Paul Scholes ayaa gebi ahaanba iskaga fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga ah ,* 2.613 Maalmood ka dib Kaptankii hore ee Kooxda Juventus Antonio Conte oo Maamulka kooxdaas la wareegay,*Taariikhda labadaan Ciyaaryahan iyo inta jeer oo eey Koobab la kala qaadeen Man Utd iyo Juventus & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
*** Xiddigii Qaranka England iyo Manchester United Paul Scholes ayaa gebi ahaanba iskaga fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga ah.
Paul Scholes oo 36-Jir ah waxa uu kooxda Man Utd u soo saftay 676-kulan wuxuuna Horyaalka Premier-League-Club ku soo biiray sanadkii 1994 . Scholes ayaa ilaa hada Taariikh ahaan waxa uu heeystaa 10-Jeer oo Horyaalka Ingiriiska ah iyo 1999/2008 oo uu kooxdiisa ManU u suurto galiyey ineey gacanta ku dhigaan Koobka The Uefa Champions League,
Dhanka Qaranka England Paul Scholes Xulkiisa waxa uu u saftay 66-kulan oo kala ahaa laga soo bilaabo Sanadihii 1997 ilaa 2004 wuxuuna mudadaas u saxiixay Qaranka England 14-gool.
Paul Scholes dhanka Koobka Addunka ayaa waxaa lagu soo xasuusan doonaa World Cup 1998 iyo World Cup 2002 oo uu labadaba wacdaro gooni ah ka soo dhigay. Macalinka Kooxda Man Utd Sir Alex Ferguson oo la hadlayey Skysport waxa uu yiri sidan " Paul Scholes wuxuu noqon doono Xiddig aan si weeyn ugu soo xasuusan doono Qadka Dhexe mana dhici doonto inaan si fudud ku hilmaamno ayuu yiri United Coach Mr.Sir Alex Ferguson oo Ciyaaryahan Paul Scholes mudo dheer Man Utd ka wada tirsanaayeen.
Halkaan ka Daawo goolasha Scholes >>> http://www.youtube.com/watch?v=rx_oM60tkv0
*** 2.613 Maalmood ka dib Kaptankii hore ee Kooxda Juventus Antonio Conte oo Maamulka kooxdaas la wareegay.
Antonio Conte oo ah Xiddigii hore ee Qaranka Talyaaniga Qadka dhexe Wakiilka uga ahaa iyo weliba Kaptankii Kooxda Juventus ayaa xiligii uu Ciyaaraha ka fadhiistay oo ka soo wareegtay 2.613 Maaloomod ka dib waxa uu si toos ah ula wareegay oo loogu Caleemo saaray inuu noqdo Macalinka ama Tababaraha Cusub ee kooxda Juventus.
Antonio Conte ayaa Xilka Tababaranimada waxa uu kala wareegay oo Kursigiisa uu ku fadhiistay Macalin Luigi Delneri oo 41- jir ah dhawaana eey iska ceeyrisay kooxda Juventus. Antonio Conte wuxuu Juventus u saxiixay Heshiis 2-sano ah wuxuuna Sanad kasta Mushaar ahaan Jeebka ku hubsan doono 1,5 Milyan oo Euro.
Antonio Conte ayaa Kooxda Juventus u soo ciyaaray Sanadihii 1991 ilaa 2004 wuxuuna xiligaas kooxda Juventus kula guuleeystay 14-Koob oo 5-ka mid ah eey ahaayeen Horyaalka Talyaaniga halka uu 1-koob ka ahaa Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League.
Intii uu ka tirsanaa Antonio Conte Qaranka Talyaaniga ee (Azzuri) wuxuu Xulkiisa Italy kaalinta 2-aad ee World Cup u soo cariiriyey sanadkii 1994 ka dibna mar kale ayuu kaalinta 2-aad la yimid Qaranka Talyaaniga Koobkii Qaramada Yurub ee Euro 2000.
Dhanka Macalinnimada kooxaha oo uu Mr Antonio Conte aad ugu wanaagsan yahay wuxuu Sanadkii 2009-kii Serie B-da Talyaaniga ka soo saaray kooxda AS Bari wuxuuna keenay Serie A-da Talyaaniga. Intaas kuma harin qabiir Antonio Conte ee waxa uu isla Sanadkaan 2011 mar kale Serie B- ka soo saaray kooxda Siena oo hada uu keenay Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga.
Halkaan ka Daawo Goolasha Antonio Conte >>> http://www.youtube.com/watch?v=T2ZKRtsoui0
*** DHANKA KALE WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS AYAA WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN SIDAN:
*** Kooxda Bayern Munchen ee Horyaalka Germany wexeey 20-Milyan oo Euro kaga dooneeysaa kooxda Man City Ciyaaryahan Jerome Boateng oo dhanka Difaaca uga ciyaara Qaranka Germany balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana wuxuuna Xiddigaan la dhashay Laacibka kooxda Ac Milan keevin Prince Boateng oo u safta Qarankiisa hooyo ee dalka Ghana halka walaal kiis uu Reer Abtigiis Germany inuu u ciyaaro go´aan ku gaaray.
Ninka ugu sareeyo dhanka Ciyaartooy soo iibinta kooxda Fc Bayern Munchen oo lagu magacaabo Karl-Heinz Rummenigge ayaa mudo 2-maamood ah waxa uu ku sugan yahay Magaalada Manchester oo uu u jeego beeca Ciyaaryahan Jerome Boateng.
*** Kooxda Juventus wexeey soo wadataa Difaaca Qaranka Germany & Kooxda Hoffenheim ee horyaalka Germany Andreas Beck.
*** Kooxda SS Lazio ee Horyaalka Talyaaniga ayaa Saacadaha soo socda wexeey qarka u saaran tahay ineey la soo wareegto Weeraryahanka Qaranka Germany & kooxda Bayern Munchen Miroslav Klose. Lazio oo heeysata Weeraryahano kale oo eey ka mid yihiin Mauro Zarate, Hernanes iyo Christian Ledesma ayaa waxaa iska cad ineey ciil ka qaaday kooxda eey Ifka iskugu neceb yihiin ee As Roma oo mar kasta 6-Dhibcood ka tirsata.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com