Mucjisooyinka Caalamka : Dhaqtar Conrad Murray oo loo heeysto inuu Sumeeyey Heesaagii weeynaa ee loogu yeeri jiray King of Pop Michael Jackson & Walaashiis Janet Jackson oo soo xaadirtay Dacwada Maxkamada (Halkaan ka Daawo)
* Mucjisooyinka Caalamka waa Barnaamish Cusub oo lagu soo kordhiyey www.xiriiriye.com waxaana ku soo qaadan doonaa Isbuuc kasta labo jeer wararka ugu waa weeyn ama ugu hadal heeynta badan Caalamka weliba kuwooda Xiisaha Xambaarsan !
Conrad Murray oo ah Dhaqtarkii qaaska ahaa ee King of Pop Michael Jackson ayaa waxaa in mudo ah loo heeystaa inuu Sumeeyey ama Sabab u ahaa Dhimashada Heesaa Michael Jackson . Dr. Conrad Murray oo 57 jir ah ayaa lagu wadaa goor dhaw in uu muteeysto 4 sano oo xarig ah iyo lacag ganaax ah oo cadadkeeda lagu sheegay 7.500 oo Euro.
25-ka bishaan Janaayo ayaa waxaa dacwadaan soo xiri doona Qareenka kiiskaan Mr Michael Pastor oo loo soo gudbiyey wax alle iyo wixii cadeen ahaa oo lagu heeystay inuu ku kacay Dr. Conrad Murray. Michael Jackson ayaa mudo 6-Bilood ka badan waxa uu si qalad ah u is ticmaalayey 15,5 Liter oo Daawada Narkose-Propofol-ka ah ilaa uu ka dhaco ama ka miyir beelo.
Dr. Conrad Murray oo xiriir aad u wanaagan la lahaa Michael Jackson ayaa waxa la sheegay in habeenkii uu dhimanaayey Michael Jackson uu soo wacay daqiiqado isku dar gaaray 47-Daqiiqadood wuxuuna u soo diray 10-Sms taas oo Maxkamada u cadeeysay in Dr. Conrad Murray uu ogaa Halista iyo dhibaatada eey keeni karto Daawada Propofol-ka.
Ugu dambeentii Dr. Conrad Murray ayaa waxa uu hada ku doodayaa in uusan wax Qalad ah sameeyn dambina laheeyn balse Michael Jackson qudhiisa uu si qalad ah u isticmaalay Daawadaas wuxuuna carabka ku dhuftay Dr. Conrad Murray in Mr. Michael Jackson uu Daawada ka badsaday sidii uu markii hore ugu sheegay ama ugu qiyaasay. Hadalka Dhaqtarka ayaa waxaa diidan oo daba dhigatay Michael Jackson Walaashiis Janet Jackson oo sheegtay in eeysan suurto gal aheeyn waxa uu ku hadlaayo Dr. Conrad Murray uuna sabab u yahay Dhimashada walaalkeed Mr. Michael Jackson .
Halkaan ka Daawo Wajigii ugu dambeeyey ee Dacwada : >>> http://www.youtube.com/watch?v=_O5xc_VT6iQ.
Halkaan ka Daawo Heesihiisa markii uu dib ka qaaday sida eey dadka ugu ooyi jireen
http://www.youtube.com/watch?v=_jyltWwZeTU
Halkaan ka Daawo heesta caanka ah ee Triller oo Soomalida eey u taqaan Reer Akhiraadka : >>>
http://www.youtube.com/watch?v=EoXUrNFIPO8&feature=related
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com