Dumarka xirta xijaabka Jalbaabka oo xaalad adag eey la soo daristay, Maxaad kala socotaa arintaan cusub oo xal loo waayey ? (Xiriiriye iyo soo aruurinta Mucjisooyinka Caalamka ugu hadal heeynta badan !!)
Waxaa sii xoogeeystay arin cusub oo dhibaatadeeda mudooyinkaan dambe taagneed oo waliba si wax looga qabto eey aad u adkaatay.Qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa waxaa ka dilcaay guruub Bangiyada waa weeyn dhaca oo soo xirta dharka Jalbaabka ah.
Tuugada Bangiyada dhacda ayaa xiliga eey iska soo dhigaan Dumarka Asturan wexeey la soo baxaan Bistoolad ka dibna wexeey dhegta ka saaraan shaqaalaha Bangiyada iyaga oo weeydiista dhamaan waxa eey Lacag haayaan ineey iska soo wareejiyaan.
Dhibaatada ugu weeyn wexeey heeysataa Ciidamada Amniga ee Bangiyada kor ka waardiyeeyo sidii eey ku kala garan lahaayeen Dumarka dharkaas ku labisan ee aanan Dambiga laheeyn iyo Burcada ku qaraabaneeyso ee Bangiyada ku dhibaateeya.
Arinta ugu xasaasiyada badan ee Dunida oo idil ka yaabsatay ayaa wexeey tahay xiliga eey Tuugada Jalbaabka soo xirata Bangiyada dhacaan ka dibna fakadaan waxaa dharkii eey ku been sheegteen laga helaa meel aan wax sidaas ah uga fogeeyn Bangigii eey dhaceen taas oo kuu cadeeneeyso ineey Dharkii Jalbaabka ahaa si dhaqsi ah iskaga tuureen maadaama eey qabatay Kamerada Bangiyada wexeeyna iska dhigaan qof caadi u labisan oo dariiqa maraya.
Xiliga eey ku fakadaan burcadaan Gawaarida ama eey bursanayaan Ciidamada amniga waxaa sidoo kale dhibaato xoogan la kulma Dumarka ku Xijaaban Jalbaabka ee wadooyinka uga soo hor baxa Ciidamada Booliska ah ee bursata Tuugadaas.
3 cisho ka hor ayeey eheed markii Magaalo xeebeed loo dalxiis tago oo ku taal dalka Irland uu Nin soo xirtay Jalbaab ku dhacay Bangi ka dibna fara cidiyo leh ku baxsaday maadaama uu meel Biyo ah ku tuuray Jalbaabkii uu wax ku dhacay kaas oo eey Ciidamada Amniga goor dambe ka soo dhex heleen Jalbaabkii halkii uu biyaha kaga tuuray.
Wadamada inta badan Jalbaabka Bangiyada looga dhaco ayaa waxaa ka mid ah dalal ka tirsan Skadaneeviyaanka, Jarmalka, Scotland, Irland, Canada & Holland.
Tuugada Bangiyada ku dhacdo Jalbaabka ayaa hada wexeey Xijaabka Jalbaabka u arkaan Fursad aad qaali u ah maadaama xiliyadii hore eey soo duuban jireen wajiyada halka hada eey si caadi ah u soo dhex galaan Bangiyada caalamiga ah iyaga oo Dumar Xijaaban iska dhigaayo wexeeyna bistoolad si lama filaan ah madaxa ka saaraan Shaqaalaha Bangiyada.