La Yaab : Weli ma aragtay Qaranka Italy oo Hees ineey qaadaan lagu qasbay? Gattuso oo ugu Cod xumaaday, Totti & Del Piero oo Top noqday . Iyo Warar News ah. ( Halkaan ka Daawo)
Xulka Qaranka Talyaaniga ayaa waxaa mar la Tijaabiyey Codkooda bal dhanka heesaha dabacsan sida eey ugu fir fircoon yihiin.
Laacibiitaan oo aad wada garan doonto Akhristoow ayaa waxaa Beerta galay oo Codkiisa sidii Cajiin camal noqday Xiddiga Xanaaqa badan ee u ciyaara Naadiga weeyn ee AC Milan Gennaro Ivan Gattuso oo guud ahaan dalka Talyaaniga looga yaqaan (Rino).
Mar uu heesayey Gattuso ayaa waxaa gadaashiisa aad ugu Camirtay Ciyaartooyda kale ee Qaranka Talyaaniga sida Antonio Casano, Francesco Totti iyo Alex Del Piero iyaga oo tilmaamayey qaabka uu u istaagay iyo fadeexadado kale.
Gennaro Ivan Gattuso ayaa heesta ka dib ku mar marsiyooday in eey xiligaas Dhuunta xanuuneysay oo uusan Hees diyaar u aheeyn.
Ciyaartooy badan ayaa dhuumasho ku jiray oo xishooneeysay sida Goolhaye Buffon halka qaar eey aad u faraxsan yihiin oo eey muujiyeen doonistooda Fanaanimo am kaftan wacan iwm .
Heestaan ayaa aad u Macaan wexeeyna ka hadleysaa Midabka Buluuga ah ee Qaranka Talyaaniga oo Dunida caan ka ah madaama eey asal ahaan Kooxaha Caalamka uga horeeyeen marka laga reebo Xulka Qaranka loo yaqaan Diiqa ee France FFF, waxaana heestaan lagu magacaabaa sidan :Squadra Azzurra - Azzurro Alore !
Halkaan ka dhageeyso kana Daawo Heesta : http://www.youtube.com/watch?v=Djt4DMyHZrM&feature=related.
Halkaan ka Daawo Astaanta Heesta Calanka Italy oo ah mida ugu macaan Qaarada Yurub marka laga reebo tan Qaranka Portugal oo Nr-1 gashay Qaarada Yurub : http://www.youtube.com/watch?v=bAkn8QH620c&feature=related .
Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News ayaa waxaa ka mid ah sidan :
Difaaca Qaranka Argentina Martin Demichelis oo ka tagaayo Kooxda Bayer München, waxaana durbo doonistiisa soo ban dhigay Kooxaha Fc Chelsea, Juventus iyo Roma.
Sidoo kale Caawa waxaa la dheelayaa Wajigii ugu dambeeyey ee Champions-League Play-off-ka, weexeyna kooxuhu isku arkayaan sidan:
Fiiro gaar ah Natiijada goolasha kooxaha ku hor qoran waa Natiijadii koox kasta isbuucii la soo dhaafay la kulantay ama ku dhamaatay.
| Hapoel Tel Aviv |
Red Bull Salzburg |
|
3:2* |
| Sampdoria Genua |
Werder Bremen |
-:- |
1:3* |
| RSC Anderlecht |
Partizan Belgrad |
-:- |
2:2* |
| Sheriff Tiraspol |
FC Basel |
-:- |
0:1* |
| FC Sevilla |
SC Braga 0-1
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Liibaan IID & Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com