La Gazzetta dello Sport " Rossoneri (Ac Milan), Nerazzurri (Inter Milan) Haloo duceeyo waxaa la gaaray xiligii (Bianconeri) Juventus ,, (Macalimiinta juventus & Ac Milan Antonio Conte iyo Massimiliano Allegri oo la wareeystay)
Jaraaidka loogu jecel yahay dalka Talyaaniga waa dhanka Sportiga ee lagu magacaabo La Gazzetta dello Sport ayaa kulankii Juventus Vs Ac Milan (2-0) ka dib waxa uu soo sawiray Midabada Ac Milan & Inter Milan oo uu Ciwaan uga dhigay Midabka Juventus oo ka sameeysan Cadka & Madawga loo yaqaan Geriga ama Dameer Faroowga oo qariyey Midabada Ac Milan & Inter Milan.
La Gazzetta dello Sport ayaa Qoraal ahaan waxa uu Maqaalkaas ciwaan uga dhigay eray Somaali ahaan la macno ah ha loo duceeyo Ac Milan iyo Inter Milan oo xaaladu eey ku xun tahay waxaana uu leeyahay Jaraaidka waxaa la gaaray xiligii kooxda Juventus.
Kulankii dhex maray kooxaha Juventus Vs Ac Milan waxa uu noqday kii ugu Daawashada badnaa Dunida mudo dhoor bilood ah marka laga reebo Ciyaartii dhex martay kooxaha Man Utd Vs Fc Chelsea 3-Isbuuc ka hor (3-1).
Tababarayaasha ama Macalimiinta Labada kooxood oo Wareeysi dhiibay wexeey u kala hadleen sidan :
Macalinka Juventus Antonio Conte waxa uu yiri sidan " Ac Milan wax badan ayaan ka Ciyaar wanaagsaneeyn oo waxaanu xaq u laheeyn inaan Qeeybihii hore ee Ciyaarta Goolal ka dhalino maadaama aanu ka Fursado wanaagsaneeyn,,
Antonio Conte ayaa sidoo kale waxa uu Amaan balaaran u soo jeediyey qaab ciyaareedka kooxdiisa ee Xil Ciyaareen cusub.
Macalinka kooxda Ac Milan Mr.Massimiliano Allegri waxa uu dhankiisa yiri sidan " Waa Ceeb iyo maalin madoow inaan horyaalka Talyaaniga kaalinta 15-aad ka galno,Welina ma dhicin koox aan Tababare u ahay ineey kaalintaas halista ah Horyaalka ka gasho,,
Kulankii dhex maray kooxaha Juventus Vs Ac Milan oo aad u xiiso badnaa waxaa Labada Gool ee Guusha eey ku raacday kooxda Juventus u wada saxiixay Xiddiga Qaranka Talyaaniga Claudio Marchisio (Daqiiqadihii 87-aad iyo 93-aad).