Maxaad kala socotaa goorta eey dib u bilaaban doonaan Horyaalada England, Italy, Spain, France ,Holland & Germany ? ,*FC Arsenal oo gacanta ku soo dhigtay Weeraryahan Gervinho ,*SSC Napoli oo Lacag xoogan kula soo wareegtay Laacib Inler & ( World Sport News)
Waxaa weli guud ahaan xiran oo nasasho balaaran ku jira Horyaalada Caalamka ugu tunka weeyn sida England, Italy, Spain, France, Holland & Germany. Hadaba su´aashu wexeey tahay maxaad kala socotaa goorta eey dib u bilaaban doonaan horyaaladaan dunida sida weeyn looga qadariyo loogana xiiseeyo.
1-Horyaalka England waxa uu si toos ah u furmi doonaa 13-ka bisha Agoosto 2011
2-Horyaalka Talyaaniga wexeey kooxaha xarash isku hayaan oo lagu wadaa inuu furmo 27-ka bisha Agoosto 2011.
3-Horyaalka Spain weexeey kooxaha is sugi la yihiin ilaa goorta uu ka furmaayo oo ah 20-ka bisha Agoosta 2011.
4-Horyaalka France waxaa mindiyo la isku sifeeystay oo lagu wadaa inuu dib u furmo 6-da Bisha Agoosto 2011.
5-Horyaalka Germany oo kooxaha sanadkaan eey Ciyaartooy badan soo iibsadeen waxaa uu dib u bilaaban doonaa 5-ta bisha Agoosto 2011.
6-Horyaalka Holland wexeey kooxaha isku diyaariyeen ineey Cagaha iska tumaan dibna u furmi doonaa 5-ta bisha Agoosto 2011.
***WARARKII CIYAARTOOYDII UGU WAA WEEYNEED EE KOOXAHA SOO KALA IIBSADAAN AYAA WEXEEY KALA YIHIIN SIDAN:
*** Weeraryahanka Qaranka Ivory Coast iyo kooxda heeysata Horyaalka dalka Faransiiska ee Lille Gervais Yao Kouassi Gervinho oo 24 jir ah waxaa 12 Milyan oo Euro ku soo iibsatay kooxda kubada cagta ee Fc Arsenal.
Weeraryahankaan waxaa laga qeeyliyey ama la sheegay inuu ku wanaagsan yahay sida looga dhuunto Difaacyada adag ee Caalamka.
Laacib Gervais Yao Kouassi Gervinho waxaa si aad ah u doonayey oo kooxda Arsenal imaan yook ku riday kuna qasbay ineey si deg deg ah ula soo wareegto Weeraryahankaan waa kooxaha Fc Liverpool & Newcastle Utd oo geed gaaban iyo mid dheerba u koray sidii eey ku heli lahaayeen Gervinho .
*** Kooxda Napoli ee Horyaalka Talyaaniga wexeey sharaf u yeeshay oo ka dhigtay xiddiga Qarankiisa Swezerland ugu qaalisan Laacib Gökhan Inler oo eey ka soo iibsadeen kooxda Udinese ee isla Horyaalka Talyaaniga.
Laacib Gökhan Inler asalkiisa waxa uu ka soo jeedaa kana yimid dalka Turkiga balse waxa uu laf dhabar u yahay oo uu u ciyaaraa Qaranka Switzerland. SSC Napol wexeey kula soo wareegtay Ciyaaryahan Gökhan Inler Adduun gaaraya 21 Milyan oo lacagta Frankaha Swetzerland ah una dhiganta 17,7 Milyan oo Euro.
Xiddigaan waxaa aad u doonayey oo kabihii eey uga dhamaadeen kooxaha kala ah Juventus, Fc Valencia iyo Lyon.
Halkaan ka Daawo kulankii Copa America Argentina Vs Coast Rica >>> 3-0 http://www.youtube.com/watch?v=QdlkvARHq08 .
Filo maanta barnaamishka LA YAAB SPORT & warar kale oo Top Sport News.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com