Dugsiga jaabir oo markii labaad ku guuleystey tartanka dugsiyadda
Ciyaartoyda kubadda cagta ee dugsiga jaabir bin hayan ayaa sanadkii labaad oo isku xigta noqdey hryaalka kubadda cagta ee dugsiyadda gobolka banaadir.
Ciyaartoyda jaabir ayaa waxaa ay kulankii kama danbeysta tartankaasi ay la ciyaareen dhigooda dugsiga Ma"muur oo ay uga adkaadeen 1-0 ciyaar aad u adkeyd oo ay u soo daawasho tageen boqolaal taageere.oo ka kala yimid degmooyinka banaadir.
Daawashada kulankaasi ka sokow taageerayaashi badnaa ee labada dugsi waxaa goob jog ka ahaa, guddoonmiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdulaahi Abow xuseen,Garsoore caalami xassan maxed maxamuud xasan farey,xubno ka tirsan xiriirka kubadda cagta iyo Guddoomiyaha Midowga ardayda Soomaaliyeed Maxamed cabdulaahi Maxamuud .
Tartankan oo todobaadyadii ugu danbeeyey ka socdey garoonka dugsiga Jabuuti ee degmada wadajir ayaa waxaa soo agaasimey xiriirka cusub ee kubadda cagta oo kaashanaya Dallada midowga ardada gobolka banaadir,iyada oo ay ka qeyb galeen ilaa 12 dugsi,maadaama inta badan dugsiyada aysan ka soo qeyb gali Karin rabshadaha muqdisho awgeed.
Xiriirka kubadda cagta ayaa markii 19kii bishii july la doortey waxaa uu balan qaadey inay horumarin doonaan kubadda cagta somaliya tartankan dugsiyadda uu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in isbedel loogu sameeyo kubadda cagta dalka.
Waxaana uu xiriirku sheegey in Dugsiyada muhiimad gaar ah siin doono maadaama ciyaartoyda kubadda cagta meesha ugu horeysa ee laga hello ay tahay dugsiyada iyaga oo balan qaadey in tababaro kala duwan oo dhinaca tababarka iyo garsoorkuba ay siin doonaan dugsiyadda banaadir.
C/xafiid C/samad zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com
Masuuliyiintii baxsatey maaha inay qasaan kubadda cagta somalia
Xoghayaha ururka kooxaha kubadda cagta (somali-football leuge) ayaa ka hadley wararka ay saxaafada qaar siiyeen masuuliyiin hore uga tirsaneyd xiriirka kubadda cagta ee dibadda joogta.
Bashiir salad barre B/Dheere ayaa xusey in kubadda cagta somalia xiligan ay u baahantahay kaliya wax qabad dhab ah iyo horumarin laakiin aysan waxba ku soo kordhin doonin mucaaradad lagala horyimaado hogaanka ay kooxaha doorteen,Ama Australia jog ama America iyo yurub kooxuhu waxay doorteen Saciid m.Nuur waana ku qanacsanahay ayuu yiri Gudoomiyaha kooxda Cammell oo ku hadlayey Afka kooxaha 25ka ah.
Aad ayaan uga xumahay in shaqsiyaad hore uga baxsadey xiriirka kubadda cagta ay iminka isku dayaan inay abuuraan qilaafaad hor leh oo ku saabsan kooxaha iyo xiriirka kubadda cagta ayuu yiri,isaga oo difaacay doorashadii 19ka july lagu qabtey muqdisho,halkaasi oo 4sano lagu doortey gudoonka x.k.cagta ee S.muganbe madaxda ka yahay.
Waxaa uu xusey in doorashadaasi ay ahayd mid ay aqbaleen dhamaan baarlamaanka awooda u leh inay wax doortaan waxna ridaan oo uu ulla jeedey 25 clubs u diiwaangashan x.s.k.cagta,hadii xiriirka iyo kooxihiisa isku wafaqeen ma jiri karto cid ka hor imian karta ragga qeylinayana ha sugteen 2014ka ka dib ayuu raaciyey.
Mar uu ka Hadley qeylo dhaanta Ina sendiko waxaa uu yiri "Axmed faarax inaga oo 14 kooxood ah ayaa dooraney xili ay jireen qilaafaad u dhexeeya kooxaha iyo xiriirka 7 bilood ka hor ayaana gebi ahaanba iska casilney aniga ayaana ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenadii xiriirkiisa waxaana iminka dhameyney qilaafaadkii Siciid Muganbe ayaana dooraney si looga gudbo dhibaatadii jirtey"ayuu yiri
Ugu danbeyntii waxaa uu xusey in xiriirka kubadda cagta aduunka ee Fifa aysan fara gelin ku sameyn Karin kooxaha kubadda cagta iyo rabitaankooda ayna raali ka yihiin qaabkii ay 19kii july ku soo doorteen hogaanka cusub ee kubadda cagta 2010--2014
Waxaa Wareystey
C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com