La Yaab: Morinho & Cristiano Ronaldo oo ku tashtay ineey Caayaan Macalinka Qaranka England Fabio Capello(Aqri warka oo Tarjuman) D.Villa oo Goolkii ugu horeeyey ee Barcelona Milan ka dhaliyey, Iyo Warar kale oo News ah.
Tababaraha cusub ee Kooxda Real Madrid ayaa markiisii 2-aad afka kala furtay tan iyo markii uu u yimid Kooxda Real Madrid.
Jose Morinho oo aanu war bixin dheer ka diyaarinay kuna soo ban dhignay dhoor isbuuc ka hor www.xiriiriye.com ayaa waxaanu uga hadalnay in Macalin Morinho marka uu wax uu qabto waayo caay kula dhaqaaqo Tababareyaal kale oo waxba aan ka galabsan marka eey hadal kiisa Saxaafada ka maqlaane si weeyn ula yaaba.
Morinho ayaa ku Tilmaamay Macalinka hada leeyliya Qaranka England Fabio Capello nin aan ku wanaagsaneyn booska loo dhiibay meesha uu hada qaranka England dhigayna waxaa wanaagsan inuu isku xishoodo oo isaga tago Qaranka England ayuu yiri Morinho.
Jose Morinho ayaa yiri sidan: Muxuu wax tababaraa Ciyaartooyda England oo dhan ayaa ka cabsaneeyso Capello oo uma sheegi karaan runta kii hadlana waxa uu ka saarayaa kooxda waana ka xumahay qasaaraha uu geliyey Qaranka Ingiriiska ayuu yiri Morinho.
Morinho oo u waramayey Jaraaidka Daily Mirror ayaa sheegay in Capello waxba uusan ku soo kordhin doonin England mana qabo inuu iska badali karo sida qaldan ee uu hada wax u tababaro.
Macalin Jose Morinho ayaa dhoor Tababare horay isku caayeen ama uu caay u bilaabay Sida Macalimiinta Arsenal iyo kan Man Utd wuxuuna hadalkaan cusub ee kulul noqonayaa kiisii 2-aad tan iyo markuu u yimid kooxda Real Madrid waxaana hadalkaan ka horeeyey mid uu ku duqooyey ama ku dhago hadlay Laacib Kaka oo Tababarka ku dhaawacmay ayuu yiri ma jecli ciyaartooyda qarsata dhaawaca ama ku dheesha isaga oo ula jeeday Kaka oo xiligaas ka soo laabtay Koobkii Adunka ama Qaranka Brazil.
Akhristoow dhanka kale shalay ayey eheed markii Saxaafada soo bandhigtay Cristiano Ronaldo oo iska metalaya ama iska dhigaya sida Fabio Cabello madaama uu fartiisa gashtay afka waxaana sidaas sameeya mar kasta Fabio Capello taas oo dadka xiiseeya ciyaaraha ka yaabisay waxa hal mar oo qura daba dhigay Ragaan Portuqiiska ah Macalinka Qaranka England. (Hoos ka Aqri warka oo Tarjuman)
.
Champions-League Play-off oo wajigiisii ugu dambeeyey la soo gaba gabeeyey
Kooxaha ayaa sidan isku arkay:
| 25. August: |
| FC Kopenhagen |
Rosenborg Trondheim |
1:0 |
1:2* |
| AJ Auxerre |
Zenit St. Petersburg |
2:0 |
0:1* |
| Tottenham |
Young Boys Bern |
4:0 |
2:3* |
| Ajax Amsterdam |
Dynamo Kiew |
2:1 |
1:1* |
| MSK Zilina |
Sparta Prag |
1:0 |
2:0* |
kooxda Tottenham oo 4-0 ku badisay ayaa waxaa 3-ka mid ah Goolasheeda waxaa u saxiixay weeraryahan Peter Crouch oo ayaan taan ceeb la dhuumanaayey ka dib markii uu la seexay haweeney kale isaga oo xaas leh, goolka kale Tottenham waxaa u saxiixay Defoe .
Waxaa kaloo News-ka ka mid ah Ciyaaryahan David Villa oo goolkiisii ee ugu horeeyey ka xareeyey Kooxda Ac Milan oo kulan saaxiibtinimo Barcelona 1-1 ku kala baxeen, goolka Milan waxaa u dhaliyey Philipo Inzaghi .
Maanta 26.8.10 ayaa waxaa lagu wadaa in saacadu markeey tahay 18:00 xiliga Qaarada Yurub la sameeyo isku aadka The Uefa Champions League.
Xusuusin: maalin kasta oo Qamis iyo Axad ah waxaad www.xiriiriye.com kala socon jirteen Barnaamishka ila qosol waxaana maanta uu ku saabsanaan doonaa Ciyaartooy caan ah oo Ruwaayad xiiso badan laga sameeyey, Filo goor dhaw.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Jose Mourinho greift Fabio Capello scharf an
Der Coach der ?Blancos" hält Fabio Capello für den falschen Mann, um die englische Nationalmannschaft wieder auf die Erfolgsbahn zu bringen.
?Er kann sich nicht ändern"
?Das Problem ist der Trainer. Mit Capello wird es für England nicht klappen", sagte Mourinho dem Daily Mirror. Der Portugiese stellt vor allem den Führungsstil des ehemaligen Real-Trainers in Frage: ?Seine Beziehung zu seinen Spielern ist eine Einbahnstraße. Da können sie hier bei Real Madrid jeden fragen. Er ist nicht in der Lage, sich zu ändern. Man kann Spieler nicht ständig anschreien. Sie müssen sich besonders fühlen."
?Sie haben Angst vor ihm"
?Es ist offensichtlich, dass es zwischen England und Capello nicht passt. Er kennt die Spieler nicht, sie haben Angst vor ihm und sie können nicht für ihn spielen", legte ?The Special One" nach. ?Für mich herrscht dort ein riesiges Durcheinander. Spieler brauchen klare taktische Vorgaben. Man darf sie nicht verwirren, was ihre Pflichten angeht. Das ist die Schuld des Trainers und meiner Meinung nach ist das eine Schande."