Ciyaaryahan Ivan Klasnic oo Xaaskiisa la Bililiqeeystay ( Sidee loo galay ? )
Weerar yahanka Xulka Croatia iyo Kooxda Bolton ee Horyaalka England Ivan Clasnic ayaa waxaa la Bililiqeeystay Xaaskiisa Patricia xili eey ku sugneed Guri eey ka degan yihiin Magaalada Hambrug ee dalka Germany.
Patricia ayaa waxaa irida hore ee guriga u soo gar garaacay Nin sheegay in uu iibiyo Jaraaidka sportiga balse markii dambe la soo baxay midi dheer oo uu ku yiri gudaha u gal guriga soona saar wax alle iyo wixii Lacag iyo Dahab ah ee aad heeysid.
Patricia oo qal qal weeyn ku dhacay ayaa waxa eey farta ka saartaay nin kaas Tuuga ahaa Lacag faro badan iyo wax yaalo kale oo qaali ahaa.
Ciyaaryahan Ivan Klasnic oo arintaan deg deg loogu sheegay markii Ciidamada Amniga eey Telfoon ku waceen ayaa sheegay in hadii eeyba nooshahay Xaaskiisa Patricia eey wax kaste hagaagi doonaan uuna si deg deg ah ku soo gaari doono guriga ama meesha eey dhibaatada ka dhacday.
Hoos ka aqriso in yar oo warkaan ka mid ah balse af Jarmal ah:
Goor dhaw Filo Kawaanka Beeca Laacibiinta Caalamka
(Ein Einbrecher hat das Hamburger Haus des deutschen Fußballprofis Ivan Klasnic heimgesucht, wie die Hamburger Polizei bestätigte. Der Räuber bedrohte bei dem Einbruch demnach die 34-jährige Ehefrau mit einem Messer. Ivan Klasnic war zu diesem Zeitpunkt nicht zu Hause.)