Wiilkii yaraa ee Korkiisa uu Magnet-ka ahaa oo qarka u saaran isaga iyo Qooyskiisa ineey helaan Lacag caqli ka fooq ah, Maxaad kala Socotaa Shirkada la soo xiriirtay? (Halkaan ka Daawo Wiilka korkiisa eey Birqabatada noqotay 3-Video Xiriiriye & Mucjisooyinka Caalamka)
Ivan Stoiljkovic waa Wiilkii aanu horay Sawiradiisa iyo Mucjisooyinkiisa idinkugu soo bandhignay wuxuuna Wiil kaan yar ka yaabsaday Caalamka oo idil maadaama Jirkiisa uu yahay Magnet ama waxa eey Soomaalidu u taqaan (Birqabatada) .
Ivan Stoiljkovic oo 6-sano jir ah waxa uu ku nool yahay Tuulo ku taal Waqooyiga dalka Croatia ama Koraweeshiya qofba sida uu u yaqaan. Wiilkaan yar oo ka soo jeeda Qooys Beeraleey ah oo iska Danyar ayaa iminka waxa uu noqday Shaqsi Nasiib wanaagsan oo inta badan Saxaafada & Telefishinada Caalamka Wareeysigiisa Lacag kaga abaal mariyaan.
Warar kii ugu dambeeyey ee Wiilkaan Mucjisada ah iyo Familkiisa ka imaanaya ayaa sheegaya in Qooys-kaas eey la soo xiriirtay Shirkada Filimaanta sameeysa ee ugu caansan dalka Mareykanka & Caalamka oo idil waa Columbia Pictures .
Xaqiiqada warkaan ayaa waxaa soo bandhigay Tv-ga ZDF waxaana iska cad in Ivan Stoiljkovic iyo Waalidkiisaba eey Daris la noqon doonaan Lacag Xoogan oo kaga timaada Shirkada Columbia Pictures oo dhanka Filimada Hollywood-ka Mareykanka kaalinta 1-aad kaga jirta.
Columbia Pictures wexeey sameeysaa ama dhanka Hollywood-ka Caan kaga noqotay sameeynta & Jilista Qisooyinka Filimaanta sida Xaqiiqada ama runta ah u dhacay wexeeyna caan ku noqdeen Soosaaristii Filimaantii laga sameeyey Dagaalkii Vietnam & kii Adduunka ee 1-aad iyo 2-aad. Shirkada Columbia Pictures wexeey sidoo kale Lacag Caqli ka fooq ah ka heshay Filimkii Black Hawk Down oo laga sameeyey Dagaalkii Soomaalida iyo Ciidamadii Mareeykanka ahaa ee dalka Somalia xiligaas joogay.
Hollywood Columbia Pictures oo la sheegay ineey xiratay Booska Ivan Stoiljkovic ayaa dhanka kale waxaa lagu wadaa ineey Film qatar ah ka sameeyaan mucjisooyinkiisa iyo sababta ku dhalisay in uu Magnet/Birqabato noqdo isaga oo ruux Beniaadam ah.
Shirkadaan ayaa waxaa Horboode ka ah ama si weeyn ugu soo caan baxay Filimkii Somalia laga suubiyey ee Black Hawk Down Jilaayaasha kala ah Josh Hartnett iyo Ewan McGregor . Halkaan ka Daawo qaabkii looga fakaray Filimkii laga sameeyey Somalia: >>> http://www.youtube.com/watch?v=EjRx5wiRduk&feature=fvst