La Yaab : Ciyaaryahan Tomislav Bosec oo noqday Xiddigii Ebid ugu Nasiibka xumaa Ciyaaraha Caalamiga ah . Maxaa Qabsaday? ( Halkaan ka Daawo isaga oo kooxdiisa Gool Qurux badan u dhaliyey ka dibna isku qalday halkii eey Taageerayaasha kooxdiisa Garoonka ka fadhiyeen, markii uu kuwii isaga necbanaa la dabaal deg is yiri ayaa la soo Garaacay Laacibkaan oo Dharbaaxyo & Feer looga soo dajiyey Taribunaha)
Barnaamishka Maalinlaha ah ee La ! Yaab oo ka baxo maalin walba www.xiriiriye.com ayaa maanta waxa uu idiin hayaa Qiso ka yaabsatay dhamaan inta uu dhiigooda ku shaqeeyo ciyaaraha kubada cagta.
Ciyaaryahan Tomislav Bosec ayaa waxa uu noqday Xiddigii ebid ugu Nasiibka xumaa ciyaartooyda jirta sanooyinkaan dambe. Tomislav Bosec oo u ciyaara kooxda Inter Zapresic oo ka dhisan Horyaalka dalka Croatia ayaa waxa uu gool ka dhaliyey kooxda eey sida weeyn isku neceb yihiin ee NK Zadar balse Farxad iyo Damaashaad dartiis waxa uu iloobay halkii eey Garoonka ka fadhiyeen Taageerayaasha kooxdiisa Inter Zapresic wuxuuna kor u fuulay Tarabuunaha Garoonka oo Xiliyada uu goolasha dhaliyo farxad & Dabaal deg kula qaadan jiray Taageerayaasha kooxdiisa balse taas markaan ma dhicin.
Weeraryahan Tomislav Bosec oo war baahinta Caalamka eey ku sheegtay Ciyaaryahan aad u degan oo inta badan iska faraxsan ayaa waxaa qabsatay Lama Arag & Lama Maqal ka dib meeshii uu ka filaayey in Madaxa & Gacmaha laga shumiyo ayaa badalkeeda waxa uu muteeystay Dharbaaxyo & Feer is daba socday oo uu u geestay nin ka tirsanaa Taageerayaasha kooxda uu goolka ka dhaliyey Ciyaaryahan Tomislav Bosec .
Weeraryahan Tomislav Bosec ayaa markii eey qabsatay Qisadaan uusan fileeyn ayaa waxaa muqaalka Video-ga laga dareemayaa inuu wareeray ama dhibaato eey ka soo gaartay dharbaaxyadii iyo Feerkii uu la beegsaday Taageeraha ka xanaaqay Goolka uu ka dhaliyey Tomislav Bosec .
Waxaa inta badan dhacda ama garoomada Caalamiga ah lagu arkaa xiliyada eey Ciyaartooyda Goolasha dhaliyaan Farxad xad dhaaf ah oo qaar ka mid ah marka eey Garoonka ka baxaan ama Funaanadaha iska siibaan loo taago Jaalle ama Roosso iwm. Weeraryahan Tomislav Bosec ayaa ku sheegay Taageerihii garaacay Nin Horror ah oo aan Ciyaarta kubada cagta qiimaheeda waxba ka aqoon wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in meesha uu fuulay ee lagu soo garaacay eey u badnaan jireen Taageerayaasha kooxdiisa.
Halkaan ka Daawo Dhibaatada iyo La Yaabka Xiddigaan qabsatay Hana Qoslin Aqristoow hadaad Daawato Vidio-gaan maadaama arinkaan uu yahay wax ku cusub Ciyaaraha Caalamiga ah: >>> http://www.youtube.com/watch?v=HkETq4UwfCE
Wax yar ka dib Filo Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontooda Sport+Qubanayaal kale.
Goor Dhaw filo Warar Sport oo kala duwan ! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!