La Yaab : Wayne Mark Rooney " Ma jecli Joornaaliistayaasha kuwa Ismaqiiqa loo yaqaan ee Dadka Kamerada Qal qalka ka galiya (Wareysi By Skysport) & FIFA Women's World Cup oo sii xiise leh uga socda dalka Germany. (Halkaan ka Daawo Qaranka Nigeria oo Qaarada Africa Ceebeeyey) !
Weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd Wayne Mark Rooney ayaa wareeysi uu siiyey Tv-ga Skysport waxa uu sheegay in mararka qaar uu ka saxsan yahay Kaameriistayaasha oo uu ku sheegay ineey ku jiraan kuwo isaga fowdo iyo qas la soo raadsado.
7-dii bishii Apriil ee isla sanadkaan 2011 ayeey eheed markii Ciyaaryahan Wayne Rooney dhoor kulan la ganaaxay isaga oo lagu heeystay inuu caayey nin Kaamiriiste ah. Ciyaartooyda Caalamka ayaa midba meel balaayo ama fadeexo uga dhegtaa waxaana xaqiiqo ah in Laacib Wayne Mark Rooney uu cuqdad nafsi ka qaaday Kaamiriistayaashaan daba yaacaya oo uu ku tilmaamay ineey isaga xumaantiisa iyo Fadeexadiisa raad sadaan si eey ugu helaan Magac iyo Maal fara badan.
Skysport oo weeydiiyey Weeraryahan Wayne Rooney ineey macquul tahay in xili ciyaareedka cusub ee fooda inagu soo haya mar kale eey qoorta isla galaan Kaamiriistayaasha Vs Wayne Rooney wuxuuna ku jawaabay Ciyaaryahan Rooney sidan .
"Nobody is Perfect, ma jiro qof yeeli doono Kaamero qal qalka ha lagaa galiyo adoo u baahneeyn, aniga waxaan qabaa oo si weeyn u soo ogaaday Shaqsiyaadka waxaan ku kacaayo ineey rabaan Magac eey ku dul yeesheen Ciyaartooyda si Telefishinada & Jaraaidyada looga wareeysayto iyaga oo eey u socoto Lacag kuna helaayo Magac dhanka Saxaafada ah ,, *** Waxaa dalka Germany si xiiso leh uga socda FIFA Women's World Cup 2011 (Koobka Adduunka ee Dumarka). Dalkii ugu adkaa ee Qaarada Africa noo matalaayey ayaa wexeey ahaayeen Qaranka Nigeria waxaana min 1-0 kulamadii eey safteen ku garaacay Hawaeenka Qaramada Germany iyo France oo eey isku Guruub ku wada jiraan . Guruub (A) ayaa waxaa ku wada jiro ama Gabdhahaan Laacibiinta ah u kala horeeyaan sidan:
1.
France
2
2
0
0
5:0
6
2.
Germany
2
2
0
0
3:1
6
3.
Nigeria
2
0
0
2
0:2
0
4.
Canada
2
0
0
2
1:6
0
Guruub B waxaa ku wada jiro dalalka kala ah :
1.
Japan
1
1
0
0
2:1
3
2.
England
1
0
1
0
1:1
1
.
Mexiko
1
0
1
0
1:1
1
4.
Newseeland
1
0
0
1
1:2
0
Guruubka C waxaa qoorta isla galay :
1.
USA
1
1
0
0
2:0
3
2.
Sweden
1
1
0
0
1:0
3
3.
Kolombia
1
0
0
1
0:1
0
4.
North korea
Guruubka ugu dambeeya ee D waxaa ku wada jira Wadamo looga baqaayo ineey koobkaan ku guuleeysataan wexeeyna .