Jawaabta Hal Xiraalihii Sadexda Tababare oo lagu kala baxay iyo SuŽaasha Hal Xiraalaha Cusub oo u eg mid Rigooreyaal la isla gaari doono(War Bixin)
Tan iyo markii uu bilaabay www.xiriiriye.com Hal xiraalaha ku saabsan dhacdooyinka kala duwan ee ka dhaca garoomada caalamiga ah ayaa marba marka ka dambeeyso waxaa sii yaraanaayey Akhristayaasha & Khabiiradii hor boodi jiray jawaabaha taas oo lagu macneeyey xiriiriye oo adkeeyey Su,aalaha inkastoo arinkaas uusan wax kuleel ah ku heeyn Akhristayaal badan oo aad moodo ineey yihiin Wariyaal ama Qabiiro Sport oo qarsoon.
Hadaba Jawaabta Sadexda Tababare ee Hal Xiraalihii ugu dambeeyey oo Sax ah ayaa sidan ah: 1-Sir Alex Ferguson, Man Utd. 2-Arsene Wenger, Arsenal. 3-Thomas Schaaf, Werder Bremen.
Akhristayaashii Ebid ugu badnaa ee ka soo jawaabay ayaa beerta ku galay Tababaraha 3-aad Thomas Shaaf iyaga oo inta badan ku sheegay inuu yahay macalinka kooxda Tottenham Harry Redknapp balse waxa eey saxeen labada macalin ee kooxaha waa weyn Man Utd & Arsenal wexeeyna Akhristayaashaas dhamaayeen 62-Qof.
Akhristayaasha saxay ee aad moodid ineey adag tahay si looga badiyo ama www.xiriiriye.com uu dhinacooda dhulka u dhigo ayaa magacyadooda waxa eey kala yihiin sidan hoos ku qoran:
SuŽaasha Hal Xiraalaha Todobaadkaan ayaa ah sidan:
Waxaad sheegtaa 2-Ciyaaryahan oo caan ah una ciyaaro labo Qaran oo sidoo kale caan ah oo marka eey dheelayaan kulamada horyaalada ama kan Qaramadooda uu Wajigooda ka muuqdo dhaawacyo Shilal horay u soo gaaray ah intii eeysan soo caan bixin ama garoomada caalamiga ah soo gelin???
Fadlan soo raaci Jawaabta magacaaga oo Sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay. Waxaanu soo deeyneynaa Jawaabta Hal Xiraalahaan Maalinta Axada 31-10.10.. Waxaadna isku diyaarisaan kulanka Fiinaalaha ah oo uu Xiriiriye.com ku doonaayo in uu Akhiyaar badan oo aan weli dhadhamin guuldaro dhinacooda dhulka la dhigi doona. Hadaba la soco SuŽaasha Halxiraalaha Maalinta Axada ah soo bixi doono ayaa ah inaad sheegtaan Laacib caan ah oo Qarankiisa inta badan ka harin kulamada Koobka Addunka iyo Kan Qaramada yurub oo laga badalay Kelidiisa, waxaana loo geliyey Keli uusan laheeyn..xiligaas waxa uu ka ciyaarayey Horyaalka Jarmalka, hadana waxa uu ka ciyaaraa Horyaalka Ingiriiska, Booska uu ka ciyaaro waa Weerarka. fadlan waan idiin fududeenay SuŽaashaan adag ee kala baxa Xiriiriye & Maalinta Axada ah....Waa inaad SuŽŽaashaas u sii Aalamiiteeysaan si eeynan Beerta.com u gelin. (Mahadsanidiin inta Sportiga ku hor martay)