 |
jimce007 |
 |

6-Kooxood oo caan ah ayaa waxaa la soo daristay cabsi iyo murugo xoogan, Ku biiri Aqoontaada Sporti kooxihii hore ee sidan oo kale Daaqada uga baxay. Kooxo waa weeyn oo dunida ku leh taageero xoogan ayaa waxaa la soo daristay cabsi iyo in magacooda laga waayo maslaxa kubada cagta ee Horyaalada qaarada Yurub. Kooxahaan oo ka kala dhisan horyaalada ugu Tunka weeyn dunida sida Spain, Italy, England & Germany ayaa waxaa ka mid ah Fc Liverpool, Fc Bayern München, As Roma, Deportivo La Coruna, Ac Fiorentina & Fc Schalke. Hadaanu ku hormarno kooxda FC Liverpool : 7-kulan ayey dheeshay, 1-mar ayey badisay, 3-jeer bareejo ayey gashay, 3-jeer waa laga badiyey, 7-gool ayey dhalisay, 11,gool waa laga dhaliyey, 6-dhibcood ayey leedahay, kaalinta 18-aad ayey horyaalka Ingiriiska uga jirtaa. Kooxda As Roma: 6-kulan ayey dheeshay, 1-kulan ayey badisay, 2-kulan bareejo ayey gashay, 3-kulan waa la garaacay, 5-gool ayey dhalisay, 11-gool shabaqeeda ayaa lagu hubsaday, 5-dhibcood oo kaliyah ayey leedahay,horyaalka Talyaaniga kaalinta 19-aad ayey kaga jirtaa. Kooxda FC Bayern München: 7-kulan ayey ciyaartay, 2-kulan weey badisay, 2-kulan bareejo ayey cariirsatay, 3-kulan guuldaro ayaa la laqsiiyey, 5-gool ayey dhalisay, 8-gool waa laga xareeyey, 8-dhibcood ayeey leedahay, horyaalka Jarmalka kaalinta 12-aad ayey ku jirtaa. Kooxda Deportivo La Coruna: 6-kulan ayeey ciyaartay, weli ma badin, 3-jeer baeejo ayey yaa allah ku heshay, 3-jeer waa la garaacay, 3-gool ayey dhalisay, 11-gool ayaa loogu jawaabay, 3-dhibcood ayeey leedahay, horyaalka Spain kaalinta 20-aad ayeey kaga jirtaa. Kooxda FC Schalke: 7-kulan ayey safatay, 1-kulan weey guuleeysatay, 1-kulan bareejo ayey keensatay, 5-kulan waa lagu dur duriyey, 8-gool ayey dhalisay, 14-gool waa laga xareeyey, 4-dhibcood ayeey leedahay, horyaalk Jarmalka kaalinta 17-aad ayeey uga jirtaa. Kooxda AC Fiorentina: 6-kulan ayey dheeshay, 1-weey badisay, 2-bareejo ayey ku dadaashay, 3-kulan dhibcaha ayaa laga tirsaday oo waana la garaacay, 6-gool ayey dhalisay, 7-gool waa laga xareeyey, 5-dhibcood ayeey leedahay, horyaalka Talyaaniga kaalinta 17-aad ayey kaga jirtaa. Qubarada Sportiga ku xeel dheer kuwooda kubada cagta xiiseeya ayaa qabo in kooxhaan eeysan aadi doonin qeeybta 2-aad ee horyaalada dalalkooda maxaa yeelay waxaa daran in kooxuhu horyaalada oo dhamaad ah Naflacaari noqdaan balse hada waxa eey leeyihiin horyaaladii ayaaba biloow ah waxaana hubaal ah in kooxahaan jilcay eey gadaal ka soo kacsan doonaan marka ciyaartooydooda iyo Tababarahooda canaan laga dherjiyo qaabka uu wax ku wado darteed. Mudo hada laga joogo sanooyin aan sidaas u sii dheereen ayaa waxaa sidaan oo kale beerta galay oo Naflacaari noqday kooxo caan ahaa oo aaqiritaankii u huleelay Serie B-da ama qeeybta 2-aad ee horyaalada eey ka ciyaarayeen. Kooxahaan ayaan waxaan ka xusi karnaa dhanka Ingiriiska kooxda Leeds Utd oo taageero balaaran ku leheed caalamka maadaama The Uefa Champions League eeysan ka hari jirin oo weliba eey garaaci jirtay kooxaha waa weeyn ee Horboodayaasha ka ah qaarada Yurub, waxaana xiligaas xiddigihii Leeds Utd ee kacsanaa ka mid ahaa Mark Viduka, H.Kawell & Smith : Halkaan ka Daawo Lazio Vs Leeds : http://www.youtube.com/watch?v=R-hY883_-Xc sidoo kale waxaad ka daawan kartaa sida eey kooxaha waa weeyn iskaga dhicin jirtay Inta ka Daawo Leeds Vs Barcelona http://www.youtube.com/watch?v=n5sMIoJeV2I&feature=related Waxaa kaloo dhanka Talyaaniga SerieB-da qasab loogu diray kooxaha Parma oo mar dhaw ka soo laabatay iyo AC Fiorentina oo xiligaas kacsaneed maadaama uu u ciyaari jiray Jakatoorihii hore ee Qaranka Arjentina Gabriel Omar Batistuta iyo weliba Rui Costa Halkaan ka Daawo Batistuta oo Man Utd gool Biriq ah ka dhaliyey iyo Taageerayaasha ManU oo ku orinaayo : http://www.youtube.com/watch?v=2tJQmVsSscE . Dhanka Spain waxaa iyana maalin cad Division-2 loo diray kooxda uu Champions League keenay xiligaas laacib Xabi Alonso waa Real Sociedad oo mar dhaw yaa allah & dhib ku soo laabatay ka dib markeey dhoor sano ku maqneed Division-2 . Ugu dambeentii dhanka horyaalka Jarmalka ayaa waxaa si lama filaan ah Bundesligaha jarmalka qeeybtiisa 2-aad loo diray kooxdii kaliyah ee ka dhisneed Caasimada waa Hertha Berlin oo xiligaas kulamadii horyaal-kaas ugu dambeeyey eey ka dhaawac meen laacibiin badan waxaana Bahda ciyaaraha xiiseeya ee caalamka ilaa iyo hada La yaab ku noqotay in Horyaalka Germany eeysan ku jirin koox ka socoto Caasimada maadaama dhamaan kooxaha horyaalka Jarmalka ka dheelaya eey gobolo ka wada yimaadeen waana dalka kaliyah ee Caasimadiisa Berlin koox ma taleeysa eeysan ku jirin Budesliga. Ugu dambeentii mucjisooyinka kooxahaan ayaa waxaa laga xusi karaa Bayern München oo Championkii la soo dhaafay Inter Final la timid waxaana dhibaatadaan sabab looga dhigay Laacibiinteeda Frank Ribery iyo Arjen Robben oo dhaawacyo xun xun garoomada looga saaray. Dhanka Liverpool oo lacag iyo Ciyaartooyba qashin u heeysa ayaa loo aaneynayaa Tababarahooda oo cusub welina aan la qabsan kooxdiisa. Fc Schalke waxa eey soo iibsatay ciyaartooy badan waxaana ka mid ah oo Isbuuc kasta goolal u saxiixa Xiddiga eey AC Milan kala soo wareegeen ee Klaas Jaan Hunterlaar iyo Laacib Raul Gonzalez. WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN SIDA TAN: ** Laacibka Qaranka Turkiga iyo kooxda Fc Bayern München Hamit Altintop oo ku eedeeyey Mesut Özil in uu Wadaniyadiisa iyo funaanadiisa qaranka Turkiga uu ka doortay Shilimaad iyo Funaanad kale oo uu ula jeeday Jarmalka maadaama labada dal eey Maanta oo Jimco ah kulan aad loo wada sugaayo hilfaha isku qaadi doonaan. Altintop oo u waramayey Sky-sport ayaa waxa uu garaacay xabadkiisa isaga oo leh anba Jarmalka ayaan ku dhashay taas macnaheeda maahan inaan qasab ugu dheelo waxaana ku dhimanayaa dhiigeeyga oo Turkish ah ayuu yiri Laacibka ciyaar sameeyaha qaranka Turkiga. Mesut Özil oo dhoor jeer Saxaafada eey dooneysay ineey wareysato ayaa diiday inuu ka hadlo kulankaan maxaa yeelay waxaa laga hayaa Özil asoo wareeysiyo badan faaninaayo dalkiisa hooyo ee Turkiga taas darteed ayeeyna u badan tahay inuu wareysiga kala xishooday. **Sami Khedira oo kooxda Real Madrid dhawaan eey kala soo wareegtay Kooxda Stuutgart ee horyaalka germany ayaa waxa uu aad u amaanay Cristiano Ronaldo. Khedira oo Aabihiis yahay Tunesia halka hooyadiisna Jarmal tahay weliba uu yahay nika daboolaay baahidii loo qabay booskii uu ka dhaawacmay Michael Ballack ayaa waxa uu C.Ronaldo oo eey iskala ciyaaraan kooxda Real Madrid ku tilmaamay nin Kaftan iyo Shactiro badan weliba xanaaqiisu aad u yar yahay. Arintaan cusub ee Sami Khedira uu ku dhawaaqay xili uu u waramayey Tv-ga ZDF ayaa dad badan ka yaabisay maadaama Cristiano Ronaldo lagu tilmaami jiray Laacib Quuqle ah oo xanaaq badan. Ciyaaryahan C.Ronaldo ayaa sidii uu uga mid noqdayba kooxda Real Madrid waxaa soo badanaya amaantiisa iyo wax tarkiisa, C.Ronaldo ayaa xiligii laga soo laabtay World Cup waxaa uu booqday dhoor Isbitaal oo eey jiifeen Caruur yar yar oo aad u xanuunsanayey waxaana soo bandhignay Video isago oo ciyaalkaas dhiig u shubaayo. ** Xiddiga weeyn ee dhexda caanka ku ahaa Patrick Vieira oo hada u safta Kooxda Man City ayaa sheegay inuu ciyaaraha ka fariisanaayo. Patrick Vieira oo u waramayey wargeeyska Sportiga ee Dauphine Libere oo ka soo baxa dalka France ayaa sheegay in uu ciyaaraha ka fariisan doono xili ciyaareedkaan marka uu dhamaado taasna uu isaga goaansaday maadaama uusan da´a sidaas u sii weeyn eheeyn oo uu 34-jir yahay welina sii ciyaari karo. ** Wargeeysyada ugu caansan dalalka England & Italy ayaa Maanta oo Jimce ah soo bandhigay dagaalka u dhexeeya kooxaha Juventus iyo Fc Chelsea oo isku heeysta laaciibka 18-jirka ah ee dunida ka yaabsaday una dheela kooxda F C Santos ee dalka Brazil Neymar, Jaraaidyadaan Corriere dello Sport & Sun ayaa mid kasta waxa uu daabacay in kooxda dalka uu ka dhisan yahay ee ku horeeyso soo xero gelinta laacib Neymar oo Fc Santos eey 30-milyan oo euro ku dooneeyso. ** Kooxda Fc Barcelona ayaa waxa eey Qandaaska heshiiska uu kooxda kula joogo u sii kordhisay Xiddigeeda Bojan Krkic, waxaana looga dhigay saxiixa cusub ilaa sanadka 2013. ** Xulka Brazil oo la ciyaaray Qaranka Iiraan ayaa Brazil waxa eey ku badisay 3-0. Goolasha Brazil waxaa u kala saxiixay Dani Alves, Pato & Nilmar Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=mVuNR2nF2-Q . ** Koobka is reeb reebka Euro 2012 oo qaar ka mid ah maanta oo Jimce ah la ciyaaraayo ayaa kulamada ugu adag waxaa ka mid ah Germany Vs Turkey, Northern Ireland Vs Italy, Czech Republic Vs Scotland, Xulka Rep. of Ireland oo la ciyaarayo Russia waxaana u soo kacay Macalin Trapattoni oo bilo ka hor Isbitaal loola cararay ka dib markii uu ku sumoobay cunto Kaluun u badneed oo uu cunay. Waxaa kaloo kulankii Cabsida loo baxay uu dhex mari doonaa Qaramada Portugal vs Xulka eey sida weeyn taariikhda uga cabsadaan gurigoodana ku garaaco waa Denmark. Xulka Wales iyo reer Giggs wexeey qaabilayaan Bulgaria oo wadata macalin cusub oo ah Lothar Mathias iyo weeraryahankooda Man Utd Dimitry Berbatov.Dhanka kale ciyaar adag oo ciyaarahaan la mid ah ayaa waxeey beri oo Sabti ah dhex mari doontaa xulalka France Vs Romania. Waxaana dhamaan Natiijooyinka Ciyaarahaan dib idinkaga soo gud bin doonaa marka la wada ciyaaro haduu alle raali ka noqdo. Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|