|
Qaar kamid ah Culimada Ahlusuna ee Gobolka mudug oo Maanta xil udoortay Cabdi Cali Xirsi (Cabdi shukri Cali Jiijo
Munaasibadaan oo aheyd mid lagu magacaabay gudoomiyah siyaasadda ahlusuna waljamaaca ee somaaliya ayaa maanta lau qabtay Hotelka Empssy ee Konfurta Magaalada Galkacyo
Xafladdan ayaa Maanta waxaa kasoo qeybgalay Qaar kamid ah Culima'udiinka Ahlusuna waljamaaca ee Gobalka Odayaal masuuliyiin katirsan galmudug iyo qeybaha Bulshada qaarkood

Shiiq Axmad Xirsi Barre oo kamid ah Culima'udinak Gobalka Mudug ayaa oo munaasibada kahadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay udoorteen cabdi shugri inuu noqdo gudoomiyaha siyaada ahlu suna waljamaaca ee dalka soomaaliya

Nabadoon Yuusuf Xaashi Cilmi Qabax ayaa sheegay in dhaqan ahaan ay taageersanyihiin hogaankaan cusub ee ay maanta magacaawdeen Culima'udiinka Ahlusuna kuwooda kusugan gaalkacyo 
Sikastaba ha ahaatee Cabdi Shugri Cali Xirsi oo ahaa Ninka Maanta loo magacaabay xilkaasi ayaan joogin goobtii laguqabtay munaasibadda lagu dooranayay waxaana uu Cabdi Shugri sida lasheegay kusugan yahay magaalada Neyrobi ee Caasimada wadanka Kenya
xubno badan oo kamid ah culima'udiinka Gobalka mudug ayaa maanta ka maqnaa munaasabadda lagu magu doortay C/shugri waxaana culimadaasi kamid ahaa Sh/ axmed shiiq yuusuf jimcaale(ilka dahab) Sh/ muxiyadiin yuusuf bare Sh/ cali fooxle, macalin dheere Sh/ xasan jimcaale Sh/ saciid maxamed cabdi (dheere)

Arintani ayaa sii muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay qilaafka udhaxeeya Ahsuna waljamaaca oo ah Xoogaga kaliya ee iyagu iskaacaabiyey Alshabaab waxaana qilaafkaasi uu soo shaac baxay kadib markii ay dib uga soo laabteen qaar kamid ah Culima'udiinka Shirkii adisabab ee u dhaxeeyey Dowlada iyo Alsuna oo lagu doonayey in ay is garabsadaan ayey ku kala qeybsameen iyadoo Gudoomiyihii Golaha Fulinta Macalin Maxamuud Xasan uu kuharay Adisababa halka gudoomiye kuxigeenka 1aad uu kasoo dagay Degmada Guriceel ee Gobalk Galgaduud isla markaana uu shaaca ka qaaday in aysan ku kal soneyn hashiiskii ay dowlada la galeen.
Axmed Taakilo
|