Xiriiriye & Hal Xiraalaha Cusub ee Todobaadka : Waxaad sheegtaa Ciyaartii uu Laacib Samuel Eto'o gacantiisa uu garaacay xili uu kooxda Barcelona Gool u dhaliyey & Natiijadii eey ku dhamaatay? (Akhri War bixinta si Jawaabtu kuugu fududaato)
Hal Xiraalaha www.xiriiriye.com ayaad moodaa in uu marba marka ka dambeeyso aad u sii kululaanaayo inkastoo eeysan waxba u arag Kuleelkaas Khabiiro badan oo ku xiran Shabakada Sportiga ee Xiriiriye maadaama eey Har & Habeenka dhanka Ciyaaraha xaadir u ahaayeen oo weliba waqti dheer u huray sidii eey ula socon lahaayeen waxa Maslaxa ciyaaraha ku soo kordha.
Hadaba Su´aasha maanta aan idiin soo bandhignay oo ka timid Barnaamishka Taxanaha ah ee Hal Xiraalaha Xiriiriye ayaa waxa eey tahay sidan:
Sida aan la socono Weeraryahan Samuel Eto'o marka uu goolasha dhaliyo waxa uu u dabaal degaa inta badan isaga oo Taageerayaashiisa inta hor tago ka dibna Askari camal salaan u dhiibo isaga oo ula jeedo in eey Taageerayaasha yihiin Madaxweyne ama Saraakiil sare.
Waxaad sheegta Ciyaar caan ah sida Sawirka sare kaaga muuqato oo uu inta gool qurux badan dhaliyey Samuel Eto'o xiligii uu Barcelona u ciyaarayey ka dibna Gacantiisa garaacay arinkaas oo eey Saxaafada Caalamka qaar ku sheegeen inuu ula jeeday Midabkiisa Madoow?
Fadlan ka fiirso Jawaabta adoo ku deg degin waxaana lagaa doonayaa oo kaliyah Ciyaartaas mida eey eheed iyo Natiijadii eey ku dhamaatay (Mahadsanidiin dhamaan intii Illaaheey uu Sportiga baray kuna soo jeediyey wanaaga iyo Nabada. Soo Raaci Magacaaga oo Sadexan iyo hadaad Neenaas leedahay ama Kooxaha Horyaalada mid ka mid ah aad jeceshahay.
Waxaanu soo bandhigeeynaa Jawaabta Hal Xiraalahaan hadii uu Alle idmo maalinta Axada ah gaar ahaan Galabteeda ee bishu tahay 24.10.10. Lana soco in Khabiirada markasta ka soo Jawaabto Su´aalahaan adag in eey goor dhaw hogaanka Dhibcaha dadka ugu Jawaabaha saxda badan u qaban doonaan.. Waa markii uu Hal Xiraalaha Tobaneeyo cagta saaro. Halkaan ku soo dir Jawaabtaada: xiriiriyesports@hotmail.com