada ah.
2006 ilaa hada oo lagu jiro 2011 Ciyaaryahan Ricardo Kaka wax Kaniini ah uma isticmaalin dhanka Caafimaadka Indhihiisa balse hada oo uu dib iskugu arkay Madax xanuunkii & Wareerkii uu horay u qabay waxaa si deg deg ah Ookiyaalihiisii hore ugu soo qoray ama kula taliyey inuu qaato dhaqtarkiisa cusub ee kooxda Real Madrid oo Ricardo Kaka u shegay qaadashadaa Kaniiniga faraha badan uu leeyahay caafimaad daro gadal ka imaan karta.
Ciyaaryahan Ricardo Izecson dos Santos Leite KAKA waxaa heeysata (labo daran mid dooro) oo macnaheedu yahay inuu xirto Ookiyaalkiisii hore inta aan ka aheeyn xiliga Tababarka ama uu Ciyaaraayo .
Ricardo KAKA ayaa la sheegay inuu labadaba hada diidan yahay balse eey danta ku qasbi doonto sida uu Dhaqtarkiisa sheegay. Kaka oo u yimid kooxda Real Madrid sanadkii 2009 wuxuu 37-kulan oo uu saftay u saxiixay 15-Gool.
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SO GAARAYAAN SIDAN:
Kooxda As Roma ee horyaalka Talyaaniga ayaa noqotay Nadigii ugu dambeeyey ee ka faaideeysta Bililiqada lagu hayo Ciyaartooyda kooxdii weeyneed ee RIVER PLATE oo isbuucii la soo dhafay gashay ama loo celiyey Horyaalka serie B-da dalka Argentina.
Roma ayaa 20 Milyan oo Euro kula soo wareegtay Xiddigii ugu laacibsanaa dhanka qadka dhexe ee kooxda RIVER PLATE waa Ciyaaryahan Erik Lamela oo 19 jir ah.
*** Waxaa xal loo helay buuqii ka dhex taagnaa kooxda Hambrug ee horyaalka dalka GERMANY iyo Xiddigii hore ee Qaranka reer Brazil Ciyaarahan ZE Roberto. Kooxda Hambrug oo Ze Rberto keeydka Binjiga walaal uga dhigtay ayaa hadane wexeey biloowday ineey Xiddigaas u kordhin weeyso Qandaraaska uu kooxdaas kula joogo waxaana furka tuurtay oo u cuntami weeysay sheekadaas ciyaaryahan Ze ROBERTO oo si deg deg ah uga tagay kooxda Hambrug kuna biiray AL Gharafa oo ka dhisan horyaalka dalka Qatar.
Ciyaaryahan Ze Rberto hada waa 37-jir wuxuuna kooxda AL Gharafa ee horyaalka dalka Qadar u saxiixay qandaras 2-sano ah.
*** Laacibiinta cusub ee Qaranka Brazil ayaa lagu eedeeyey ineey kubada isla qabsan la´yihiin koobka Qaarada Laatiin America oo si xiiso leh uga socda dalka Argentina. Qaranka Brazil oo heeysta Koobka Addunka 5-jeer Ciyaaraha kubada cagtana looga dambeeyo wexeey hada ciyaaraha Copa America ee ka socda dalka Argentina ka bixi la yihiin Bareejooyin nuuca loo yaqaan Jahwareerka.
Brazil kulankii ugu horeeyey ee Copa America wexeey 0-0 la dhafi weeysay xulka Qaranka Venezuela oo aan xisaabta ciyaarahaba ku jirin balse kulankii 2-aad ayeey bareejo 2-2 ah wexeey si dirqi ah uga fakadeen xulka Qaranka Paraguay oo mar kasta Laacibiinta Brazil qoorta u gala.
Ciyaartooyda Goolasha u kala dhalisay labada xul ayaa wexeey kala yihiin sidan , Paraguay. Santa Cruz (Daqiiqadii 55-aad), Nelson Valdez (Daqiiqadi 67-aad). Xulka Brazil waxaa labada gool ee Bareejada ah u kala saxiixay Laacibiinta lagu kala magacaabo Jadson (Daqiiqadii 39-aad) iyo Fred (Daqiiqadii 90-aad). Ciyaartaan wexeey ka dhacday magaalada Cordoba ee dalka Argentina gaar ahaan Garoonka caanka ah ee Laciibinta dalka Argentina ka yimaadaan waa Mario-Alberto-Kempes-Stadium. Halkaan ka Daawo ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=_G9NaDvb8FQ .
Guruubka eey ku jirto Brazil oo Guruub B ah wexeey kooxaha u kala horeeyaan sidan :
1.
Venezuela
2
1
1
0
1:0
4
2.
Brasil
2
0
2
0
2:2
2
.
Paraguay
2
0
2
0
2:2
2
4.
Ecuador
2
0
1
1
0:1
1
Kooxdii ama Qarankii qaado Koobkaan xiisaha badan ee (Copa America 2011) wexeey si toos ah uga qeeyb gali doonaan Koobka Confederations Cup oo bisha Juulaay ee sanadka 2013 lagu qaban doono dalka Brazil.
Xiddiga kooxda Tottenham iyo Qaranka Croatia Luca Modric wuxuu markiisii 3-aad ku celiyey inuu jeclaan lahaa ku biirista kooxda Fc Chelsea ee ka dhisan caasimada dalka Ingiriiska ee London. Luca Modric waxaa aad u doonaya kooxaha Inter Milan & Manchester Utd.