Saaxiibtinimo horooy Xaal Qaado,Yaa isku diray Laacibiintaan kala haaday? Maxaase ka dhaxeeya oo keenay ineey Hadalo kulul hawada isku mariyaan? David Villa Vs Juan Mata (By Spain ETB Sat)
Ma ahan wax ku cusub Bahda Ciyaaraha kubada Cagta ee Caalamka in la maqlo hadal heeynta ama Xag xagashada Laacibiin caan ah oo horay u soo ahaan jiray saaxiibo Qaali ah.
Inta badan Saxaafada Caalamka gaar ahaan Telefishinada dalalka England, France,Italy ,Germany & Spain ayaa waxaa laga maqlaa Ciyaartooy isku sarbeebeeyso amaba si toos ah hadalo Qalafsan iskugu tuuraya iyaga oo kala joogo Horyaalo aan isku dhaweeyn.
Juan Manuel Mata Garcia waa Mucjisada cusub ee kooxda Fc Chelsea xili Ciyaareedkaan uga yimid dhanka Fc Valencia. Juan Manuel Mata Garcia wuxuu ku dhashay 28.04.1988-kii magaalada Burgos ee dalka Spain, sanadkii 2007 ayuu ku soo biiray kooxda Valencia wuxuuna u Ciyaarayey ilaa 2011 oo uu ugu dambeeytii u soo wareegay dhanka Fc Chelsea.
Juan Manuel Mata Garcia intii uu kooxda Valencia la joogay 129 kulan ayuu si Tutulaare ah u saftay wuxuuna u saxiixay 33-Gool. Juan Mata waa Xiddig ka ciyaara Qadka dhexe oo Weerar ah balse waxa uu wax ku Ciqaabo Lugta Bidix oo kaliyah. Laacibkaan waa Xiddiga kaliyah oo inta Taariikhda la ogyahay Kooxda Fc Barcelona oo kulul iska diiday. Xiddigaha Caalamka wexeey ku Riyoodaan ineey mar uun u Ciyaaraan sida Fc Barcelona Naadi u Koobab hanasho badan laakiin Juan Mata fikradaas mid ka badalan ayaa ku Qufulneed. Halkaan ka Daawo Goolashiisa >>> http://www.youtube.com/watch?v=jxMsPCrvo3s
Juan mata waxaa sidoo kale aad u doon doonayey kooxaha Fc Arsenal, Fc Liverpool,Juventus iyo Man City, Halkaan ka Aqriso War bixinta markii uu Mata diiday inuu u wareego Fc Barcelona 2.07.2011 (
BARCELONA / SPANIEN (02.07.2011): Juan Mata vom Ligakonkurrenten FC Valencia wird in der kommenden Saison nicht zum FC Barcelona wechseln. Zumindest bestätigte der 23-jährige Offensivspieler der spanischen Super Deporte, dass er in Valencia bleiben möchte: ?Ich habe noch einen Vertrag bis 2015 und will in den nächsten Jahren Titel mit Valencia gewinnen."
Neben dem FC Barcelona sollen auch Arsenal London, Liverpool Juventus ,Man City und der FC Chelsea am spanischen Nationalspieler interessiert sein.)
Qilaafka David Villa Vs Juan Mata oo ahaa mid si weeyn Saxaafada uga qarsan waxaa hadal macaan oo eey is dhaafsadaan kii ugu dambeeyey ku hadlay David Villa xili eey Saxaafada qod qoday wuxuuna Yiri Sidan : ( 28. Juni 2011 - Juan Mata ist wie mein Bruder. Bei einem anderen Transfergerücht jedoch wünscht sich David Villa mehr Wahrheitsgehalt. Auf die Frage,)
28 bishii Juun 2011 David Villa waxa uu yiri sidan " Juan Mata waa sidii Walaalkeeyga oo kale wuxuuna u badalan karaa meeshii uu doono ama uu Damac kaga jiro,,
Hadalkaas oo ahaa kii ugu dambeeyey oo Safaaradaha lagu kala qaatay waxaa Isbuucaan si LIVE ah looga wareeystay Tv-ga Spain ETB Sat Weeraryahan David Villa Sanchez oo horyaalka Spain Neenaas ahaan looga yaqaan (Nicknamed El Guaje). David Villa mar la weeydiiyey Fernando Torres oo eey ka jiifta ama la qabsan la Fc Chelsea wuu difaacay wuxuuna sheegay in Torres weli uu yahay Weeraryahan jiro balse qaladka uu ka yimaaday qaabka eey Fc Chelsea u ciyaarsiisay. Mar la weeydiiyey qaab Ciyaareedka David Silva oo isna Qaranka Spain ka tirsan una ciyaara Man City wuu amaanay balse wexeey balaayo ka dhacday mar la weey diiyey Qaab Ciyaareedka Juan Mata waxa uu ku jawaabay David Villa oo aan ka fiirsan Qod Qodka iyo Sawaariiqda Isku dirka xambaarsan ee Tv-ga Spain ETB San Sidan :
" Juan Mata lama qabsan karo Horyaalka Ingiriiska maxaa yeelay waxaa horyaalkaas la qabsan karo Xiddig ad adag oo kaliyah,, (Yaab). Halkaan ka Daawo Juan Mata oo Ciyaartiisii ugu horeeysay Fc Chelsea Gool u saxiixay >>>
http://www.youtube.com/watch?v=cGFWecPJJ_Y
Juan Manuel Mata Garcia oo in mudo ah Qaranka Spain iyo Fc Valencia David Villa iskala wada Ciyaarayeen Furka ayuu tuurtay wuxuuna Qarxiyey Wax yaabo badan iyo Sir ka qarsooneedaan Saaxaada wuxuuna hadalka David Villa kaga jawaabay sidan :
" David Villa waa Xaasid ,wuxuuna Adduunka ugu neceb yahay qofkii aan kubada u baasin,Rumeeysta ama ha rumeeysanina inaan Fc Barcelona ka weecdo isaga ayaa u sabab ahaa mana rabin inaan ka ag Ciyaaro ruux sidaas oo dhan u qaab daran, Warkii uu ku hadlay David Villa waxaan u arkaa Hantaatac ayuu yiri Mr.Juan Manuel Mata Garcia oo lagu tiriyo Laacibiinta degan ee aan mar kasta warka badneen balse markii laga xanaajiyo ama la qod qodo Furka tuurta iyaga oo aan cidna ka xishooneeyn !!
Waxaa is weeydiin mudneeyn Xaasidnimada uu Juan Mata ku sheegay David Villa waaba wax jira oo aan qarsooneeyn maxaa yeelay Xiddig ku cusub Horyaal ma jiro Xiddig kale oo dhihi lahaa Laacib hebel lama qabsan karo Horyaal hebel oo waxaa qof kasta u cadaaneeyso inuu Xiddigii warkaas ku hadla ama Ciyaaryahan kale Niyad jabsho inuu baab kale ama Xarash kale ku raacanaayo.
David Villa oo eey Ciyaartooy badan isku dhexeen waxaa ugu muhiimsanaa oo aan ka xusi karnaa Sergio Ramos oo hada eey heshiiyeen iyo Mesut Mustafa Özil oo eey isku dheceen Fiinaalkii Koobkii Super koobaha dalka Spain Fc Barcelona Vs Real Madrid.
Mesut Özil wuxuu xiligaas David Villa ku eedeeyey inuu si toos ah oo aan geed loogu soo gamban u kala tuuray xili uu Mesut Özil ka Odayeenaayey ama kala dhicinaayey qaar ka tirsan Ciyaartooyda Barca Vs Real oo weero Saf balaaran ah isku qaaday.!!