|
Jupp Heynckes , Rugcadaa Sanooyin badan ka dib ku soo laabtay kooxdii u baahneed (Maxaad ka Taqaan Taariikhda Jupp Heynckes waa nin Ceenkaa ah? )
|
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Bayern Munchen ayaa shaacisay in Tababare Jupp Heynckes uu dhankooda u soo waregay. Masuulka kooxda Fc Bayern Munchen ciyaartooyda u soo iibiyo ninka lagu magacaabo Mr. Karl-Heinz-Rummenigge ayaa xaqiijiyey warkaan waxaana maalintiiii Insniinta eheed aanu xiriirieye.com ku soo bandhignay doonista Fc Bayern Munchen oo xiligaas qarka u saarneed ineey hesho Mr. Heynckes .
Tababare Heynckes 1974-tii xiddig iyo ciyaaryarahan labadaba wuu isku ahaa (1972 waxa uu heeysta koobka Qaramada Yurub, kooxda Borussia Mönchengladbach 4-jeer ayuu horyaalka jarmalka u qaaday wexeeyna kala ahaayeen sanadahaas (1971, 1975, 1976 iyo 1977), sidoo kalel UEFA-Cup- ayuu (1975) qaaday wuxuuna ku darsaday koobka jarmalka oo lagu magacaabo DFB-Pokal (1973) . Gool dhalinta Horyaalka Germany wuxuu ku guuleeystay sanadihii (1974, 1975).
Jupp Heynckes wuxuu Qaranka Jarmalka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan DFB u soo saftay 39-jeer wuxuu u soo kala ciyaaray kooxaha kala ah Athletic Bilbao, Frankfurt, Teneriffa, Benfica Lisbon iyo Fc Schalke 04. Jupp Heynckes oo hada 65-jir ah ayaa waxaa uu meel fiican gaarsiiyey horyaalkaan kooxda Liverkusen oo horyaalka jarmalka ku heeysata Brussia Dortmond.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Macalin Luis Van Gaal oo shaqada xafiiska ku wareejin doono Tababarahaan cusub ayaan la ogeeyn horyaalka uu u weecan doono waxaana laga yaabaa inuu ku laabto Ex-kooxdiisii hore ee |
|
|
|
|
|
|
|
AZ Alkmaar oo ka dhisan Horyaalka dalka uu u dhashay ee Niederland .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | | |