Ciidamada Jarmalka kuwooda la Dagaalama Burcad Badeeda Soomaalida oo kala bartay Biyaha Bada Soomaaliyeed & Goobaha ay Burcad Badeeda wax ka ugaarsadaan ,* Maxaad kala socotaa Dal Ciidamadiisa Xaasidiin lagu sheegay oo Burcadbadeeda Soomaalida iyo Doomahooda isla Guba? (Halkaan ka Daawo)
Biyaha Soomaaliyeed gaar ahaan Bad weeynta India waxaa ku sugan Ciidamo aad u fara badan oo ka soo kala jeeda Dunida gaar ahaan wadamo fara badan oo ka tirsan Qaarada Yurub .
Ciidamadaan oo aalaaba la Dagaalama Burcad Badeeda Soomaalida oo goobahaas Isbaaro u dhigatay Maraakiibta iskaga kala gooshta Bad Weeynta Hindia ayaa waxaa markii ugu horeeysay Horumar dhanka Taaktikada ah sameeyey Ciidamada dalka Germany oo si weeyn u kala bartay Goobaha ay Burcad Badeeda inta badan ku dhuuntaan ama Maraakiibta ku weeraraan.
Ciidamada Jarmalka ayaa waxaa la sheegay ineey mudo dhoor bilood ah u isticmaalayeen goobahaas Map-ka Qaaradaha gaar ahaan kan Bada iyo Biyaha lagu kala barto. Ciidamadaan wexeey Darseen Goobaha ugu halista badan ee Burcad Badeeda aan laga weeyn Isbuuc walba kuwaas oo ka Sawirtay Hawada.
Burcad Badeeda ayaa dhankooda waxa ay yihiin kuwo guur guuro hadba oo aan ku ekaan meel gooni ah amaba lagu bartay . Ciidamada Shisheeye ee la Dagaalama Burcad Badeedka Soomaalida kuwa ugu Naxariista daran wexeey ka yimaadeen dalka Ruushka wexeeyna sameeyeen falal Arxandaro ah ka dib markii ay Aragtida ku Gubeen Doomo iyo Burcad badeedii saarneed halka Ciidamada kale ee dalalka Yurub ay yihiin kuwo Qab qabto oo kaliyah Burcad Badeeda Soomalida ka dibna dalalkooda ku Maxkamadeeyo.