Jemes Hackemer waa Askari ka tirsan Ciidamada Mareeykanka oo Xubnaha jirkiisa ku soo waayey Dagaalkii Ciraaq hadana si layaab ah ugu geeriyooday Gobolka Buffalo (Hoos ka Daawo Muuqaalkiisa & Nasiib darada qabsatay Askarigaan)
War baahinta dalka Mareeykanka wexeey qoreen Qiso eey ku sheegeen ebid Shaqsigii ugu Nasiibka xumaa ee soo mara Taariikhda Ciidamada dalka Mareykanka inuu yahay Askari lagu magacaabo Jemes Hackemer.
Jemes Hackemer 2 sano ka hor wuxuu labadiisa Lugood ku waayey Qarax Miino oo lagula beegsaday magaalada Baqdaad ee Caasimada dalka Ciraaq wuxuuna xiligaas saarnaa gaari eey la socdeen Ciidamo kale oo Mareeykan.
Jemes Hackemer oo dalka Mareeykanka dib loogu soo ceeliyey wuxuu mudo hal sano ah uu ku jiray waxa loo yaqaan (Como) oo eey galaan dadka u dhexeeya Nolasha & Geerida. Jemes Hackemer markii uu Comadii ama Nolashii adkeed ka soo baxay iskuna arkay miyir taam ah wuxuu dhoor jeer isku dayey inuu is Dilo taas oo Aakhiritaankii sababtay in maalin kaste la waardiyeeyo lana tuso nolol aad u wanaagsan oo uu ka helay dawlada Mareeykanka.
Jemes Hackemer waxaa dhoor jeer loo qaaday magaalooyinka loo dalxiis tago ee ku yaal dalka Spain & Brazil waxaana si buuxdo dib ugu soo laabatay Macaanka nolashiisa wuxuuna ka tanaasulay qorshihii ahaa inuu is dilo. Mudooyinkii uu Isbitaalka ku jiray Askarigaan waxaa laga waayey hadalka wuxuuna daris la noqday iloowsho sababtay inuu hilmaamo xaaskiisa iyo Caruurtiisa.
Jemes Hackemer waa 29-jir mudo 3-sano ah u dhaxeeyey nolol & Geeri waxaana mudadaas dheer Nolashiisa aan ka quusan Hooyadiis iyo Xaaskiisa oo u dhashay Will iyo Gabar .
Jemes Hackemer oo Xaaskiisa iyo labadiisa Caruur ee uu dhalay kula ciyaaraya Carwo ku taal Gobolka Buffal ee dalka Mareykanka ayaa waxaa dhacday inuu ka soo dhaco meel awal wiish lagu saaray laguna sheegay ineey dhirirkeeda eheed 65 Mitir.
Nasiib darada ugu weeyn ee qabsatay Askarigaan Xubnaha jirkiisa ku soo waayey Dagaalkii Ciraaq intaas kuma sineeyn ee wuxuu geeriyooday ama dhulka ku soo dhacay iyaga oo si Live ah u daawanayaan 2-Caruur ah oo uu dhalay kuwaas oo aan awoodin ineey bad baadiyaan Aabahooda ka go´an labada Lugood.