La Yaab : Javier Hernandez Xiddig ku cusub Maslaxa kubada Cagta Balse Taageerayaasha kooxdiisa Balan qaad kaga yaabsaday (Halkaan ka Daawo ilaa yaraan tiisii & Aabaha dhalay ilaa Awoowgiis oo Laacibiin caan ah ahaa)
La Yaab Sport : Xiddiga Qaranka Mexico & Kooxda Man Utd ee Horyaalka Ingiriiska Javier Hernandez Balcazar waxa uu dhashay 1-dii Bishii Juun Sanadkii 1988-kii wuxuuna ku dhashay Magaalada Guadalajara Jalisco oo ku taal dalka Mexico.
Javier Hernandez waxaa lagu Naaneeysaa Chicharito wuxuuna kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd ku soo biiray Sanadkii 2010-ka xiligaas oo laga soo iibiyey kooxdii uu ku soo caan baxay oo lagu magacaabo Deportivo Guadalajara.
Familka iyo Ehelka uu ka soo jeedo Ciyaaryayahan Hernandez waa dad si weeyn dhanka Ciyaarta kubada cagta looga qadariyo dhamaan dalka Mexico. Awoowaha Javier Hernandez Mr. Tomas Balcazar waxa uu ahaa Ex-Player & Xiddigihii Koobka Adduunka Mexico uga qeeyb galay Sanadkii 1954-tii . Aabaha dhalay Ciyaaryahan Javier Hernandez waxaa lagu magacaabaa Hernandez Gutierrez wuxuuna ka mid ahaa ama hogaaminayey Xulkii Qaranka Mexico Sanadkii 1986-kii Koobka Adduunka kaalimaha ugu dambeeya soo is taajiyey.
Hadaba Ciyaaryahan Javier Hernandez Balcazar (Chicharito) waxa uu noqday Laacib aad u Nasiib badan maxaa yeelay waxaa u rumoowday Riyadiisii maadaama Xili Ciyaareedkaan xiligii uu ku soo biiray Kooxda Man Utd Taageerayaasheeda uu ka balan qaaday inuu Koobab & Guulo Muhiim ah u soo xareen doono kooxdiisa isla Sanadka 2010/2011.
Javier Hernandez wuxuu kooxda The Red Devils Manchester United farta ka saaray Horyaalka Ingiriiska 2010/11 wexeeyna hada taagan yihiin sidoo kale Ciyaarta Fiinaalaha koobka Champions League oo eey isku arki doonaan kooxda Fc Barcelona oo Xambaarsan ama wadata Ciyaartooy lagu sheegay ineey yihiin Dhimbilo Dab ah xiliga eey Garoonka dhex taagan yihiin.
Waxaa inta badan aan dhicin ama suurto gal aheeyn inuu Xiddig aad u da´yar kooxdiisa cusub si caadi ah ula qabsado.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka Ciyaaryahan Javier Hernandez ilaa yaraantiisii : http://www.youtube.com/watch?v=hgWXTGrEU24&feature=related .
Halkaan ka Daawo Qeeybtii 2-aad Hernandez >>>
http://www.youtube.com/watch?v=MkUL7x1pDoA .
Halkaan ka Daawo Qeeybta 3-aad Hernandez >>> http://www.youtube.com/watch?v=6nBs_Y3E8k8&feature=related
La soco goor walba Taariikh Nololeedka dhamaan Ciyaartooyda Caalamka oo Muuqaal ah .
OGEEYSIIN: Fadeexadii ku saabsaneed Sidii loo gaaday ama Sawirada looga qaaday Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo la baashaalaayo Haweeyneey aan Lamaanihiisa aheeyn ayaa Goor dhaw soo bixi doonta. Warkaan waxa uu wataa Cadeeymo buuxo waxaana hada ku socoto tarjumis. Filo Goor dhaw War bixintaas, Sport News kale iyo Barnaamishka La yaab Sport!!
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com