Nin buuran oo inta Ampulace lagu doonay markii la qaadi waayey Wiish loogu yeeray (Halkaan ka Daawo Yaabka dhacay)
Nin lagu magacaabo Jurgen oo Miisaankiisa lagu sheegay 260 Kiilo Gram ayaa xili uu xanuun ku soo booday waxaa lagu doonay Gawaarida deg dega ah ee loo yaqaan Ampulace-ka oo aalaaba Dadka jiran soo gaarsiisa goobaha Caafimaadka.
Ninkaan oo 33 jir ahaa waxaa la garan waayey si loo qaado laguna gaarsiiyo Isbitaalka maadaama uu aad u buurnaa balse Dhaqaatiirtii Ninkaan buuran Gawaarida Ampulace-ka ah ku doontay ayaa dalbaday Caawinaad wexeeyna u yeereen Wiish kaas oo ugu dambeeyntii suurto galiyey in Ninkii buurnaa Wiishka lagu soo qaado.
Arintaan yaabka ah ayaa wexeey ka dhacday Magaalada Tulln oo ku taal dalka Austria