Xiddig caan ah oo 12.000 oo Euro lagu ganaaxay ka dib markii uu Xayawaan/Animal ku tilmaamay Laacib kale oo ay isku koox u wada dheelaan (Qiso Top ah By : La Gazzetta dello Sport )
Jaraaidka ugu afka dheer dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo La Gazzetta dello Sport ayaa waxa uu sii buun buuniyey qisadii dhex martay Xiddigaha kooxda Napoli ee dhibaatada abuurtay balse sida deg dega ah lagu xaliyey . (Qisadaan ayaa u qorneed sidatan).
Ciyaaryahan Gökhan Inler wuxuu dhashay 27. Juun sanadkii 1984 wuxuuna ku dhashay magaalada Olten oo ku taal dalka Switzerland balse Inler asalkiisa waa Turki u ciyaara Qaranka Switzerland ( Turkish- Swiss ).
Laacib Gökhan Inler waa Xiddig ay isku heeysteen xili Ciyaareedkii la soo dhaafay kooxo aad u fara badan oo ka dhisan Qaarada Yurub. Inler oo Horyaalkii la soo dhaafay u ciyaarayey kooxda Udinese waxaa 17.7 Milyan oo Euro kula soo wareegtay kooxda Napoli wuxuuna sidaas ku noqday Laacibka ugu qaalisan Qaranka Switzerland.
Xili lagu jiray waqtiga nasashada kooxda Napoli ka gadaal Ciyaartooyda markii eey qadeeyeen ka dib Laacib Gökhan Inler wuxuu doonayey inuu wax yar seexdo ama indha gaduudsado balse waxa uu u adkeeysan waayey Qeeylo iyo Qosol fara badan oo ka imaaneeysay dhanka Weeraryahanka Qaranka Uruguay Edinson Roberto Cavani Gomez.
Ciyaaryahan Gökhan Inler oo Daaqada madaxa kala soo baxay waxa uu yiri " tartiib u hadal ama u qosol Xayawaan yahoow,,
Ereyga Hayawaan oo uu ku dhawaaqay Inler wexeey u dhigantaa sida Animal waxaana markii uu soo baaray caaydaas uusan saaxiibkiis ka fileeyn Weeraryahan Edison Cavani soo ogaaday inuu Inler la meel dhigay Nin caqligiisu yahay qof xayawaan ah oo aan ciso aqoon.
Weeraryahanka Qaranka Uruguay Edinson Roberto Cavani Gomez oo Inler ku dacweeyey maamulka kooxda SSC Napoli ka dib Laacib Gökhan Inler wuxuu qirtay inuu Weeraryahan Edison Cavani ugu yeeray (Hayawaan ) oo u dhiganta Animal ama wax Xoolo ah balse wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inuusan wax xumaan ah kala jeedin kalmadaas.
Ugu dambeeyntii Laacib Gökhan Inler wuu raali galiyey Saaxiibkiisa ka xanaajiyey ka dib markii uu si wanaagsan uga seexan waayey qeeyladiisa faraha badan iyo Qosolkiisa oo Hurdadii u aqoonsaday Laacib Inler.
Ciyaaryahan Gökhan Inler waxaa hada lagu ganaaxay 12.000 oo Euro balse Su´aashu wexeey tahay Xiddig ku fadhiya 17.7 Milyan oo Euro mexeey ka tareeysaa cadadkaas Lacagta ah ee lagu ganaaxay !!!!.
FIIRO GAAR AH : Soomaalida ereyga ama kalmada Xayawaan wexeey u yaqaanaan Xoolo ama Animal balse Dadyoowga Turkiga ayaa eraygaan ugu dhawaaqo si u dhaw Afka Soomaaliga kaas oo ah sidan (Hayawan) waxaana iska cad ineey Kalmadaas kala yimaadeen luuqada Carabiga ah.