Maxaad kala socotaa Haweeyneeyda ugu Timaha Dheer Dunida? Imiso Sano ayeeysan Timaha iska Jarin? Dhirirka Timaheeda waa meeqo Mitir oo dalkee beey u dhalatay? (Waa Iskoor cusub >> Ku Biiri Aqoontooda) !!!
Haweeneeyda heeysatay Iskoorka qofka Dunida ugu Timaha dhaadheer waxaa lagu magacaabaa Ni Linmei wexeey u dhalatay dalka Shiinaha (China).
Ni Linmei waa 55 jir wexeeyna ku nooshahay magaalada Taiyuan ee cariga dalka Shiinaha.
Ni Linmei mudo 14 sano ah Timaha iskama jarin wexeeyna hada Dhirirka Timaheeda noqdeen ama gaareen 2,53 Mitir. Arinta ugu yaabka badan Sida Sawirka kore kaaga muuqato wexeey tahay Ni Linmei kaligeed ma Shaleeysan karto mana Dhaqan karto Timaheeda.
Labo Haween ah oo kale ayaa Qarash ku qaato oo weliba mar walba ka daba qaada Timaheeda wexeeyna Ni Linmei Warbaahinta Caalamka u sheegtay in Hantideeda ay ku dhameeysay Shampada Timaha lagu dhaqdo oo ay sheegtay ineey ku filnaan weeysay Timaheeda Dhirirka badan.
Ni Linmei oo aan kaligeed socon karin banaanka waxaa la weeydiyey waxa dhibkaas oo dhan ku kalifay balse wexeey ku jawaabtay oo ay sheegtay ineey jeclaan leheed mudo aad u fog inaan laga Jabin Iskoorka ay heeysato ee dhanka Qofka ugu Timaha dhaadheer Caalamka oo idil (Yaab).