SOOMAALIDA & LA YAABKA QURBAHA : Nin Somaali ah oo Lagu Xukumay 2 Sano iyo 4 Bilood oo Xarig ah (Dalka Jarmalka) Maxaad kala socotaa muxuu sameeyey Ninkaan?
Nin Soomaali ah oo da´diisa lagu sheegay 32 jir ayeey Ciidamada Poliska Dalka Jarmalka waxa ay isku dayeen in ay joojiyaan gaarigii uu watay isaga oo marayay wado aada Dalka Denmarka halkaas oo uu u siday jaad culeyskiisu ahaa 1750-kg jaadkaas oo uu ku siday Gaari noociisu ahaa Mercedes wuxuuna Jaadkaas ku jiray jawaano fara badan.
Kolkii ay Polisku ku soo dhawaadeen Gaarigaasi ayuu Ninkii Soomaaliga ahaa, waxa uu kordhiyay socdkii baabuurka isagoo saacadiiba jarayay 150km, kolkii ay u cadaatay Ciidamada Poliska ee Dalka Jarmalka in uu ninkaasi Soomaliga aha ka dhega adeegay ayeey fariin u direen Ciidamo kale si ninkaas loogu sameeyo jid gooyo, nasiib wanaag ninkaasi kolkii uu arkay in uusan baxsan karin ayuu istaajiyayn Gaarigii uu watay wexeeyna Polisku ka soo degeen Gaarigoodii una soo dhaqaaqeen xagii ninkii Soomaalig ahaa balse mar kale ayuu misna isku dayay in uu Gaariga jiirsiiyo Ciidamadii Poliska ahaa, markaas ka dib waxa ay ooda uga qaadeen Xabado ay Cirka u Ridayeen si ay u cabsi geliyaan, wax yar dib ayuu Gaarigii joojiyay waxayna u kaxeeyeen xabsiga dhexe halkaas oo maalin ka dib lagu Xukumay Xabsi 2 sanadood iyo 4 bilood ah ,Jaadkii uu wadayna waxaa ay ku Qiimeeyeen 100.000 oo Euro (fast 800.000 Dänische Kronen).
Ma ahan markii ugu horeeysay oo eey Poliska Jarmalka soo qabtaan jaadadka sida sharci darada ah ku soo galo dalkooda waxeeyna inta badan culeeyska saaraan soo qabashada Darawalada ka soo qaado Jaadka Wadanka Holland kuwaas oo si dhuumaaleeysi ah ku soo galiyo Dalka Jarmalka ka dibna horay ugu sii dhoofiya dalka Denmark.
Cadirashiid Shaam
shaamabdi977@msn.com