Qiso Murugo badan: Ninkii Koobka Addunka weeraray oo balan Jaceyl looga baxay,Iyo Dadka Garoomada soo dhex galo oo sii badanaya( Daawo Qisada Ninkii World Cup 2010 Koofida u galiyey iyo Henry oo funaanadiisa madaxa loo saaray)
Waxaa Maanta soo baxay oo Booliska South Afrika eey sheegeen in Martin Leyton uusan Arin Jimmy Jump ah u gelin Garoonka balsa eey ka dambeeysay Saaxiibadiisa uu Jeclaa inuu Garoonka soo dhex galo.
Manuela Richi oo ah Saaxiibada ama Jaceylka Ninkii Finalka World Cup 2010 garoonka oradka ku soo galey isaga oo doonaya in Koobka Adunka uu Koofiyad u geliyo madaama Shuruud eey ku soo xirtay Saaxiibadiisa Manuela uu rabay inuu fuliyo balse ka dhabeeyey ugana baxday arinkaas markii uu ku guuleystay.
Qisadaan dhabta ah ayaa gadaal laga ogaaday maadaama uu isaga horay u qariyey sababta uu Garoonka amar la aan u soo galay.
Manuela Richi ayaa inkirtay arintaan wexeyna tiri waa wax Sumcadeeyda iyo Amnigeeyga wax loogu dhimayo si la ii nacsiiyo Taageerayasha South africa oo horay u balan qaaday in Koobka Addunka inta uu Qaarada Africa maganta u yahay aanan haba yaraatee wax yar oo dhibaato ah loo geeysan doonin Koobka & Martidaba.
Dhanka Kale waxaa sii badanaya laga soo bilaabo 2003 ilaa 2010 dadka Garoomada ku soo dhex orda xiliga Ciyaaraha Live-ka ah eey socdaan.
Dad kaan ayaa waxaa lagu nisbeeyey labo arimood, 1-Kuwo u soo galo balamo Jaceyl ama Shuruudo adag oo eey la soo galaan Saaxiibadooda ama balan qaad Lacageed. 2-Kuwo Cabsan oo Taageeranimada Kooxdooda ceshan waayey oo marka uu Alabiitaraha Jaalle ama qalad ka galo Kooxdooda eey Taageerada u yihiin ayey Garoonka ku soo dhex cararaan iyaga oo orad ku dhex mara si eey ciyaarta u qanadaan ama isku dhex yaac iyo kala dambeeyn la aan meesha uga sameeyaan.