Xulka Qaranka Japan oo ku joog joogsaday Rajadii Qaranka Qadar oo marti galisay Sanadkaan Koobka Qaramada Asia , * Jordan oo Jooga laga riday loona diray Gurigeeda . * Kaka oo Karim Benzema talo muhiim ah u soo jeeday * GigiBuffon oo ku dhawaaqay inuu kooxda Juventus Cimrigiisa ku dhameysan doono & Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News !( Halkaan ka Daawo )
Koobka Qaramada Asia oo si xiiso badan uga socda Magaalada Dooha ee dalka Qadar ayaa waxa uu galay wajigiisii ugu kululaa maadaama eey iskugu soo hareen 8-dal oo kaliyah.
Qadar oo ah Marti galiyaha Koobka Asian Cup 2011 ayaa wexeey sanadkaan xooga saartay oo Qarash badan eey ku bixiyeen sidii eeysan u dhaafi laheeyn Fursadaan qaaliga ah oo in mudo ah eey sugayeen. Qadar ayaa Qarankeeda wexeey ku soo dartay Sanadkii tagay & sanadkaan Ciyaartooy cusub oo aan u dhalan dalka Qadar kana kala yimid dalaka Qaarada Afrika & Latiin America. Dawlada Qadar oo ciyaartooydaan cusub Sharciyo iyo Paasabooro dhalasho ah farta ka saartay si eey meel wanaagsan ama Guul wax ku ool ah u gaarsiiyaan Qaranka Qadar ayaa Riyadaas wexeey noqotay mid hal bacaad lagu lisay ah.
Xulka Qadar ayaa caawa Koobkii eey mudada dheer ku riyoonayeen waxaa daqiiqadii ugu dambeeysay Tareenka ka reebay Xulka Qaranka Japan oo sanadkaan diyaar garoow weeyn uu ka muuqdo. Japan ayaa Marti galiye Qadar 3-2 ku quusisay waxaana Halyeeyga Garoonka ahaa Laacibka ku cusub Maslaxa Kubada cagta una ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee horyaalka Germany waa Shinji Kagawa oo Qadar ka dhaliyey 2-Gool (28./71) halka uu goolka guusha oo ahaa ama dhashay Aaqiru saacii ciyaarta uu dhaliyey daqiiqadii 90-aad ciyaaryahan Masahiko Inoha .
Garoonka Al Gharafa-Stadium oo eey soo camireen Taageerayaal reer Qadar & Japan ah oo kor u dhaafayey 19.500 oo Taageere ayaa labada gool ee xulka Qadar uu keensaday waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Sebastian Quintana (13.) iyo Fabio Cesar (63.) Halkaan ka Daawo ciyaarta : >>> http://www.youtube.com/watch?v=Yu6WWSqgDlI.
Xulka Qaranka Japan ayaa wexeey sugayaan cidii soo baxda ciyaarta kulul ee dhexmareyso Qaramada Iiran Vs South Korea. Dhanka kale waxaa isna Asian Cup 2011 laga reebay oo gurigooda loo diray Xulka Jordan oo Sanadkaan iyo biloowgii ciyaarahaan wacdaro ka dhigay. Jordan ayaa waxaa 2-1 ku qaarajisay Usbekistan waxaana goolasha Usbekistan u wada saxiixay ciyaaryahan Ulugbek Bakajew Daqiiqadihii 47-aad & 49-aad, goolka Jardan waxaa ku tuurtay Ciyaaryahan Yaseen. Halkaan ka Daawo Ciyaarta : >>> http://www.youtube.com/watch?v=3Pq5Co3Tr-s
Qaranka Usbekistan ayaa wexeey sugayaan maanta kii soo baxa dalalka Australia ama Iraaq oo ah dalka Difaacanaayo Koobka Qaramada Asia.
*** Goolhayaha Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Gianluigi Buffon oo loo yaqaan Gigi ayaa ku dhawaaqay inuusan ka tagi doonin kooxdiisa Juventus ilaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisanaayo . Warka Gianluigi Buffon ayaa waxaan ku farxin kooxda Man Utd oo aan weli ka quusan la soo wareegista Goolhaye Gigi. Buffon oo u waramayey Sky Sport 24 ayaa waxa uu eedeyn u soo jeediyey qaar ka tirsan Saxaafada Sportiga oo ka qortay inuu xiriir hoose la leeyahay Naadiga ManU qaasantan Macalin Sir Alex Ferguson oo Gianluigi Buffon si aad ah u doonaayo.
*** Xiddiga Qaranka Brazil iyo Kooxda Real Madrid Ricardo Kaka ayaa Talo & eedeyn is bar bar socda u soo jeediyey Weeraryahanka Qaranka Diiqa Reer France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema. Kaka oo ka hadlay Muranka & Qilaafka ka dhex aloosan Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Morinho iyo Sport-Chef-ka kooxda Real Madrid ninka lagu magacaabo Jorge Valdano ayaa waxa uu sheegay in uu sabab u yahay Karim Benzema.
Kaka ayaa sheegay in Macalin Jose Morinho uu doonaayo inuu soo iibsado Laacib la mid ah ama ka ciyaara Booska uu hada ka ciyaaro Karim Benzema waxaana Qorshahaas ka diiday Real Madrid Sport-Chef-Jorge Valdano oo Morinho u sheegay ineey heeystaan Karim Benzema uuna ka soo bixi doona Booskiisa.
Ricardo Kaka ayaa sheegay in Benzama uu yahay Laacib uuna u qirsan yahay Xirfadiisa Sport balse waxa uu ku eedeeyey in uu dabooli la yahay baahida loo qabo booska uu ka dhaawac may Weeraryahanka Qaranka Argentina Gonzalo Higuain oo qaliin dhabarka dambe ah ku maqan. Kaka ayaa sheegay sababta in Morinho Xiddig cusub raadiyo Benza oo kooxda joogo ineey tahay wax iska cad waxaan oran lahaa Benzema Fadhiga ha ka kaco booskiisana si deg deg ah ha ku xirto ayuu yiri Ricardo Kaka oo qoslaayey.
*** Kooxda Horyaalka dalka Russia heeysata ee St. Petersburg ayaa wexeey qarka u saaran tahay ineey la soo wareegto Weeraryahanka Qaranka Germany iyo Kooxda Köln Lukas Podolski . St. Petersburg ayaa Lukas Podolski oo 26 jir ah wexeey ku dooneeysaa 15-Milyan oo Euro waxaana lagu wadaa in dhawaan lagu dhawaaqo Heshiiska labada kooxood.
*** Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Tottenham ee horyaalka Ingiriiska Rafael van der Vaart ayaa sheegay in kooxdiisa Sanadkaan dhinac walba ka dhisan tahay eeyna suurto gal tahay ineey Horyaalka Ingiriiska qaadaan waa hadii eey hal dhibaato iska jiraan oo iska daaweeyaan taas oo uu ku sheegay ineey tahay dhibaatada ka heeysata xiliyada guryaha kale eey ku soo dheelaan oo ka awood yar sida eey gurigooda ugu ciyaaraan ama ugu awood badan yihiin. Rafael van der Vaart oo niyada u dhisay ciyaartooyda kooxdiisa ayaa yiri sidan : " Horyaalka wax yar ayaa ka dhiman ee aan iska ilaalino ineey Bareejodeena badato xiliyada aan ku ciyaareeno Garoomada kale waa hadii aan Horyaalka rabno !! .
Filo Goor dhaw Barnaamishka La Yaab oo ku saabsan Maanta Ciyaaryahan caan ah oo koox Caan ah u ciyaaro oo Makaanig ah wuxuuna inta badan u sameeyaa dhamaan kooxdiisa Baabuurta iwm . Xiddigaan ayaa yaraantiisii School uga soo baxay sameeyta Gawaarida iyo kala badalista Matoorada wuxuuna hada baray Xirfadiisa Xiddig kale oo caan ah kalana dheela kooxdiisa. !