Jawaabta Hal Xiraalaha iyo Aqoonyahanadii Sport ee ka soo jawaabay halka Darbada Xiriiriye.com eey Daaqada ka bixisay Akhristeyaashii ugu badnaa (Halkaan ka bogo SuŽaasha hal Xiraalaha cusub)
Raali gelin Dadkii uu markii hore u furmi waayey webka maxaa yeelay Booqashada ayaa badneed..waxaana mahad naq u soo jeedineynaa Akhristeyaashii E-mailada na soo gaarsiiyey xiligii uu qadka u furmi waayey(fadlan cidii uu Pege-u furmi waayo E-mail ha noo soo dirto >Mahadsanidiin dhamaantiin .>
Xiriiriye.com ayaa isbuucaan noqday (manexe) maxaa yeelay waxa uu Daaqada ka bixiyey sidii uu Darbooyin kulul ugu waday Akhristeyaal fara badan oo laga fujin waayey hogaanka sare ee Hal Xiraalaha Sportiga ee ka baxa Shabakadaan.
Waa Markii ugu horeeysay oo ragii ugu caansanaa Barnaamishka Hal Xiraalaha Todobaadka dhinacooda dhulka la dhigo.
Akhiyaartaan ayaa intooda badan wexeey soo qoreen inuu yahay Laacibka eey iska dhaleen waalid Spainish ah & kuwo Hollandes ah ciyaaryahanada kala ah Wesley Sneijder iyo Robin van Persie waana Qalad dabcan Jawaabtaas waxaana hubaal ah ineey ragaas la Jahwareereen Darbooyinkii uu Xiriiriye.com raaxada uga qaaday yacni SuŽaasha oo aad u adkeed.
Hadaba Jawaabta oo sax ah ayaa wexeey tahay sidan:
Ciyaaryahankaas waa
Rafael Ferdinand Van Der Vaart. Waxaa uu dhashay kuna dhashay 11.02.1983 Magaalada Heemskerk, Niederlande.
Aabihiis waxaa lagu magacaabaa Ramon, Hooyada dhashay waa Lolita, Walalkiis waa Fernando.
Waxa uu si weeyn kubada ugu soo caan baxay garoomada yar yar ee ciyaalka kubada eey ku dheelaan oo lagu magacaabo Caravan-Park Heemskerk wuxuuna Garoon ciyaaleedkaan u jiraa Magaalada Caasimada ah ee Amsterdam kaliyah 25Km.
Hooyada dhashay ee Spanishka ah wexeey ka soo jeedaa Gobolka weeyn ee Andalusien iyo meel u muuqato Magaalada caanka ah ee Cadiz.
Xaaska uu guursaday waxaa lagu magacaabaa Sylvie wexeeyna ka shaqeeysaa Modelka Tv-ga Musiga ee MTV Sylvie ayaa u dhashay wiil yar oo lagu magacaabo Damian Rafael Van Der Vaart.
Van Der Vaart Neenaasta loo wada yaqaan oo hadaad ugu yeerto isaga oo dariiqa ama banaanka maraayo si deg deg ah kuugu soo jeesanaayo waa (kleine Engel-<Malaaigtii yareed) Wuxuu gamaa ama qatar ku yahay Darbooyinka Biriqda ah ee Jahwareeriya Goolhayaasha xitaa qaar ka mid ah Goolhayaashaas ayaa marka eey qabtaan Darbooyinkaas jooga ama dhulka kula dhaco awooda eey leedahay Darbada Van Der Vaart darteed.
Xiligaan la joogo waxa uu u ciyaaraa Tottenham oo xitaa shalay uu gool Rigoore ah ka dhaliyey kooxda Arsenal.
Horyaalka Holland waxa uu qaaday 2002, 2004 lana qaaday Ajax
Koobka Holland waxa uu qaaday 2002
Super Koobka Holland waxa uu qaaday 2002
UI-Cup-waxa uu qaaday 2005 iyo 2007 wuxuu la qaaday Hamburger SV
Xiddiga iyo Juunyarka Ajax ee sanadka waxa uu qaaday- 1999, 2000, 2001
Laacibka Sanadka ee Magaalada Amsterdam wuxuu ku guuleeystay 2001
Europas Talent Xiddiga yurub ee Mustaqbalka waxa uu heeystaa 2002
Saaxiibada uu jecel yahay inuu casumo ama la sheekeyto waqti dheerna uusan ka daali doonin waxa uu ku sheegay ciyaartooyda kala ah Sneijder, Robben, Huntelaar Van Nistelrooy iyo Frank Ribery.
Halkaan ka Daawo Wacdarihiisa iyo sida uu wax u Ciqaabo: >> http://www.youtube.com/watch?v=wgZod9t8RV4.
Ugu dambeentii hadaanu u gudo galno Aqoonyahanadii iyo Akhiyaartii Aqoonta Sport u huray Soo baarista ama Soo sixida >> waa kuma Ciyaaryahan Spanish & Hollandes iska dhaleen oo Laacib weeyn ah ayaa waxa eey kala yihiin Magacyadooda Sidan:
1-Qadar Ahmed Mohamed (Qadar Barca)
2-Abshir Macalin Xasan (Kashka)
3-Yuusufeey Maxamed Cunaye (Azuri)
4-Maxamed Axmed Maxamed (Waqooyi)
5-Abdi Fitaah Hassan Abdalla (Fitaah Labo)
6-Ali Godane (Ali Yanyo)
7-Mohamed Jeceeloow.
8-farxiyo Wehliye Aadan (Juve)
9-Kamaal Cismaan Rooble (Rooney)
10-C/nuur Cali Xuseen (Taayoow)
11-Muumin Cali Jabriil (iigooy)
12-Cali Cabdi Barqadle (Messi)
13-Liibaan Cabdi Kaahin(Arsenal Boy)
14-Waris Isxaaq Nuur (Waris Birimo)
15-Cabdi Raxiin C/laahi Faarax (Raul)
16-Anwar Axmed Yacquub (Alonso)
17-Ilyaas C/kariin Raage (Pirlo)
18-Ilhaan Cabdi Ayaanle (Ronaldo)
19-Cadnaan Xassan Xussen (Drogba)
20-Maxamed Cismaan Diiriye(Fara Yare)
21-Nuurdeeq Muxudiin C/kariin (Del Piero)
Fiiro Gaar Ah: Xiriiriye waxaa uu Hawada u diray oo SuŽaasha soo qalday 64-qof, 8-qofna Magacyadoodii ayeey Nasiib xumo ka soo iloobeen Jawaabta inkastoo eey soo saxeen waxaana garan weeynay cid aan magaceeda ku soo qorno(Sorry)
Dhanka kale Barnaamishka La Yaab ayaa maanta aad u xiiso badan waxaana uu ku saabsan yahay Ciyaaryahan caan ah oo koox weeyn u dheelo oo Ciyaaryahan kale oo Ciyaal suuq ah uu ku dheelay Mustaqbalkiisa wuxuuna geeyaa Disco-wga iyo Baararka lagu Tunto, wuxuu baray Qamriga xun ee loo yaqaan Vodka iyo Sigaarka Qiiqa badan. Ciyaaryahankaan oo lacag badan la ganaaxay ayaa waxeey Saxaafada Sportiga ee caalamka soo bandhigtay Sawiradiisa iyo sida Sahlan ee uu beerta u galay isaga oo Taageere mida loo hayo Leo Messi iyo Cristiano Ronaldo ku lahaa Maslaxa kubada cagta .Ž(Filo warkaas Goor dhaw haduu alle Idmo)
SuŽaasha Hal Xiraalaha cusub ayaa wexeey tahay sidan:????
Waxaad sheegtaa ciyaaryahan caan ah oo u dheelo qaran caan ah oo ka tirsan Qaarada Yurub oo Cudurka loo yaqaan Bidaarta Faro baŽan ku heeyso...Bidaar ayaa gashay isaga oo yar, Muuqaal ahaan hadaad aragtana waxa uu u egyahay qof daŽah..Koox caan ah ayuu u saftaa.Qarankiisana kama haro dhamaan ciyaaraha iyo kulamada Caalamiga ah. Inta noogu soo dir Jawaabtaada hadaad wax isku heeyso >> xiriiriyesports@hotmail.com .
Jawaabta Khabiirada Guuleeysta waxaanu soo ban dhigi doonaa maalinta Qamiista 25.11.10 kana Raali noqda Jawaabtaan oo hada idinka soo daahday maadaama eey na soo dhex gashay Ciid waxaana ku kala maqneeyn Fasaxyo kala duwan.
Fadlan u Aalamiiteeya Hal Xiraalaha Todobaadka dambe oo lagu wado inuu noqdo sidan.
?? Waxaad sheegtaa Ciyaaryahankii ugu horeeyey oo Gacan goŽan kana dheelo mid ka mid ah horyaalada ugu caansan Qaarada Yurub sida Itlay, England, Spain, France iyo Germany (Gacan dhan ayaa maqan oo goŽan marka uu ordaayana qosol iskuma celin karaan dadweynaha daawada waxaa ka sii daran qaabka uu u dabaal dego..??
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com